HomeTARJUMAADDA: Qiimaha iyo Hawsha ay leedahay – W/Q: A/Fataah M. Ahmed

TARJUMAADDA: Qiimaha iyo Hawsha ay leedahay – W/Q: A/Fataah M. Ahmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ceelaabeAkhriska iyo Qoraalku waa laba wax oo uu Inta badan qofku Xiiseeyo in uu wakhtigiisa ku Qaato. Xasuusta Maskaxda iyo Korinta Awooda Fekirka qofkaba Qoraalka iyo Akhrisku Saameyn weyn ayey ku leeyihiin. Helida Aragtiyo cusub, Buugaag cusub iyo Mawduucyo hor leh, ayaa Isbeddel Joogta ah kugu keeni kara. Agtaada, Gacantaada iyo Guud ahaan Meelkasta oo aad ku sugan tahayba waxa aad Jeclaaneysa in aad weheshato Buugaagta. Wakhtiga iyo Tamarta qofku Meel ay ku Lumaan oo u wanaagsan ayaa lagu tilmaami karaa Akhriska iyo Qoraalka.

Adiga oo Akhriyaaya Buug ka mid ah buugaagta aad Heysato Ma kugu dhalatey fikrad ah in aad turjunto buuggan oo aad Luqadda Afkaaga ama mid kale u Beddesho Aqoonta iyo Taariikhda ku duugan awgeed. Afkeena Hooyo weli buugaagta ku qorani wey Yar yihiin, Buugaagta Cilmiyada kala duwan laga dhigto ee Luqadaha kale ku Qoran ayaa ku badan Bulshadeena. Inta badan Carabi iyo Af Ingiriisi ayaa wax lagu bartaa dadkuna ay buugaagtooda heystaan, Aqoon iyo Cilmi Heer Jaamacadeed oo Buug Soomaali ah ku qorani wuu inagu yar yahay.

Turjumida Luqado kale Hadal iyo Qoraalba waa wax Aduunyada ka Jirta. Xadaaradihii hore, Aqoontii iyo Taariikhihii hore waxa bulsho weyntu isku gaadhsiisaa iyada oo loogu qorey looguna daabaco Afkooda Hooyo. Filimaanta iyo Buugaagta soo baxa si adduunka loo gaadhsiiyo waxa loo Turjumaa afafka kale ee Caanka ah. Xuquuqda Qoraalka iyo Qoraaga Halabuurka leh waxa u sugan in aragtidiisa aan Looga faa’ideysan si baalmarsan sida uu isagu ugu talo galay, hase ahaate Helidda ogolaanshaha Qoraaga haddii qoraa kale helo, wuu u turjumi karaa Afaf Kale ama Waa laga dhigi karaa Filim iwm.

Qoraayo bulshadeena ka mid ah ayaa ku dhiirradey in ay soo turjumaan Buugaag muhiim ah oo ku qoran Af Ingiriisi ama Carabi. Buugaag door ah oo u badan kuwa Diinta Islaamka ayaa loo beddelay Afkeena hooyo si bulshadu u Akhrisato ugana faa’ideysato Cilmiga diinta. Mar haddii Inta badan diinta Islaamku ku qoran tahay buugaag Afka carabiga ah, waxa Qorey Sheekh Carab ah, waxase Turjumey Aqoonyahan Dadkeena ka mid ah…. Buugaagta Barashada Luqada Af ingiriisaga ayaa dhinaca kale Da’yarteena macalimiin iyo Aqoonyahano ugu Turjumeen afkeena hooyo si barashadu ugu fududaato.

Xiisaha Turjumida Buugaagtu waa wax Jira oo Qoraayada qaarkood ku badan ayna Marar badan qoraaladooda ku soo bandhigaan. Aqoontaada oo aad Luqad kale u Turjunto, Buugaag kale oo aad soo Turjunto iyo In aad Aragti qof kale ka Xaddo una Bedesho Luqada Afkaaga hooyaba, waa wax Aduunyada ka dhaca laguna Arko Caalamka Qoraalka. Dhib Badanaa Markaad Turjumeyso Buug ka kooban 300 oo bog, marka aad Saxeyso khalad kasta oo aad gasho, markaad Adeegsaneyso ama Dhigeyso meelkasta eray bixinta ugu haboon kuna saxda ah, marka aad Lix bilood si Qarsoodi ah habeen iyo maalin u wadeyso Turjumida Buugaag kale, Marka aad laba qof ku wada qoreysaan qoraalka laga turjumaayo afka hore. Marka aad Warqado ku qoreyso ka dibna Kombuteer aad ku sii wareejineyso.

Qof kasta oo si fiican u fahmaya Luqadaha la isku Turjumaayo ayaa shaqadan oo kale ka soo bixi kara haddii uu Xiiseynaayo. In aad wax turjuntaana maaha in aad ku dooneyso dhaqaale iyo Adduunyo, keliya magaca buugga iyo magacaaga ku Qoran Jeldiga buugga ayaa kuugu filan wax kasta. Eeg Goobaha Buugaagta Hargeisa lagaga iibiyo una Fiirso kuwa La soo turjumey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories