HomeTaxanaha Hees-Dhaqameedka Soomaalida: Haanta

Taxanaha Hees-Dhaqameedka Soomaalida: Haanta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Barnaamijkan taxanaha ah ee Hees-dhaqameedda Soomaalida oo todobaadle ah, Somalilandpostwaxa uu isniintii hore idiin soo gudbiyey qaybtii koowaad oo hordhac u ahayd taxanahan.   Isniintan waxa aynnu ku soo bandhigi doonaa ciyaar-dhaqameedda haanta.

Waxa Diyaariyey oo Innoo Soo Jeediya Khadar Xuseen Daahir (Hayl).

Ciyaar-dhaqameedda Haanta:

Ciyaar-dhaqameedda haanta oo ka mid ah ciyaaraha dhulalka Soomaalida ka sii dabargo’aya ama dabargo’ayba ayaa waxa ay magaca ka wadatay haamihii ergeegta iyo qabada laga toli jirey ee ay Soomaalidu biyaha iyo caanaha ku shuban jireen. Waa ciyaar aan sacab iyo jaan toona lahayn, durbaan ayaa se luuqda lagu jaangooyaa oo lagu sarjaraa. Ciyaarta haanta waxa badanaa ama asal ahaan laga ciyaari jirey gobollada Mudug, Gal-guduud, Sool iyo nugaal, waxaana ay bahwadaag la tahay ciyaarta Shamalka oo dabargo’day iyo Saarka oo weli deeggaannada qaar sida Gedo iyo Waamo laga sii ciyaaro.

Inkasta oo waayadii hore ay ragga iyo dumarkuba wada dheeli jireen, haddana beryihii danbe waxa ay isu rogtay mid dumarka uun u khaas ah, taasi oo qabanqaabadeeda iyo midhaheedaba ay iyagu gaar ku yihiin. Dumarka laftoodu uma sinnayne, waxa ciyaartan tuman jirey keliya gashaantimaha iyo garoobbada, halka dumarka la qabo ay iyaga ka reebbanayd. Sida ay kala mid tahay inta badan ee ciyaaraha faceeda ah, waxa ciyaartan la qabtaa ama la tumaa habeenkii, waxaana badanaa laga aloosaa sabada reerka ama meel aan ka fogayn aqallada iyo xeryaha xoolaha.

Koox haween ah oo isgurtay ayaa isugu yimaadda oo ku kulma gegi bannaan oo loo qoondeeyey in habeenkaa isaga ah ciyaarta laga tumo. Haantii durbaan ahaanta loo soo qaatay oo madhan, harag neef yar laga saarayna afka hore laga xidhay oo lagaga giijay ayaa god yar oo la qoday salka ama gunta loo geliyaa. Ka dib ciyaarta ayaa la bilaabaa, gabadha heesta ku qaadaysa ama hal-abuuradda ah ayaana durbaanka kaga dhawaajisa oo luuqda iyo dhawaqa haanta isku sargoysa, halka ay dumarka kalana sacabka iyo jiibta ugu hagarbaxaan ee kaga tiiriyaan, iyaga oo ku dhawaaqaya, kuna jiibinaya ereyga ah “hee”.

Gabadha midhaha tirinaysa ayaa iyada oo hab-suugaaneed farshaxannimo qotodheer leh oo qofayn ah adeegsanaysa la hadlaysa haanta ay faraheeda ku tumayso, waxa ay faraysaa in ay xoog u dayaanto oo dhawaaqa laliso, dhul fogna ka tallaabiso, si dhallinyaro dhul dheer jirta iyo mid dhawiba ay ugu soo hirtaan oo gegida ciyaarta u soo buux-dhaafiyaan, kolkaas ayaa ay heesta ku bilaabaysaa:

Daryaan haanyahay daryaan

Daryaan oo diririglee

Daryaan dooxada ka yeedh

Daryaan duul maqan u yeedh

Dhallinyaradii la gorfayey oo dhawaqa durbaanka iyo luuqda isku jaango’ay soo raacay ayaa golihii ciyaarta soo buuxdhaafiyey, ka dibna gabadhii heesta ku qaadaysay ayaa dareensiinaysa in ay tan iyo fiidkii ciyaarta tumayeen oo u toogo-hayeen in mar uun golaha la soo buux dhaafin doono, kolkaas ayaa ay odhanaysaa:

Tan iyo fiid waan fadhiyey

Filkay uma foolxumayn

Fagaaraha kama baqayn

Intaa fiirsaan lahaa

Nin fiirsaday waa fariid

Facaa dhowrbaan lahaa

Mar kale ayaa ay dhallinyarada geeljirka ah ee golaha yimid xifaalaynaysaa, iyada oo haweenka kale ee garab fadhiya la hadlaysa oo faraysa in aanay geel-jirka wax hadal ah u furin ee boodhka ku hurgufaan, ayaa ay leedahay:

Habeedlaha geela jira

Naa afkaagaa looma furo

Firaa lagu saydhiyaa

Hareer baa laga maraa

Qolo odayaal ah oo golaha yimid ayaa ay isha ku dhufanaysaa oo halacsanaysaa, markaas ayaa ay iyada oo u duurxulaysa u quusgoynaysaa oo dhacsiinaysaa in aan innaba gegida odayaasha gogoli u oollin, iyada oo leh:

Waxaan odayada ku nacay

I toobtooboo I tiif

Sinaha toobin iga saar

Dabkuna yuu iga bakhtiyin

Waa hal-abuur iyo caadadiiye, ammaan ayaa ay isku badhaxtiraysaa oo dusha iskagala dhacaysaa. Quruxdeeda iyo qotonkeeda ayaa ay daaha ka rogaysaa, iyada oo xubnaheeda qaarkood carrabka ku dhufanaysa, markaas ayaa ay leedahay:

Ma soo lulay labiyo laba

Ma soo lulay gacanta midig

Ma soo lulay laafyihii

Ma soo lulay luqunta dheer

Ma soo lulay labada garab

Waxa ay arkaysaa ciyaartii oo qabowday iyo haweenkii garabkeeda fadhiyey oo daalay ama ciyaartii ka seexday, kolkaas ayaa iyada oo qaarkood u halqabsanaysa odhanaysaa:

Maryama miisaan raglay

Mullaaxooy madi galool

Mataantii iga yarayd

Matooy ma iska huruddaa.

La soco Isniinta Todobaadka Dambe.

 

FG: Qormadani waxa ay ka mid tahay Buug dhawaan soo bixi doona oo ka hadlaya Hees-dhaqameedka Soomaalida.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories