HomeTALO QASAN: War-Saxafadeedka Gabboodka 10 Madalood, 10 Gole iyo 10 Ardaa Qaran

TALO QASAN: War-Saxafadeedka Gabboodka 10 Madalood, 10 Gole iyo 10 Ardaa Qaran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

smallAnnaga oo ah gabbood qasan oo ay ku modoobeen 10 Madalood, 10 Gole iyo 10 Ardaa oo heer qaran ah, oo taageersan Golaha ama Madasha Talo Qaran, iyo Madaxda xisbiyada mucaaridka ee toodii u sadqeeyey kuna sidkay miisaanka madasha cusub, ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, iyaguna si xilkasnimo leh, oo tudhaale  leh, oo cilmiyaysan ugu baaqay markiiba in Somaliland isugu timaaddo talo qaran oo ismuujin ah, waxa aannu si buuxda ugu tageersannahay odayadaa isxilqaamay qodobbada soo socda ee sida weyn uga dhex muuqday war-saxaafadeedyadooda, tilifoonnadooda iyo baarlamaan-ka-dhex-tooskooda dhiirran ee mitidaysan:

  • In lagu bogaadiyo Madasha Wada Tashiga guulaha ay ka soo hooyeen soo-erogelinta Xisbiyadii Qaran ee Tastuuriga ahaa, iyada oo Madashu ku guulaysatay inay iyada oo aan tastuuri ahayn hoos yimaaddaan, loogana arrimiyo
  • In guushaa kor ku xusan lagu iftiimiyo in laga tallaabsadfay wixii la odhan jirey Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, laguna bedelo mid u qoran si uu gadaal ka sdoo sheegi doono Gabboodkani
  • In la xoojiyo, lana dardargeliyo, mabda’a ku-qabso Ku qadi mayside, oo beryahan dambe habac badani ku soo kordhay
  • In si xeeladaysan oo ku jaango’an hoggaaminta, maaraynta iyo waayo-aragnimada xubnaha ku midoobey Madasha Wada-tashiga iyo Mucaaradka bahoobay, loo curyaamiyo guulaha xukuumaddan aynu hadda dibedda ka joogno, ee dad kale uun ku taxaysa xilalkii aynu isu dhignay
  • In la ciideeyo oo la cambaareeyo cid kasta oo innala doodad ama ka hadasha waxa ay ugu yeedhaan samaha, horumarka, guusha qaran, iwm.
  • In adduunka cod dheer lagu gaadhsiiyo oo cid walba loogaga horreeyo fidinta goldaloolooyinka Somaliland-tooda
  • In la manhajyada iskuullada lagu daro in laga baxay magaca waddani, oo ay ka habboon tahay ‘danayste’
  • In hoosta laga xarriiqo, laguna daydo ururrada saxaafadda iyo kuwa diiniga ah oo ku guulaystay inay la midoobaan, oo aanay la gabban, dhiggooda Somalia, iyada oo aan manta lagu dhici Karin – haddii la taabtona adduunkuba isla oogsanayo
  • In xidhiidh togan oo sokeeye lala yeesho Somalia, Al Islaax, Ahlu Sunna, Damul Jadiid, Al Shabaab, UNSOM, Jabbuuti,Khaatumo, Awdal State iyo cid kasta oo aan raalli ka ahayn Wax Somaliland la yidhaahdo oo ka hanoqaadda mandaqaddan Geeska Afrika
  • In La mideeyo xoogagga Siilaanyo-nacaybka, Xirsi-nacaybka, Samaale-nacaybka, Muuse Biixi-diidka, iwm. Si loo burburiyo guulaha Somaliland tirsato ee inna qarqiyey
  • In la gunneeyo oo hiil iyo hooba la isla barbar taago ragga iyo haweenka habeen iyo maalin u tafo-xaydan horumarinta qaddiyadaha Gabboodkan, ee wadnuhu engegay, sida Marwo Baar Siciid (Isxambaar), Marwo Faadumo Siciid (Isciyaaleeya), Keligii-Mujaahid Ustaad Cali Guray, Keligii-aqoonyahan Jamaal Cali, Xisbiyahan, Ma-Gabbade Faysal Cali, Nabane Cabdiraxmaan Cirro iyo inta la midka ah.
  • In aan lagu keliyayn xubnaha firfircoon ee sida tooska ah uga soo weriya, gunnadana ka soo qaada inanta fiican ee Fooziya, Xasan, Saacid, iyo madaxda kale, ee lagu xoojiyo xubno kale oo xidid, xigto iyo sigaal-saaxiibtinimo ay yeelan karaan, lagana soo xulo xybnaha 30ka ah ee Gabboodkan isku bahaystay

Talo waa Tan Ilaah!

Madalaha

  1. Madasha Dantood-jirayaasha
  2. Madasha Wada Tashiga & Toosinta Taban
  3. Madasha Hor-iyo-daba-Diidka
  4. Madasha Xamar-la-Heshiiya
  5. Madasha Kayraadku-Waa-Kee
  6. Madasha  Dhiirrigelinta Tahriibka
  7. Madasha Tacluustiyo Tawsta
  8. Madasha Haddaan-talo-Doonay
  9. Madasha Hurdaaban-ka-Toosay
  10. Madasha Hayee-Wax-Na-Siiya

Golayaasha

  1. Golaha Keligii-Fariidka
  2. Golaha Qurxinta Tawaawaca
  3. Golaha Midaynta Muqdishiyo Hargeysa
  4. Golaha Qaylo iyo Qayraan
  5. Golaha Haweenka Baxdoobay
  6. Golaha Fadhi-ku-Dirirka
  7. Golaha Maalin-ku-Macaashka
  8. Golaha Wegerta Bahawday
  9. Golaha  Wadaadka Beloobey
  10. Golaha Wanjalaadda

Ardaayada

  1. Ardaaga Muwaadin Saqiiray
  2. Ardaaga Dalkaan-la-colloobay
  3. Ardaaga Indha-adaygga
  4. Ardaaga Waxbaa La Cunaayey
  5. Ardaaga Abaabulka Beesha
  6. Ardaaga Dulmane-Doonka
  7. Ardaaga Masayrka
  8. Ardaaga Maqlaayda
  9. Ardaaga Ma-geyno
  10. Ardaaga Fadhiidka

Mudane Geelle Talowaa,

Xoghaye Guud

Gabboodka Talo Qasan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories