HomeTaxane ku Wejehan urur-siyaasadeedka Gaboodka ka dhigta Diinta iyo xidhiidhadooda caalamiga ah...

Taxane ku Wejehan urur-siyaasadeedka Gaboodka ka dhigta Diinta iyo xidhiidhadooda caalamiga ah – (Qormadii 4aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

QALINWax layidhi guyaal hore,

 Bahal geed ismarisoo,

 Maqlay gobol islaameed,

 Wadaad gaasa bixiya raba,

 Gadh intuu samaystay,

 Kutub garabka soo sudhay,

 Hadba dodob loo golay,

 Oo gogol diiran loo gogol,

 Galin qudha maqnaan waa,

 Gun gunaaska beenta ah,

 Ku galalay quraankii,

 Misna laba gar daaqii,

 Hadba taako soo gudub,

 Guul daraa ka salaglee,

 Galab uu ka kacay meel,

 Gago laysku soo baxay,

 Dadkii joogay goobtaas,

 Kadin geela waydii ,

Shirka ruux garaaboo,

 Gacan taaga laga waa,

 Kuye geed ismariskii,

 Gini lacaga yaa huray,

 Laga gaabsay hadalkii,

 Wuxuu yidhi galkiisiyo,

 Yaa kitaabka iga gadan,

Waa murtidii Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)

Hor iyo horaan waxan jeclahay inaan si furan oo daacad ah uga xog bixiyo ujeedada dhabta ah ee an uga gol leeyahay qormooyinkan iyo yoolka aan doonayo inaynu gaadhno haduu eebe idmo mar labaadka sadexdii sano ee ugu danbeeyay waxaan wakhti iyo juhdi badan galiyay inaan sameeyo cilmi baadhis dhab ah iyo daah furis iyo daraasad ku sameeyo mawduucan si aan u helo xogo xaqiiqa oo ku waajihan khatara ay maleegayaan uru siyaasadeedada ku dhuunta diinta islaamka ee geeska iyo xididadooda caalamiga ah sidaa awgeed qormooyinkan aan ka dheegtay daraasadaa iyo cilmi baadhistaa waxaan u abaaray oo u xushay maqaaladan warka ay xambaarsan yihiin iyo wakhtigan kadib markaan ku qancay in urur diimeedka islaax uu yahay khatarta ugu cabsida badan geeska kadib markii ay ku gulaysteen inay qabsadaan dawladahan Masar Tuniisiya Liibiya iyo Soomaaliyadii dhawaan la dhoobdhoobay isku xeereen oo xayndaan galiyeen Somaliland gil gileen jamhuuriyadii jabuuti ayaan go’aansaday inaan waajiho oo xusho qormooyinka wakhtigan iyo amintan muhiimadeeda leh ee islaaxda geeska iyo khataraheeda ay ku hayaan geeska .

Dabcan qormooyinkii tagay kuwa soo socda iyo kuwaynu ku jirnoba idilkood baadi uma aha inay yihiin kuwo ku kooban ama la garaada Somaliland gudaheeda runtii iyo xaqiiqdii maqaaladani macnahooda iyo ujeedadooda rasmiga ahi way ka durugsantahay wayna ka baaxadwayntahay Somaliland gudaheeda ama xisbi gudihii .sahankeeda iyo gunteeda way ka fogtahay ama way ka gun dheertahay in la weerarayo cid gaara la difaacayo cid khaasa fadlan haynaga macno tirina waxa afka qalaad loo yaqaan(academic research)cilmi baadhis iyo daah furyo xogo dhaba iyo xaqiiqooyin ku waajahan khataraha mushkiladaha ee geeska iyo shucuubta ku uuman ee ku qasban inay nolosha wadaagaan nabada wadaagaan horumarka wadaagaan khayraadka wadaagaan mideeyaan oo macneeyaan maslaxadahooda siday aduunyada kaleba u wadaagaan sida urur goboleedyada aduunka ka jiraa u macaamilaan sida AU  Khaliijka carabta ETC.

Calaa kuli xaal yoolka iyo ujeedada dhabta ah ee aan uga gol leeyahay cilmi baadhistan daah furkan iyo daraasadan waxa weeyi yaa kla soo hor jeeda inay xasi looni iyo barwaaqo ku waaraan qoomiyadaha bariga afrika iyo geeska afrika inata ay yihiin sababtooda ujeedada ay leeyihiin in laga jawaabo oo la asteeyo lana cayimo waa biyo kama dhibcaan in shucuubta ku dhaqan mandaqada madax iyto mijoba la war galiyo lana wacyi galiyo la tilmaamno khataraha dul hoganaya eek u waajahan mustaqbalkoda caam ahaan.

Intaynaan galin maw duucan aynu in yar is dul taagno qayb kooban oo ka soo baxay baadhi taankaa iyo daraasadaa aynu kor ku xusnay horaantii, iyo carashadii xukuumada madaxwayne axmed maxmed maxamuud (siilaanyo) uu gadhwadeenka ka yahay la wareegtay taladii dalka hogaaminaysay waxay la kowsatay dani shaki tuhun sas iyo baqdin waajahday dhamaan shacbiga reer Somaliland gaar haan inataan ku xidhnayn kooxdan ku gabraarata diinta iyo siyaasiyiinta ku matasha iyo caalamka aynu xidhiidhka dhaw lahayn gaar ahaan dawladaha jaarka iyo kuwa reer galbeedka ee aynu xidhiihdka dhaw lahay waxa si dhakhso ah uga muuqatay xukuumada axmed siilaanyo awood aan la loodin Karin oo ay qolyahan wadaadada xagjika ahi ku yeesheen talada ugu danbaysa ee hogaaminta dalka .

Balo carabkaaga lagama dhawro waxa kala bilaaday ama kala awood roonaaday wasiiradii uu madaxwaynuhu wada magacaabay waxa kaloo kala bilaaday oo kala awood roonaaday xubnihii baarlama ee xisbil xaakimka waxa kaloo kala awood roonaday oo kal cuslaaday salaadiintii Somaliland kuwii reeruhu samaysteen ama ka soo jeeday iyo kuwii xagjirku samaysteen aan idin xasuusiyo inaynu soo taagnayn mar ay salaadiinta xagjira oo ka soo kala jeeda buuhoodle iyo bariga burco ay galeen heshiis ciidamada Somaliland lagaga soo saarayo aaga buuhoodle iyagoon xukuumadu waxba ka ogayn ugu danbayna taas ay noqotay waxa kaloo aynu ognahay in xubno ka tirsan baar lamanka somalilan ee xisbiga kulmiye ay noqdeen deeq bixiyayaal oo ay warbaahintaa inooga sheegaan inay dhisayaan iskuulo inay dhisayaan saldhigyo iyo inay bixinayaan gaadiid halka aynu ognahay in xubnihii dhigoodu ay la tacaalayaan nolosha qoys kooda waxaynu ognahay ina wasiiro ka mida wasiirada Axmed Siilaanyo ay awood u leeyiin inay wasiiro eryaan wasiirona keenaan in taliyayaasha ciidamadu inay ka baqaan madaxda garsoorku ka baqaan  inay isku qaldamaan awooda wasiirnimo iyo ta madaxwayne nimo. Waxay awood u leeyihiin inay bixiyaan dhamaan mashaariicda iyo dhaqaale kasta halka wasiirada dhigoodu aanay helin waxa ka badan mushaharkooda waxay awood u leeyihiin inay abuuraan ganacsato cusub waxay awood u leeyihiin inay kala diraan ganacsato soo jireen ahaa sawirka noocaa ahi maaha mid sii dhaqaya wada noolaanshaha wada jirka somalailand waxa qasab noqonaysa inay mar umada Somaliland is waydiiyaan waxa soconaya cida ay doorteen intaa markaan ku dhaafo xaalada Somaliland ku jirto shaki laan jidka ay hayso xukuumada axmed siilaanyo saaxiibdeeda caalamiga ah waa jidkii midnimada soomaaliya ee islaaxu hogaaminayay madaxwayne waxaynu u baahanay in arimahaa dib loogu noqdo laysku dayo inaynu qaadno jidkii ina gaynayay Somaliland oo madax baannaan wa bilaahi tawfiiq

Waa qalinkii xeldheereha islaaxa geeska iyo urur diimeedyada ka jira geeska

Axmed Xaaji Cabdilaahi Rooraye

La soco qaybaha danbe………..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories