HomeTalo soo jeedin ku saabsan Gaadiidka Jaadka lagu Qabtay ee Dawladdu la...

Talo soo jeedin ku saabsan Gaadiidka Jaadka lagu Qabtay ee Dawladdu la wareegtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankOday Faysal Xawaadle Cabdi oo kamida Waxgaradka reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan dalka Ingiriiska, ayaa dawladda ku hambalyeeyey go’aanka joojinta Jaadka, isagoo dhinaca kalena bogaadiyey ganacsatada soo dejin jirtay jaadka ee fuliyey amarka Xukuumadda, si ay ugu tudhaan dadkooda.

Geesta kale, Faysal Xawaadle Cabdi ayaa ku taliyey in gaadiidka lagu qabtay Jaadka sharci-darada ah ee lala wareegay loo isticmaalo dayac-tirka gaadiidka Dawladda, si loogu quus-gooyo dadkii lahaa ee jebiyey amarka Dawladda, isla markaana looga gaashaanto fowdo iyo rabshad ka soo noqota arrintaasi.

Waxaanu sidaasi ku sheegay dhambaal qoraal ah oo uu soo gaadhsiiyey xafiiska Warqabadka Gobanimonews, kaasoo u dhignaa sidan;-

Marka hore waxaan hambalyeynayaa go’aanka ay Xukuumaddu ku dhiiratay ee ku aaddan joojinta qaadka, isagoo marka horeba qaadku dhibaato lixaad leh oon la soo koobi karin uu ku hayey bulshada Somaliland, waxa maanta intaa dheer cudurkan dilaaga ah ee Covid19 ee Adduunyada ku habsaday ee faraha ba’an ku haya qaaraddii Afrika, kaasoo qaadkuna saameyn weyn ku yeelan karo faafistiisa.

Marka xiggana waxaan mahadnaq u jeedinayaa Jaadlayaasha u hoggaansamay qaraarka Guddida heer Qaran ee Coronavirus soo saareen ee u tudhay ummaddooda, Waxaan iyana ka rajeynayaa in inta weli jaadkii ka ganacsanaysaa ay si buuxda u fuliyaan go’aanka Dawladda oo ay la yimaadddaan mas’uuliyad dhab ah oo dadkooda u tudhaan.

Haddaba, waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa baabuurta lagu qabto Jaadka ee Lala wareeggo in aan gaadiid ahaan loo isticmaalin, balse la furfuro oo dayactir (spare parts) Loo isticmaalo, si aanay u dhicin in cidi ka daba timaado ama cid ku qabsato, taasoo keeni karta ama dhalin karto dhibaato hor leh.

Waxay ila tahay in habkani furfuridda ee u isticmaalida DAYACTIRKU uu ka rabshad yaraanayo, kana faa’iido badanayo halkii gaadiid ahaan Loo isticmaali lahaa oo baabuurtaa lagu wareejin lahaa hay’addo kale.

Wa billaahi tawfiiq
Qalinkii: Faysal Xawaadle Cabdi
Birmingham UK
E-mail: faysalabdi4321@gmail.com.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories