HomeTalo ku Socota Xisbiga WADDANI iyo Xukuumadda KULMIYE

Talo ku Socota Xisbiga WADDANI iyo Xukuumadda KULMIYE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Faalo Kooban: Waxa Qoray Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Xisbiga WADDANI waa xisbi qaran oo mucaarid ah oo sifo sharci ah uga diwaangashan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu xaq u leeyahay inuu taageerayaashiisa isugu yeedho, la shiro ama uu faro inay isugu yimaadaan xarumaha xisbigu leeyahay, halka sidoo kale uu xaq u leeyahay inuu sameeyo bannaan-baxyo uu kaga soo horjeedo siyaasadaha Xukuumadda iyo xisbiga talada hayaa ay ku maamulayaan dalka Somaliland, balse waxa xisbiga mucaaridka ah waajib ku ah inuu mar walba dariiq sharci ah u maro tallaabooyinka uu ku muujinayo siyaasadaha mucaaridnimo, kana digtoonaado wax kasta oo waxyeelo u gaysan kara xasiloonida iyo amniga guud ee dalka ama Caasimadda Hargeysa.

In kasta oo uu aannu Guddoomiyaha WADDANI ku baaqin mudaharaad, balse uu taageerashooda ka codsaday inay isugu yimaadaan xarunta xisbiga ee Hargeysa, haddana wax cusub maaha in xisbiyo mucaarid ah sameeyaan mudaharaad iyo isu-soo-baxyo ka dhaca gudaha dalka Somaliland, waxaanna la xasuusan yahay in xisbigan hadda talada haya ee KULMIYE uu xiligii mucaaridka uu samayn jiray mudaharaadyo rabshado wata, kuwaasoo qaarkood sababeen in dad rayid ah ku dhintaan, laguna burburiyo hanti dowladeed, iyadoo ay Xukuumaddii xiligaas jirtay ee UDUB-na caado ka dhigan jirtay inay xoog iyo rasaas kala hortagto dadka mudaharaadayada ee uu soo abaabuli jiray xisbiga KULMIYE.

Haddaba, waxa maanta loo baahan yahay oo aan ku talinayaa in xisbiga WADDANI la yimaado qorshe ka duwan qaabkii rabshadaha watay ee uu KULMIYE u mudaharaadi jiray, dadkuna ku dhiman jireen, iyadoo aynu ognahay in aannu Guddoomiyaha WADDANI ku dhawaaqin wax mudaharaad ah, laakiin uu taageerayaashiisa ka codsaday inay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga WADDANI ku leeyahay Caasimadda Hargeysa, balse haddiiba mudaharaad dhaco waa in ay taageerayaasha WADDANI muujiyaan ilbaxnimo ka ka qurux badan qaabkii foosha xumaa ee reer KULMIYE u mudaharaadi jireen.

Xukuumadda Somaliland ee talada haysa, waxa iyadana laga doonayaa inay ka digtoonaato wax kasta oo sababi kara xaalado nabadgelyo-darro ah, waana in aanay ciidamo hubaysan oo isugu jira Booliska, RRU-da iyo ciidammada kale ee ammaanka u adeegsan inay kaga hortagto baaqa uu Guddoomiyaha WADDANI u diray taageerayaashiisa ee ah inay isugu yimaadaan Xaruntooda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa, sababtoo ah markasta oo Xukuumaddu ciidan soo dhoobto goobaha u dhaw xarumaha xisbiga WADDANI, waxa sare u kacaya fursadaha ah inay gadood muujiyaan dadka taageerayaasha ah, halkaasna ay Ciidanka iyo dadka Rayidka ah foodda isku daraan, xaaladuna noqoto mid fool-xun oo khasaare ka dhasho.

Xukuumadda KULMIYE oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa laga doonayaa oo aan kula talinayaa inay la timaado siyaasad iyo qorshe ilbaxnimo ka muuqato oo ka duwan qaabkii ay Xukuumaddii UDUB ula dhaqmi jirtay marka ay mudaharaadaan taageerayaasha KULMIYE, dadkuna ku dhiman jireen, iyadoo ay Xukuumadda waajib ku tahay ilaalinta amniga iyo xasiloonida guud, haddana waa in aanay dadka taageerayaasha ah ula iman falal halis gelin kara amniga, waxaanna fiican in Xukuumaddu diyaarsato ciidammada aan hubaysanayn ee loogu talogalay inay ka hortagaan rabshadaha dhaca, kuwaasoo waajibkoodu noqonayo inay tallaabo qaadaan haddii ay dareemaan rabshado dhaca, balse waajibkoodu maaha inay iyagu rabshad abuuraan.

Dadka reer Somaliland waa inay noqdaan dad ilbax ah oo aan muxaafid u noqon falalka guracan ee mucaaridku la yimaado iyo danaha weecsan ee muxaafidku leeyahay, balse waa in ay muwaadiniinta Somaliland muxaafid u noqdaan ilaalinta danaha guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories