HomeTaliyihii Qaybta booliska Sool oo la beddelay iyo Jawaabta Odayaasha reer Laascaanood

Taliyihii Qaybta booliska Sool oo la beddelay iyo Jawaabta Odayaasha reer Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Ka dib markii la bedelay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Sool, ayaa waxa taas ka hadlay oo ka biyo-diiday qaar ka mid ah odayaasha degaanka Laascaanood.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, bedelaada taliyahaas waxay dadka qaarkood u arkaan inay tahay talaabo  ka hor-imanaysa, wiiqaysana amniga Laas-caanood oo ay sheegeen in mudadii uu taliyahaasi joogay wax wayni iska bedeleen.

blankOday Jaamac Xirsi oo ka hadlayay kulan ay shalay isugu yimaadeen qaar ka mid ah odayaasha Laas-caanood, ayaa sheegay inay sugayeen in xukuumadu qofka wax qabta abaal-mariso. Waxaanu intaa ku daray, “Horta anigu waxaan ahay nin wayn oo u dhashay gobolka Sool, waxaanan idiin sheegayaa in xukuumadu markii ay xilka la wareegtay balanqaaday inay dalka isbedel wanaagsan ku samaynayso, waanan uga fadhinay, laakiin jawaabteedii waxay noqotay in la bedelo cidii wax wanaagsan qabata-ba. Waxaad ogaydeen xaalada nabadgelyo ee magaalada Laas-caanood, laakiin markii la inoo keenay Taliyaha Qaybta Booliska Sool Cabdlilaahi Xaaji oo mudo kooban inala joogay, wuxuu ku guulaystay inuu hanto nabadgelyada magaalada Laas-caanood, waxaanu ahaa taliyaha keliya ee ku guulaystay inuu soo qabto qaar ka mid ah dadkii loo tuhunsanaa inay fuliyeen dilalkii dhacay Laas-caanood.” Oday Jaamac waxa uu sheegay in Taliyahaas xil-ka-qaadistiisa looga jeedo inaanay amaan noqon Laas-caanood. “Markaa waxaanu leenahay, hadii aanay dawladu doonayn wax wanaagsan cid qabata, hana daysoo yaanay na hodin.” Sidoo kale, Odayaal goobtaa ka hadlay ayaa la sheegay inay dhamaantood dhaliileen xil-ka-qaadista Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Dhanka kale, inkasta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno Taliyaha Booliska Somaliland, hadana noomay suuragelin inaanu arrintaa ka xaqiijino.

Somalilandpost.net

SP News Desk

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories