HomeTalo kaa Gurracantaa Guul kaa Fogaysa!!

Talo kaa Gurracantaa Guul kaa Fogaysa!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

eng1.    HORDHAC

Waxaan halkan si adag uga cambaaraynayaa Telefishanka Universal TV af-lagaadadii anshaxa iyo asluubta saxaafaddaba ka baxsnayd ee uu kula dul kufay M/weynaha Qaranka Jam. Somaliland. Waxaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta (W.W.W.) ku ammaanayaa tallaabadii uu ka qaaday ee Telefishankan irridaha ugu laabay, waxaanan Wasiirka ku boorrinayaa inuu go’aankan ka dhigo mid rasmi ah oo aan ka noqosho lahayn. Waxa xusid mudan in Telefishankani  uu ummadda JSL u hayo cadaawad iyo nacayb qoto dheer, wuxuuna Somaliland ula dhaqmaa si anshaxa iyo asluubta saxaafaddaba ka baxsan, mana aha markii ugu horraysay ee uu JSL dambi ka galo. Wuxuu marar hore si cad ugu xad-gudbay Distoorka iyo Xeerarka Saxaafadda Somaliland isla markaana wuxuu fara-gelin qaawan kula kacay Qarannimada Somaliland. Telefishankani waa AALAD u adeegta fikirkii Somali-weyn ee lagu Hongoobay, kaasoo laga dhaxlay Hoogga iyo Halaagga Soomaaliya muddo ka badan 23 sano ragaadiyey. Dhinaca kale, Telefishanka Universal waa AALAD u adeegta cadowga noocyada badan leh ee Jam. Somaliland, isla markaana dhiirri-gelisa dhalliisha, fara-gelinta iyo burburinta Qaranka Jam. Somaliland.

Waxa nasiib-darro ah in Xisbiyada Mucaaridka ahi ay ka fogaadeen intii ay dadka ku soo jiidan lahaydeen, waxayna amba-qaadeen intii codbixiyeyaasha ka sii fogaynaysay. Xisbiyada Mucaaridku ha is weydiyaan: Maxay codbixiyeyaashu idinka fili karaan markay si cad ula socdaan in Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka WADANI ay si toos ah ula safteen una taageereen af-lagaadadii anshaxa ka baxsnayd ee Telefishanka Universal TV uu kula dul kufay M/weynaha Qaranka Jam. Somaliland? M/weynuhu wuxuu u taagan yahay astaan Qaran wuxuuna Madaxweyne u yahay dhammaanba ummadda JSL gudaha iyo dibedda, muxaafid, mucaarid iyo in dhex-dhexaad ahba. Ummadda JSL waxay wada ogyihiin in Telefishanka Universal TV uu yahay Xarun Warbaahineed oo si cad uga soo horjeeda Qarannimada iyo Gooni-isu-taagga Jam. Somaliland.

2.      Hadaf iyo himilo siyasadeed oo ku salaysan Dal iyo Dad-jacayl dhab ah

Waxa nasiib darro ah in Xisbiyada Mucaaridka ee JSL ay gebi ahaanba iska-illaaween oo ay ka jeesteen muhimaddii iyo macnihii uu Xisbi Mucaarid ahi lahaa. Waxay tahli waayeen inay maareeyaan dhalliilaha iyo arrimaha muhiimka ah ee xisbiyadooda horyaalla. Taa beddalkeeda,  Xisbiyada Mucaaridku waxay doorbideen inay ku kacaan ficillo iyo hadallo ay bulshada ku jaah-wareerinayaan. Haddallada deelqaafka ah iyo weedhaha aan dhab ahaan jirin ee ay Xisbiyada Mucaaridku  caadaysteen ee bulshada ku abuuraya xiqdiga iyo tafaraaruqa, waa tab iyo xeel ay taageerayaashooda iyo bulshada kaleba ku mashquulinayaan iyagoo ka jeedinaya faashilka gudahooda ka jira.

Hoggaamiyaha Xisbi Qaran eeay caqliga iyo aqoontu hagaan waa kii u tudha danta ummadda ee mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siiya Dalka iyo Dadka, balse aan keliya ka fikirin dan shaqsi oo uu isagu leeyahay. Waa kii ka feyow caadifadda, qabyaaladda, nacaybka shakhsiyadeed, gobolaysiga, fidmo iyo xaalad-abuurka, iwm. Waa kii garan kara ee miisaami kara muhimadda iyo miisaanka uu leedahay Xilka uu bulshada u hayo isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay hadalladiisa iyo doodihiisu ku yeelan karaan bulshada uu rabo inuu hoggaamiyo ee uu Xisbigiisa codka uga doonayo.

Hadaf iyo himilo siyaasadeed oo ku salaysan dad iyo dal-jacayl dhab ah, iyadoo mudnaanta iyo muhimadda koowaadba la siinayo danta qaranka; aragti siyaasadeed oo togan kuna salaysan ka-wada-shaqaynta danta guud, wanaagga oo la isku guubaabiyo, wixii dalka iyo dadkaba u soo kordha oo lagu farxo la isuna bogaadiyo; wixii magac-xumo, sumcad-darro iyo meel ka dhac ku ah milgaha siyaasadeed ama wax u dhimaya haybadda qaranka oo laga fogaado;quluubta iyo maskaxda bulshada oo wanaag la gashado; codbiyeyaasha oo laga dhaadhiciyo barnaamijka, hadafka iyo himilada Xisbiga Mucaaridka u ah min-qiyaaska ee uu Hogaamiye walba ku soo bandhigayo inuu Xisbigiisu uu talada iyo hoggaanka dalka iyo dadkaba uga fiicnaan lahaa Xisbiga hadda talada haya.

Xisbiyada Mucaaridku ha ogaadaan inaan Hanka iyo Hamuumta ay u qabaan Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya lagu hanan karayn cay, aflagaado iyo mucaaridnimo ku salaysan xaalad-abuur, qof ama qabiil nacayb, kala qaybin bulsho iyo ummadda oo la iska horkeeno. Tubta ay haatan hayaan Xisbiyada Mucaaridku ee JSL maaha mid marnaba u horseedaysa inay ku gaadhaan hadafka iyo yoolka-kursi-doon ee ay leeyihiin.

3.    Gabagabo:

Codbixiyeyaashu waxay isha ku hayaan hab-dhaqanka siyaasadeed ee Xisbiyada Mucaaridka ah, waana iyaga kuwa go’aanka ugu dambeeya ka gaadhi kara cidda ay talada iyo hoggaanka dalka u igmanayaan ee ay ku aaminayaan. Xisbiyada Mucaaridku halkii ay horumarka dalka iyagu horseed ka noqon lahaydeen, waxa muuqata in iyaga laftoodu ay horumarkaba carqalad ku yihiin. Codbixiyeyaashu waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Berrito uu noqdo kii garan kara miisaanka uu leeyahay Xilka uu bulshada u hayo isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay hadalladiisa iyo doodihiisu ku yeelan karaan bulshada uu rabo inuu hoggaamiyo ee uu Xisbigiisa codka uga doonayo. Codbixiyeyaashu waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Berrito uu noqdo dulqaataha, addeecaha danta guud ee Qaranka iyo u adeegaha ummaddiisa ee Maanta.

Maxay codbixiyeyaashu idinka fili karaan markay si cad u arkayaan wixii la idinka sugayey iyo halkaad maanta ku sugantihiin!? Hab-dhaqanka noocaas ah ma ku hanan kartaan hamuumta aad Kursiga u qabtaan?? Xisbiyada Mucaaridka ahi ma waxay door moodeen inay la saftaan cadowga Somaliland ee noocyada badan leh ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira burburinta Jam. Somaliland?

Waxaa lagama maarmaan ah in Xisbiyada Mucaaridku la yimaadaan:

Aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan wax toosin iyo wax dhisid, balse aan ahayn wax dumin; aragti iyo fikir siyaasadeed oo aan ahayn wax-iska-dhici iyo wax-iska-dheh balse ku salaysan xaqa iyo runta oo loo hiiliyo isla markaana xumaanta, xaqdarrada iyo dulmiga oo la diido; aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan bulshada oo la mideeyo balse aan ahayn bulshada oo la iska horkeeno iyo dhaleecayn aan sal iyo raad toona lahayn oo mar walba warbaahinta lala horfadhiyo; aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan isbeddel dhab ah oo hanka iyo himilada bulshada kobciya….; isku soo wada duuboo arrimahan kor ku xusan iyo kuwo kale oo badan ayaa dhab ahaan Xisbiyada Mucaaridka u horseedi kara inay hiigsadaan hoggaanka dalka si dhab ahna ula tar-tamaan Xisbul Xaakimka.

Guntii iyo geba-gabadii, Tubta ay Hayaan Xisbiyada Mucaaridku waxay ka dhigan tahay Talo kaa Gurracantaa Guul kaa Fogaysa, ee haddaad garowsho diideen garaadkiinaa idinla hadhay!!

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

Jam.Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories