HomeTanna ma u soo joogay?!

Tanna ma u soo joogay?!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muddo ku dhow soddon cisho ayaannu dharaar iyo habeen sugaynaa iyada, subax kasta marka aannu indhaha kala qaadno waxa aan u tagnaa iyaga si aan u waydiinno in aan maanta bixi karno iyo in kale. Illayn berri iyo beeni ma dhammaato, jawaabtooduna ma dhaafto “berri baad ku qoran tihiin, waa la idinka horreeyaa, dooni cusub ayaa la samaynayaa ee dulqaata.”

Meeshu waa Liibiya, magaaladuna waa magaalo ay buux dhaafiyeen dhallinyar u xadhko-xidhan bixitaan, ka soo haajiray waddankoodii, qurbe aanay waxba ka ogayn u jeeda. Xaaladdoodu waa mid nolol iyo geeri u dhaxaysa, muuqaalkoodu wuu is badalay, hilibkoodii wuu tagay, maqaar iyo lafo is huwan ayay noqdeen. Oo maxaan kula yaabi ee aan ka faallayn sow anba iyaga kama mid ihi!

Ma iloobo oo qalbigayga way ku suntan tahay dharaartii aan Hargeysa caddey oo aanan waligeed ku dhex qadin maca salaameeyay aniga iyo saaxiibkay dhallaanimo oo aan anigu soo afduubay. Hooyaday u maan sheegin bixitaankayga sidaa darteed markii ay maqashay baqoolkayga naxdin darteed ayay dhiman gaadhay maalintii aan la hadlayna  oohin cod aan ahayn telfoonkii aan dhegta ku hayay ii ma soo tabin.

Waxay maalinba maalin noo dhiibtaba maanta waa noo toddobaatan iyo kow inta aannu waaga iyo doonta wada sugaynay. Saaka hiimse-hiimse markii uu dhulku ahaa waa ka isagii oo aad mooddo tuug dhabbaraya xabbad-xabbad noo kiciyay kadib na hor dhaqaaqay. Sidii geel hoggaanka loo hayo oo la carraabinayo waanagan annagoo dheellalawsan daba soconna.

Waxaannu daba luudnaba wuxuu na keenay badda xeelligeeda oo doonni aad daasad mooddo afar nin oo ulo dhaadheer sitaana dhakada kaga joogaan noo tilmaamay in aan ku boodno. Doonnidii ku boodnay baddiina waajahnay. Toddoba dharaarood ayaanu badda iyo madawgeeda is hurranayn. Gaajada, diifta, hurdo la’aanta iyo daranyada dhabta ah ayaannu dhadhaminnay. Maanta waxa aan jiifa dhaqtar ku yaal taliyaaniga, waxa la iga dhayaa boogihii, dhaawacyadii iyo nabarradii iga soo gaadhay daalkii, diihaalkii iyo bayhoofkii dhalandhoolka (tahriibka).

Se waxa jira boogo iyo nabaro aan la iga dhayi karayn ina bogsanayn abid, waa boogahii iyo dhaawacyadii iga soo gaadhay qalbiga. Wixii aan u soo taagnaa ee indhahaygu i tuseen qalbiga ayay igaga suntan yihiin oo dageen meel aan laga tirtiri karin. Maxaa wiil geesi ahaa hortayda sidii eyga inta uu u bakhtiyay aannu ka tallaabsannay. Maxaa inan qurxoonayd hortayda lagu faroxumeeyay hilbaheedana lagu qashay. Maxaa hooyo xanuunsan anigoo arkaya laga daadufeeyay doonnida oo badda badheedh loogu tuuray. Maxaa nin gadh leh oo sharaf lahaa ul dabada lagala dhacay, maxaa…………..maxaaaaaaaaa………………………

Way oo way adduunyooy, miyaan u soo joogay nolol geeridu ka qiimo badan tahay?!!

Muna Axmed Cumar

Muna Axmed Cumar

Hargeisa, Somaliland

Sheeko Wadareed Bahda Hiilqalin/ Tahriib

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories