HomeTELEFISHAN ku soo biiray Bahda Arag-Maqalka Warbaahinta Soomaalida oo maanta Xadhigga lagu...

TELEFISHAN ku soo biiray Bahda Arag-Maqalka Warbaahinta Soomaalida oo maanta Xadhigga lagu daah-furay magaalada Hargeysa (SAWIRRO + MUUQAAL)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa maanta xadhigga ka jaray Telefishan Cusub oo ku soo biiray bahda Arag-Maqalka Warbaahinta Soomaalida oo xaruntiisu noqonayso magaalada Hargeysa.

IMG-20180125-WA0016Telefishanka Cusub oo lagu magacaabo BC24tv oo ay aasaaseen dhalinyaro reer Somaliland ah oo muddo ku soo dhex-jiray bahda Saxaafadda, ayaa Khamiistii maanta oo ku beegnayd 25-ka bisha January lagu daah-furay magaalada Hargeysa, waxaana munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay furintaanka xaruntan Warbaahineed ka qayb-galay masuuliyiin ka socoto Goleyaasha Qaranka, Axsaabta iyo bahda Saxaafadda.

Munaasibadda daah-furka oo lagu qabtay Xarunta Warbaahintan cusub oo lagu magacaabo Badda Cas Media Corporation, waxa ka qayb-galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Maareeyaha Telefishanka Qaranka, Guddomiyaha SOLJA, masuuliyiin ka socotay Xisbiyada Mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee saxaafadda dalka.

IMG-20180126-WA0045Ugu horeyn waxa munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha Badda Cas Media Corporation Cabdirashiid Maxamuud Daahir oo ka warramay ujeeddooyinka loo aasaasay telefishanka, waxa uu kaga duwan yahay warbaahinta la midka ah ee hore u jirtay iyo sidoo kale geeddi-socodkii ay la soo mareen yagleelista telefishanka.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Xildhibaan Cali Aareeye iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaas oo soo dhaweeyey isla markaana bogaadiyey hirgelinta Xaruntan Warbaahineed, isagoo halkaas talooyin iyo waano uga jeediyey maamulka iyo shaqaalaha ka hawl-galaya BC24tv.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Maxamed Cakulle oo bogaadiyey dhalinyarada iyo maamulka xarunta isagoo ballan-qaaday inay Wasaarad warfaafin ahaan wixii awooddooda ah ku garab taagan yihiin isla markaana la shaqayn doonaan Telefishanka Cusub.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay xildhibaanno, masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID iyo haldoorka Saxaafadda Somaliland qaarkood, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey daah-furka Badda Cas Media Corporation, iyagoo maamulka u soo jeediyey u hoggaansanaanta iyo ilaalinta anshaxa saxaafadda iyo Danaha bulshada oo ay tilmaaameen inay gun-dhig u yihiin inay ka midho-dhalinayaan ujeeddada loo aasaasay.

IMG-20180126-WA0062Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa iftiimiyey muhiimadda iyo kaalinta warbaahinta madaxa-bannaan ugu jirto dalka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay inay ilaaliyaan doorkooda dhex-dhexaadnimo iyo hawsha ay bulshada u hayaan.  Isagoo Guddoomiyuhu gunaanadkii munaasibadda halkaas xadhigga kaga jaray Telefishanka cusub.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN OO INTAAS KA FAAHFAAHSAN IYO QAABKII AY U DHACDAY MUNAASIBADDA XADHIGGA LAGAGA JARAYEY XARUNTAN WARBAAHINEED.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories