HomeTalow maxaa uga istafiid ah xukuumada S/Land qalalaasahan ay dalka u hayaamisay?

Talow maxaa uga istafiid ah xukuumada S/Land qalalaasahan ay dalka u hayaamisay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaa layidhi Ninwalba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa.Tan iyo intii ay qasriga madaxtooyada iyadoo qamaamaysaa oo qaamaamuurtii tunka kusiday intay dhexda ku soo qubtey qirinqiir qasri ka dhiso ama wasiir noqo mooyee aan hami fog lahayn wadata qoobka soo gelisay.

Qas iyo qalalaase, qabyaalad,qoomamo, sixir barar, hanti boob, cadaalad darro, maamul xumo, kala qoqob, tusbax furmay, jahawareer, bilaa yool, cabudhin, shaqsi jecayl, run nacayb, xayiraad, isbaarooyin iyo qaran dumin ayuunbay xukuumadan  u hayd.

Qaranimadii Soomaaliland marba marka ka dambeysa waxaad moodaa inay kusii libdhayso ceeryaan, inaguna aaynu weli sii eegayno libidhkeeda, soo noqo iyo soo celiyaayey midna weli cindigeena kumay soo dhicin.

Hadaba haddii aan qissadii dub u raaco… waatii aydin raagaad maamulkii horey inaga soo gaadhay aad qarsanweydeen xanuunkii, waatii aydin ku qalweynseen isbadel…idinkoon kaba fiirsan waataad ku dhawaaqdeen kulmiyaanu nahay, wax kastoo dhacaba kulmiyaanu nahay…waataad xukunkii kitaabka islam kulmiye ka raacdeen.

Haddii aan qissadii dub u raaco… aan ka bilaabo gudiyo usaarkii, go’aan laaantii, gaadiid qaadashadii dababshiil iyo tijaar la mid ah oo ilaa hadda daynkooddii  hantida umada laga bixiyo iyo ku rafadkii dowlad dhisida.

Halkaas markii ay maraysay ayaa wasaarad walba horjoogaheedii dhinacuu doono ula dhaqaaqay madaxtooyadiina dad kale gacanta ugashay…Madaxweynihii dalkuna  nasasho iyo hurdo dheer galay..Hurdadii madaxweynaha iyo jahawareerkii wasaaradaha marka  dadka qaar ka hadleena.. dowladii way wada cadhootey…madaxweynihiina waxa uu la soo kacay uf iyo akhas…Waxaa bilaabantay, cabudhintii saxaafada, eri shaqaalihii dowlada ee ka soo jeeday maamulkii xilka lagala wareegay, furidii ururada, dagaalkii bariga ee mudo xalka loo waayey ee gudida tallo bixinta isna loo saarey. Waxaa iyana layaab lahaa jahawareer kuyimi wasaaradii arimaha debeda oo wasiirkii arimaha debedu kolba qolo aqal madow kula shirayey.

Isku soo wadaduuboo halkeebaynu maanta  joognaa?

Waxaynu maanta joognaa; meel aynu nus qarni ka hor ka soo gudubney, jarbeynu ka lulanaa khatar ah, qabyaalad sun ah baa laylagu buufiyey. Waxaynu maanta joognaa…Nin yidhi kaagii oo qatan nin kale yaanu kugu dulqaydeyni in  la qoonsado, waxaynu maanta joognaa halkay inala doonayeen.

Kolay dhibaatooyinka kor ku xusan idinkuma cusba intaa waad maqashaan ee laakiin waxaad isweydiinaysaan isbaarooyinka inagu cusub ee hada dalkii xukuumadani ku soo kordhisay oo ka mid ah adeega shaqsiga. Tusaale waxaa inoogu filaan madaarka BERBERA marka aad ka soo dhoofeyso nin isbaaro dhigtey kulana shuraakoobey nin cad oo ajaanib ah mashiinka baadhista ee la mariyo dhandadaha oo lagu odhanaayo waa lagu baadhay ee toban dollar bixi…sow yaabka yaabkiis maaha? xagey aduunka ka dhacdaa dowlad shandadaaha baadha oo hadana lacag ku weydiisa. Dadka madaarka ka dhoofaana ilaa hada wey garan layihiin arintan.. marka shaqaalaha madaarka la weydiiyeyna waxay ku jawaabeen ninbaa mashiinka meesha dhigtey oo dowladu shaqo kuma leh.

Guntii iyo gebagebadii dalkeenii waxaa ku soo fool leh doorashooyin hadii dowladu faraha kala baxdo waxay u dhicidoonta si xalaal iyo wanaag, laakiin sida hada komishankaba ka soo yeedhaysa hadii aanay dowladu faragelinta badheedhka ah ka deyn waxaan qabaa inay dal burburin ay tahay..

Doorashadan sidaan arkayo ee wax lagu wado waa ama kala guur ayey noqon ama isku guur oo umada qaar kamid ah ayaa weligood lagu guuri.

Dadka reer S/Land  EEDDAADKII SOO MAREY UMMUL BAA ILOWDEE ilowshiiyo dhawinaa sowtan siddii xoolihii kolba dhan leynoo qamaaminaayo oo quluxda laydiin lulay..mustaqbalkiina shilin nin dano gaar ah wataa yaanu idinkaga iibsanin…. Allahayow nin daacad ah  Allahayow nin daalim ah  deeqdaada howsim………amiiiiin

Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.

Muhammad Jama Ismaail-Shiine

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories