HomeTaxanaha Doodaha Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa iyo Taariikhda Magaalada SAYLAC

Taxanaha Doodaha Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa iyo Taariikhda Magaalada SAYLAC

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Iyada oo ay si toos ah maalintii labaad u socoto Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkii 16-aad oo xidhiidh ah la qabtay, ayaa waxa masraxa xarunta dhaqanka lagu marti qaaday Dr. Jaamac Muuse Jaamac,  Aqoonyahan Cabdiqani Iid Cilmi, Michael Walls, Drs. Aamina-bahja Iyo Cabdifataax Maxamed.

Aqoonyahannadan, ayaa si qoto dheer u faaqiday Taariikhda guunka ah ee magaalada Saylac iyo raadadka qadiimka ah ee ay leedahay.

Doodda mawduucan, ayaa Xubnaha wadaagayey laba ka mid ahi kaga qaybqaateen habka tooska ama Maqal iyo Muuqaalka, iyagoo adeegsanaya Aaladda (SKYPE), waxayna si hufan u faaqideen muhiimadda ay leedahay taariikhda magaalo xeebeedka Saylac oo ku taalla Gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.

Sidoo kale, waxay si wadajir ah u sheegeen in Saylac loo aqoonsan yahay in ay jirtay tan iyo wakhti ka horreysay soo bixitaanka Diinta Islaamka, taas oo ka dhigaysa goobaha ugu taariikhda dheer qaaradda Afrika iyo dhulka Soomaalida, iyada oo la xusay inay Saylac ku yaallaan meelo badan oo ka tarjumaya taariikhda Geeska Afrika, gaar ahaan tan Soomaalida.

“Tan iyo horraantii soo bixitaankii Diinta Islaamka, magaalada Saylac waxay ahayd hoy waxbarasho, ganacsi, dhaqan, ilbaxnimo, xaddaarad iyo maamul boqortooyo,” ayay sheegeen Aqoonyahannada Doodda ka qayb-galay, iyagoo tilmaamay in Diinta Islaamku ay ka soo faaftay Saylac oo wakhti kooban ku noqotay Hoyga Diinta ee guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxa kale oo aad loogu dheeraaday astaamaha qadiimiga ah ee ku yaalla Saylac, sida Masjidka caanka ah ee ‘Qiblateynka’ iyo dhismayaal qadiimi ah, Sakkad la odhan jiray ‘Sakatul Yuhuud” iyo Xabaalo aad u da’ weyn.

Aqoonyahannadu waxa kale oo ay faaqideen xuseen sababaha dhaliyey in laga guuro magaalada Saylac, waxaanay Xuseen inay jiraan sababo badan oo looga guuray sida dagaalladii dhexmaray Boqortooyooyin ku hirdamay maamulkeeda.

Sidoo kale, Aqoonyahannada Taariikhdan ka warramay waxay dadka ku boorriyeen in la raadiyo taariikh dheeraad ah, maaddaama oo ay muhiim tahay in la kaydiyo taariikhaha uu dalku leeyahay, sida Saylac iyo meelaha la midka ah.

Xubnahani waxay sheegeen inuu jiro xidhiidh dhinaca Taariikhda ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, taas oo ku arooraysa taariikhda Saylac ee faca weyn iyo Culimadii fidinta Diinta ku hawlanaa ee isu maray Dhulka Soomaalida, Itoobiya iyo Bariga Afrika intiisa badan, kuwaas oo qaarkood xarun ka dhigtay magaalada Herer ee dalka Itoobiya.

Ugu dambayn, waxay ka jawaabeen su’aalihii dadweynuhu isla goobta ku waydiiyeen iyo waliba afkaar dheeraad ah oo halkaasi la isku waydaarsaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories