HomeTARTANKA IYO JIBBADA WADDO SAMAYSIGA AYNU KU BADALNO TARTANKA BIYO XIDHEENADA

TARTANKA IYO JIBBADA WADDO SAMAYSIGA AYNU KU BADALNO TARTANKA BIYO XIDHEENADA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaa hubaala in Dadku hadba dhinacii loo jaheeyo ay ku jahaysmayaan ,Bini’aadmuguna sidiisaba waxa uu wax ka qabtaa Tartanka iyo Ficil tanka, taas waxaa maanta markhati u ah Somaliland gudaheeda ma jiro Deegaan aan ku dhawaqin in uu Waddo dhisanaayo gaar ahaan Tuulooyinka iyo Daabiyadaha ,taasi waxa ay ku tusaysaa Tartanka iyo Xifiltanka Qabiilka hoosta ku watta ee ay dadku ku tartamayaan Waddo samaysiga ,waana marka Faa’iidada uu leeyahay Tartanka Qabaliga ahi.

Dadku in ay wax qabsadaan maxuma waana horumar iyo Iska wax u qabso ay ku talaab sadeen ,Dawladuna ay ku gacan qabatay ,balse Noloshu waa ay kala horaysaa waxaa igala fiican in rayigaa dhismaha Wadooyinka loo badalo Tartanka Biya Xidheenada waayo
Biyahu waa noloshii lakiin wadada mararka qaar waa aad ka maarmi kartaa lakiin Biyo kama maarmi kartid .

Waa in aynu is waydiinaa Maxay ayaa faa’iido ku jira hadii aad Deegaankaagii iyo Tuuloyinkaagii aad u sameeyo Waddo Laamay ah oo aad u qurux badan ,lakiin Xiliyada Roobku yaraado dhamaan Dadkii Goobahasi dagana ay Naf iyo maal u wada bakhtiyayaan Biyo la’aan iyo Haraad awgeed ,mise waxa aynu wadad u samaynaynaa si ay ugu maraan Booyadaha Biya dhaamisku ,miyanay markaasi ka horayn in Biyaha la horaysiiyo Wadadanu ay danbayso.

Horumarka Waddanka waxaa qayb Libaax ka qaata Qurba joogta ,runtiina waa arin ay aad ugu mahad san yihiin, balse waxa ila fiican iyaga laftoodu ay ka qayb qataan dhismaha Dhaamam Biyaha lagu kadiyo .Qurba joogow intii Sanadkasta lagu odhan lahaa Qadhaankii Abaarta keen waxaa fiican in hal mar aynu u samaysano Qorshe aynu kaga gudibno dhibtaasi soo noqnoqonaysa .

Dhibatada in haysata waxaa ka mid ah ,Xiliga Abaarta Casharro kama barano ,Xiliga Roobka iyo Raxmadana Kayd ma dhigano, Aqoon yahan keenuna waa Aqoon laawe ,waxa aynu la mid nahay Rahha markaa uu Raxmada iyo Roobka helana wuu mashxaradaa xiliga Abaartana Dhoobada ayuu hoos galaa, sababta oo ah wax uu kaydsaday oo meel u yaala ayaan jirin.

Markasta Abaarahu way inagu soo noqnoqdaan walina waxa aynu u la’nahay Xal iyo Xeelad lagaga Gudbo ,Ilahay csw waxa uu Garaadka iyo Caqliga waxa uu inoo siiyay in Dhibaato kasta oo inagu dhacda aynu ka fikirno qaabkii aynu uga gudbi lahay.

Wakhtigan xaadirkaa waxaa Wadanka ka jiray Abaaro Dad iyo Duunyaba gallaaftay kuwasoo ka jiray dhamaan Dalkii oo dhan, taas oo halka xaaladdeedu marayso laga garan karo Qayla dhaantii faraha badnayd ee ka baxaysa dhamaan Gobolada Dalka oo dhan .

Waxa fiican in Dawlada Dalka ka jirta ay Dadkan iyo Dalkan abaarahu markasta ay kusoo noq-noqonayaan ay Xal u raadiso,waxa aynu wada ognahay in Wakhtigin aynu hada aynu ku jiro ay wadankii ka da’ayaan Roobab aad u badani kuwaasi oo aan isleeyahay isha ALLAA waa ay socondonaan ilaa xiliga Gu’ga uu dhamanaayo ,balse dhibatada tagani waxa ay tahay ma jiraan oo ma muuqataa cid ka fikiraysa in Roobabkaasi Biyahooda la xidho intii karaan keena ah.

Maaha oo kaliya in marka ay Abaaro dhacaan ,Dadkii iyo Xoolihii Biyo iyo Raashin loola cararo,balse waa in la sameeyaa Barnamij intaasi ka balaadhan ,iyada oo lagu salaynaayo sugidda nolosha mustaqbalka dambe ee dadka abaarta ku wax yeel-loobay. hadii ay soo noqoto Abaartuna ay jirto Sahay iyo Saad meel yaala oo lagaga Gudbo .waxana u horaysa Saadkasi in la helo Biyo Xidheeno .

Dawaladuhu waxa ay leeyihiin Wasaarado iyo Wakaalada qaabilsan arimaha Biyaha iyo Qaabka loo sameeyo Biya xidheenada hadii aanay jirina waa in la sameeyaa Hay’adahaasi ,si markasta aanay usoo noqon Biyo la’aani ,ma waxa aynu ka liidanaa Reer Miyuguba waxa ay Biyaha ku kaydsan yireen Barkado kadibna waxa ay cabbi jireen xiliga Jilaalka .

Maaha in Dawlada oo kaliya aan ku eedaynayo arimahan, balse xataa Xisbiyada Wadanka ka jiraa uma muuqdaan kuwa keeni kara amma ka fikiri kara Qaabkii iyo Siyasadii lagaga bixi lahaa Dhibatooyinkasi Abaaraha ee soo noqnoqda dadkana biyaha Bada galaya loogu xidhi lahaa .

 

W/Q Qareen. Khadar Ibrahim Aar .

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories