HomeTallaabadii ugu horreysay Qorshe Korontada Quwada Biyaha ku shaqaysa ee Itoobiya lagu...

Tallaabadii ugu horreysay Qorshe Korontada Quwada Biyaha ku shaqaysa ee Itoobiya lagu soo gaadhsiin lahaa oo Maanta lagaga Dhawaaqay magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 29 March, 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay Wahelinaayen xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda iyo Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa ka qayb galay Xaflad qaadhaan loogu ururinayay hirgelinta qorshe Korantada Itoobiya ee biyaha laga dhaliyo loo soo gaadhsiiyo Somaliland.

Munaasibad loo qabtay sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyey Biyo-Xidheenka weyn ee laga Dhaliyo Quwadda Koronta Dalka Itoobiya oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale lagaga dhawaaqay daah-furka qorshahan oo qaadhaan loogu ururinayo Biyo-Xidheenkaas si Korontada dalka Itoobiya la soo gaadhsiiyo Somaliland, waxaana munaasibaddaas isla markiiba Qaadhaan kaga yaboohay ganacsato, madax-dhaqameed iyo shakhsiyaad kale.

blankMadaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay u tahay maalin aad u weyn, waxaanu xusay in korontada Itoobiya ee la soo gaadhsiin doono Somaliland ay wax weyn tari doonto bulshadda.

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu intaasi raaciyay inay tahay wax lagu farxo inay maanta iska kaashadaan Somaliland iyo itoobiya Dab awoodiisu gaadhayso Ilaa lixdan kun oo meg-wat (60,000 Megawat) waxaanu dawladda Itoobiya uga mahad celiyay iskaashiga balaadhan ee ay Somaliland la leedahay.

Madaxweyne ku xigeenku waxuu xusay inay Arrintani keeni doonta Horumar Balaadhan. Waxa kale oo uu u mahad celiyay dadkii ka qayb qaatay Tabarucaadkan lagu soo gaadhsiinayo laydhka Itoobiya magaalooyinka Somaliland.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Kaluumaysiga
Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan,(Geel-Jire) oo ka hadlay ahmiyadda uu dabkan Somaliland u yeelan karo una mahad celiyay dawladda Itoobiya oo uu carabaabay inay tahay saaxiib wey oo Somaliland leedahay.

Safiirka dalka Ethopia u fadhiya Somaliland Ambassador Bere Tasfaay ayaa tilmaamay qorshaha shanta sannadood ee soo socda ee ku salaysan horumarinta wadanka itoobiya kaas oo u dhexeeya Shacbiga iyo Xukuumadooda isla markaana ay xudun xidh u tahay sida uu yidhi baa’binta Saboolnimada isla markaana lagu kobcinayo Wax soo saarka gudaha si looga maarmo ka dibada.

Safiirku waxa uu sheegay inuu jiro ajande gaar ah oo ahmiyad weyn ugu fadhiya horumarinta Geeska Afrika kaas oo ay ka mid yihiin Mashruucan Tamarta dabka.

Waxa isna xafladaas ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Admas ayaa ka waramay muhiimada ay u leedahay Somaliland biyo xidheenkan laga dhalinayo tamarta waxaanu tilmaamay in biyo xidheenkani yahay ka ugu weyn qaarada Africa waxaa kale oo uu xusay in munaasibadan ay ku aadan tahay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay bilowga dhismaha dhaamkaasi oo ah mashruuca dhalinta tamarta dabka, waxa uu Gudoomiyuhu intaasi ku daray in munaasibadaas ay iska kaasheen Jaamacada Admas iyo Safaarada Ethiopa ee fadhigeedu yahay Caasimada Hargaysa.

Magacyada dadka ku yaboohay Qaadhaanka loo ururinayey Biyo-Xidheenka

1.     Cabdiqaadir Xaashi Cilmi  50,000$

2.     Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan  1000$

3.     Aamina Maxamed Gaafane 200,000 Birr

4.     Dube Cali Yare    2000$

5.     Xasan Gaas  2000$

6.     Xuseen OO ku Hadlayey magaca jaamacada Admas  10,000$

7.     Khadra Kaliil     gudoomiyaha Socsa     500$

8.  Cumar Maxamed Cismaan   2000$

9.  C/raxmaan oo ka socday shirkada Alnuur   250,000Birr

10.   Shukri Nuur Faahiye 100$

11.  Ifraax Muuse Jaamac 100$

12.  Mustafe Ali   oo ka socday jaamacada Adis Ababa Medical 5000$

13.  Maxamed Maxamuud Xirsi 500$

14.  Suldaan Maxamed Maxamuud  1000$

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories