Home"Tartanka naga Dhexeeyaa Waxaan Rajaynayaa inaanu na kala Kaxayn Doonin” Samaale

“Tartanka naga Dhexeeyaa Waxaan Rajaynayaa inaanu na kala Kaxayn Doonin” Samaale

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargaysa(SLpost)-Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin in madaxtooyada Somaliland u diiday kaadhka dhirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo dhawaan warbaahinta gudaha Somaliland baahisay in loo diiday.

Wasiirka oo maanta qaatay kaadhka  shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiya ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga xaakimka Kulmiye.

“Waxaa farxad weyn ii ah inaan maanta xarunta xisbiga imid, anigoo u imid inaan kaadhka qaato. Waxaan u mahadnaqayaa guddoomiyaha, xoghayaha iyo hogaanka xisbiga oo warbixin wanaagsan iga siiyay siday hawshu u socoto. Waxaan ku faraxsanahay inay hawshii dib u bilaamatay iyadoo la wada wado oo la midaysan yahay, horena waan u sheegay kalsoonida aan ku qabo xisbigayga Kulmiye,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Cabdicasiis Samaale wuxuu sidoo kale ka jawaabay wararka saxaafadda qaarkeed ku soo baxay oo ku saabsanaa in Cabdicasiis Samaale golihii dhexe laga saaray.

“Waan arkaa warar saxaafaddu baahisay oo meel ay ka keeneen aan la garanayn, xalay ayaa website-yada qaarkood la galiyay Cabdicasiis Samaale golihii dhexe ayaa laga saaray, Kaadhkii ayaa loo diiday, ma garanayo runtii warkaasi meel uu ka yimid, waxaan isleeyahay waxaa haboon in saxaafaddu qorto waxay hubiyaan,” ayuu yidhi Mr Samaale.

 “ Anigu xisbiga musharax  madaxweyne baan ka ahay inshaa Allah, rag aanu saaxiibo nahay ayuu tartan naga dhexeeyaa, waxaa ka mid ah walaalkay Kijaandhe, walaalkay Muuse Biixi, walaalkay Maxamed Biixi Yoonis iyo inta ku soo korodhaba tartan xalaal ah oo walaalnimo ayuun baa naga dhexeeya. Hawsha xisbigana hogaanka ayaa leh oo aanu uga dambeynaa, dadka isku imanayaana waa golihii dhexe oo liiskooda la hayo aniguna aan ka mid ahay guddida fulinta iyo golaha dhexeba.”ayuu yidhi Cabdicasiis M.Samaale.

Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay in tartan xalaal ah oo xor ah ay ka rajaynayaan inuu dhex maro musharaxiinta madaxnimada u tartamaya iyo kuwa madaxweyne xigeenka u tartamayaba

“Damaca aanu leenahay iyo tartanka naga dhexeeyaa waxaan rajaynayaa inaanu na kala kaxayn doonin ama aanu cadow iskaga kaayo dhigi doonin,” ayuu yidhi Mudane Samaale.

Cabdicasiis Samaale wuxuu ugu dambeyn taageerayaashiisa u sheegay inuu calafkiisa ka qaadi doono tartanka

“ Waxaan u sheegayaa golaha dhexe ee aniga I dhisaya, waxaan u sheegayaa guud ahaan xisbiga Kulmiye, waxaan u sheegayaa taageerayaashayda gudaha iyo dibadaba inaan ahay musharax madaxweyne oo aan calafkayga ka qaadayo tartanka,” ayuu yidhi Samaale.

Maalmihii u dambeeyay ayay saxaafadda qaarkeed tabisay warar ku saabsan in madaxtooyadu diiday in musharax Cabdicasiis Samaale qaato kaadhka lagu galayo shirka golaha dhexe

Somalilandpost, Hargeysa Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories