HomeTartan ciyaareed loogu talagay xuska maalinta 26 June oo lagu qabtay magaalada...

Tartan ciyaareed loogu talagay xuska maalinta 26 June oo lagu qabtay magaalada Oslo.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Koobkan loo dhigay dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool wadanka Norway ayaa waxaa kharashkii ku baxayay gabi ahaanba bixiyay shirkada Dahabshiil Norway.
Sanadwalba maalinta 18 May, 26ka june iyo 1 julayba ayaa waxaa soo qabanqaabiya shirkadan dahabshiil Norway si ay dhalinyarad Somaliyeed ee ku nool wadankan norway ugu xusto maalmahaan qiimaha leh.

Waxaa ciyaarahan ka soo qayb galay 12 kooxood oo ka kala yimid degmooyinka ay magaaladan Oslo ayka koobantahay iyo magaalooyinka ku dhow dhowba.
Ugu horeeyntii ayaa halkaa waxaa hadalo kookooban halkaa ka soo jeediyay gudoomiyaha Dahabshiil Norway Mr Ahmed Cawad iyo Hasan waraabe cade oo hogaaminayay qabanqaabiyaashii ciyaarahan.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAIntaa ka dib ayaa garoonka waxaa soo galay labadii kooxood ee lagu furayay ciyaaraha oo kalahaa kooxdii ka socotay magaalada Drammen iyo koox ka socotay magaaladan oslo Holmalia. Ciyaartan ayaa weerer iyo weerer celis ahayd, kooxdii ka socotay magaalada Daramen ayaa waxay u muuqdeen koox isku dheeli tiran oo si wanaagsan loo soo carbiyay.

Ciyaartaasina waxay ku dhamaatay 1 iyo 1 barbardhac. Ciyaarahan ayaa dhalinyaradu waxay soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo iyagoo waliba ilaalinayay asluubta iyo anshaxa garoonka.

OLYMPUS DIGITAL CAMERACiyaarahan ayaa kama danbaystii waxaa isugu soo haray laba kooxood oo ka dhisan Oslo, waa kooxda Holmalia iyo kooxda Oslo star. Kooxda Oslo Star ayaa iyagu waxa la filayay in ay koobkan hantin doonaan maadaamaa ay dhalinyaro magac iyo maamuusba ku leh magaaladan Oslo ay u ciyaarayeen , muuqaalka jirkooduna u muuqday kuwo koox walba iska caabin karta.

Inkastoo dhalinyaradii ka socotay kooxda Holmalia ay aad u da-yaraayeen ayaan hadana aan ka liidan kooxdii ka soo horjeeday. Si kastaba ha ahaatee Kooxdii ka socotay xaafada Holmalia ayaa 4 iyo 1 ku maquujisay kooxdii Oslo star, halkaana ku hanatay koobkii lagu xusayay 26 June iyo 1 July.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxaana ciyaarahan markale soo xiray Gudoomiyaha shirkada Dahabshiil Mr Ahmed Cawad, mahadnaq balaarana u soo jeediyay gudigii isku soo duba riday tartan ciyaaredkan iyo dhamaan ciyaartooydii ka soo qayb gashayba. Waxaanu Mr Ahmed hadalkiisii ku soo xiray maanta waa maalin qiimo leh , sharafteeda iyo maamuuskeedana aan idinla qaybsano ka shirkad ahaan. waxaa xusid mudan gudiga qabanqaabada oo ee norway oo ah gudi aad iskugu xiran waxaana ka mid ah Hassan waraabacadde,Abdi Jma, Ali Malin,Calasoow,Dr A madar, Sacad Hashhi,Turbashaash,diirshe.

Qore Mahad Turbashaash.
Oslo-Norway

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories