HomeTayo Darada Aqoonta Jaamacaddaha iyo Sare u kaca Shaqo La'anta Dhalinyarada

Tayo Darada Aqoonta Jaamacaddaha iyo Sare u kaca Shaqo La’anta Dhalinyarada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Somaliland waa dal yar oo curdina oo kuyaala geeska Africa oo aan wali caalamka  helin aqoonsi buuxa. Somaaliland waxay xad la wadaagtaa Jabuuti,Itoobiya iyo Soomaaliya. Somaliland waxey kamid aheyd dalalkii Ingiriisku gumaysan jirey, waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday  Soomaliya oo Talyaanigu guumeysan jiray. Sanadkii 1991 ayey Somaliland ku dhawaaqday inay midawgii Soomaaliya ka noqotay, waxayna la baxday magaca Somaliland intaa ka dib 2001 waa laqaaday Aftidii Dastuurka Somaliland oo Xaqiijinaysay Gooni isu taaga ayaa laga qabtey wadan ka gebi ahaan.

Waxaa jirta Somaliland jaamacado badan oo bixiya aqoon heer jaamacadeed oo aan tayo lahayn taasoo ardayga aan shardi looga dhigin inuu sito ama buuxiyo shuruudaha looga baahanyahay ardayga jaamacad galaaya sida shahaadada dugsiga sare ama wax lamida oo loogu ogolaan karo inuu jaamacada galo.

Marka aad u fiirsato jaamacada dalka ka jirta badankooda waa kuwo gaar looleeyahay oo ujeedada furitaanka jaamacadu uu yahay macaash raadis iyagoon bixinayn aqoon tayo leh waxaana dhacda mar mar in arday aan jaamacada tegin shahaado loo sameeyo taas oo aanu aqoonteedii lahayn marka laga reebo inuu shaqo uun ku raadiyo haddii uu sifadaas shaqo ku helana wuxuu marinhabaabinayaa hawlaha loo igmado taasoo uu muqmaasuqo dhamaan hantida loo dhiibo maadaama aanu lahayn aqoon ama damiir ka xakamayn kara  wixii qalada kuna hagi kara habka wanaagsan ee toosan eek u jiro horumarka iyo himilada wanaagsan.

Waxaa magaalada hargeisa dhex wareegaysanaaya kumanaan arday jaamacado ka baxay oo la marin habaabiyey taasoo marka hoos loo dhaadhaco ama loo fiirsado tayada ama heerka aqoontoodu ay aad u liidato oo aan dhamaan ba lahayn tayadii aqooneed ee ardayga jaamacad ka baxa looga baahnaa taasoo sobobta marka uu shahaadaa loo soo daabacay uu shaqo ku waayo uu yidhaahdo wadanka shaqo la,aan ayaa ka jirta dabadeedna uu sidaa ku tahriibo waayo isagu wuu is ogyahay inaanu waxbarashadiisa wax ka dhimanyihiin waana ta ku kalifta  inuu bada ku dhinto ama uu yurub qaxooti ku ahaado.

 

Maalin walba waxaan warbaahinta ama Tv yada ka maqalnaa dhalinyarada tabriibaysaa shaqo la,aan ayey ka yaacayaan balse ma iswaydiinay ninka jaamacad ka baxay wuxuu ka tusaale qaadan karaa oromadaa balashka ka shaqaysa ee sidaa noloshooda iyo qoysoskoodaba ku filnaada kagana raysta noloshii adkayd ee ay wadankooda uga soo yaaceen.

Ninka aqoonta leh maaha uun inuu ka fikiro inuu xafiis uun ka shaqeeyo balse waa inuu indha indheeyaa deegaanka uu ku noolyahay iyo waxkasta oo suurogala oo laga shaqaynkaro amaba uu isagu ganacsi yar uu furankaro halka uu cidkale uga shaqayn laha taasoo haddii uu horumar sameeyo ganacsigaasi uu isagu laftiisu uu dhalinyarada kale shaqaalaysiin karo.

Wadankeena marka aad u fiirsato 60% dhalinyaradu waxay ubadanyihiin inay ka baxeen jaamacad hadana wadanku ma hayo samayntii aqoontoodaa waxna kama badasho marka laga reebo shaqo la,aanbaa jirta markaa su aashu waxay tahay ma wadankaa diidan aqoonta dhalinyaradeena mise dhalinyarada aqoontooda ayey wax ka dhimanyihiin waa intaa aad loo baadhaa si loo ogaado waxyaabaha inaga hortaagan inaan cilmiga aan barano kaga qaybqaadano horumarka wadankeena.

Gudiga tacliinta sare iyo wasaarada waxbarashada waa inay hoos u eegaan qiimeeyaana manaahijta jaamacadaha iyo aqoonta malimiinta wax ka dhigta si aynu uga hortagno arday jaamacad ka baxday oo aan waxtar lahayn oo faaidada ay soo kordhiyaan uun noqoto shaqo la,aan.

 

 

ALLA MAHAD LEH

Abdiqafar Hassan Maal

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories