HomeTallooyin hor leh oo ku socda Madaxwaynaha Jamhuryadda Somaliland Axmed Maxamad Maxamuud...

Tallooyin hor leh oo ku socda Madaxwaynaha Jamhuryadda Somaliland Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

18may 2011 ayey  Somaliland  labaatan jirsatey inti ay xorriyadeeda dib ula soo noqotey.

Xukumadda kulmiye’ ee u hoggaminaayo axmad maxamed maxamuud silaanyo, sannadka iyo labada bilood ee ay  jirtey  waxey qaadey tallaabooyin hor leh[bold moves] sida furista uruurada siyaasadda,badelaada lacgti gimbaarta ee burco[inkasto gobollada sanaag iyo sool ay wali ka socoto lacagti puntland],kordhinta 100% mushaharki shaqalaha iyo skuuladi hoose dhexe oo lacag la’aan laga dhigey.

Xukumadda madaxweyne axmed silaanyo waxey ka koobantahey 23  wasaaradood[marki hore labataan ayey ahayeen] iyo hay’ado badan oo madaxbannaan ,wasarad iyo hay’ad walbana ahamiyadeeda ayey bulshada u ledahey haddi si fican loo qorsheeyo lana fuliyo wajibaad keeda shaqo.iyado Somaliland ay labaatan jirsatey haddana meeshi  la taabtaba wa boog u baahan in la dhayo..Maamuladdi hore ee somaaliland  waxey waqtigoodi [ sagaal iyo toban sanno]ku qaaten ilaalinta nabada  iyo adkeynta  qaranimada Somaliland iyado wali qayb ka mid ah aanu maamulka Somaliland gaadhin oo ay ka taliyaan maamulka puntland sida sannaag bari.buuhoodle iyo qybo gobolka sool sida tukaraq oo lixdan km u jirta laascanood.-dawladda madaxweyhe silaanyana  looga bahanyahey iney nabadgelyada si xoojiso, maamulkana gaadhsiso qaybaha hadhsan ee’ aanu maamulku gaadhin.-

Haddaba nabadi keligeed ma istaagi karta?  Jawaabtu wa maya.dadka cilmiga siyaasada ku xeeldheer ,waxey sheegen in nabadu si ay u adkaato in loo bahanyahey horumar dhaqaale,siyaasadeed,bulsheed i.w.m  somaaliduna hore ayey u tidhi ’nabad iyo caano’ aya lagu waara..

   horumarka  Waxa laga doona khayraadka dadka’ah[human resourses ]iyo khayraadka dabiciga ah [natural resources].khayraadka dadka ,waxeynu ognahey in sannad walba dhawr kun oo ardey ay  ka qalin jabiyaan jaamicdaha Somaliland iyo afar jibaarkood oo awoodi kari waayey in lacagta jaamicadda iska bixiyaan oo suqa mehanabaya shaqo la’an,qaarna u tahriiba Europe iyo carabata in badanna dhexda ku dhimata  iyagon gaadhin meelaha  [waana ticking time bomb haddi dhalinyarada shaqo loo abuuri waayo, kacdoonka dhalinyarada carabtu[ the arab spring] sallelo noqoneyo].wixi shaqo ee takhasus gaar u bahanna  ee’aan aqoonteeda  wadanka laga heleyn, meelaha  jaban sida india,china iyo meelo kale aya laga heleya  .khayraadka dabiciga wa laba qaybood.qayb aynu hore u hubinney sida xoolaha, sibidhka, macdanaha qaalga’ ah[gem stones]kalluunka,ba’yada,beeraha i.w.m  .iyo khayraad aan la hubin sida shidaalka[fuel oil] dahabka,gaasta i.w.m.

Somaalidu waxey ku maah maahda ‘ tiisaba daryeela tu kale ku daraa’.haddaba innaga oo aan marnaba diideyn maalgashi shisheeye[foreign investment] waxa oggataan in marka hore loo baahan yahey ineynu ka fa’ideysano khayraadka E ebe nagu manneystey -.xukumadda madaxweyne silaanyo waxa looga bahanyahey in ay iska illaaliso khaladaadki dawladdi hore ee madaxweyne riyaale ee mashaariic badan intu dhagax dhigey markey waxba  ka fulinwaydeey sas iyo ammakaag ka qaadey weydiinta saxaafaddu weydineyso halkey ku dambeyeen mashaaricdaasi.

haddaba xukumadda madaxweyne silaanyo waxa looga bahanyaheyk iney magacowdo  guddi madax bannan oo aqoon sare  leh oo mashruuc  walba ka sameeya daraasad qoto dheer[visibility study] oo u xil saaran   kobcinta wax soo saarka iyo kicinta warshadaha oo ku lifaaqan wasaarada ganacsiga .xukumaddu waxay  waydisan karta  khubarada iney nagu caawiyaan dawladdaha aynu saaxibka nahey,sida ingriiska,ama hayadda undp .waxaaney lahaaneyaan guddigaas xoriyad toos u arkaan madaxweynaha waqtikasta[free access to the president] ama wiggi laba jeer  oo gelin dambe ah ayey madaxweynaha la shiri karaan inta arrintu cagaheeda isku taageyso.warshada sibidhka waxa lagu bilaabi kara [phase1] shares muwaadininta laga iibiyo kolbana la ballaadhiyo iyado marwalbana shares la iibinayo .warshadda sibidhka oo la kiciya waxey wax badan ka tareysa shaqa la’anta iyo kobac dhaqaalaha dalka ,waayo lacagta qalaad[hard currency] ee dalka ka baxeysa ee sibidh lagu soo iibsanaayo aya dalka ku hadheysa oo meelo kale loogaga fa’ideysanaya.

La soco cadadka dambey waxaan ka hadlaya anigo tix raacaya barnaamijka xisbiga kulmiye sida ku haboon ee laga faa ‘ideysan karo kheyraadka xoolaha, kalluunka,biyaha ,macdanaha qaaliga ah[precious stones],bayada,beeraha iyo kaabayaasha dhaqaale ee wadanka  iyo doodo na dhex marey  madaxweynaha sida u wax uga qabanaayo,  waqtigi  oloolaha doorashada madaxtooyada ee aan u aha campaign managerka gobooladda galbeed [anigo tix raacaya xasuus qorkeygi campaignka]

Eng Bashe abdi gaboobe

Guddoomihi hore ee Ololaha doorashada

madaxtooyada ee goboladda galbeed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories