Dadka beeralayda ah ee ku tiirsan wax-soosaarka dhinaca beeraha ayaa la daalaa dhacaya sidii ay uga celin lahaayeen waxa ay tabcadeen xayawaanka Daanyeerka oo tarantiisu aad u badatay kaasi oo sababay in dad badan oo beeralaya ku adkaato inay ka ceshan karaan wixii ay beerteen. Iyaga oo aan babac dhigi karin tirada Daanyeerka oo badatayawgeed, taasina waxay keentay in dad badan oo wax kala soo bixi lahaa beeruhu ay doorbidaan inay iskaba daayaan tabacashadii beeraha madaama wixii ay beeraan uu noqonayo wax ay u beereen daanyeer. Waxa dhici karta inaanay warba u haynin maamulada Gobolada dalka iyo Wasaarada beeruhu xalaadaha ay wajahayaan dadka beeralayda ahi.
Xayawaanka Daayeerku wuxuu gaadhay inuu magaalooyinka soo galo isaga oo raxan raxan u socda oo aan kaba cabsanayn dadka, hadaba maxaad u malaynaysaa isaga oo qof beeralay ah cidla ka hela isaga iyo beertiisa. dad badan oo wax kala soo bixi lahaa beerahooda aya aad uga niyad jabsan xaalada jirta oo aanay Hay’adihii Dawliga ahaa ee ay ahayd inay wax ka qabtaana aanay kaba warhayn, balse waxa qudha ee inta badan ugu yimaadaan waa inay ka soo doontaan cashuurta sanadlaha ah ee beeraha laga qaado. 