HomeMaxaa ka jira in Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somaliland Xil Sare ka...

Maxaa ka jira in Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somaliland Xil Sare ka helay Ciidamada Turkiga ee Muqdisho?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Dowladda Turkiga, ayaa la sheegay inay saldhigyadeeda Ciidamada ee magaalada Muqdisho ka hawl-galisay saraakiil Soomaali ah oo uu ku jiro Taliyihii hore ee Ciidanka Sirdoonka Somaliland, Jeneraal Jaamac Maxamed Bootaan oo muddo 10 sanno ku dhow ahaa Taliyaha Ciidamada Wardoonka Somaliland.

blankilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, oo ka agdhaw xarunta milatari ee turkigu ku leeyahay Soomaliya ayaa waxa ay noo xaqiijiyey in saraakiil Soomaliyeed oo uu kamid yahay Jeneraal Jaamac Maxamed Bootaan, ay Dowlada Turkigu ka hawlgalisay Saldhigooda Milatari ee ay ku leeyihiin Muqdisho, waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan, In Jeneraal Jaamac Bootaan loo magacaabay Jago sare, isla markaana uu Ciidamada Turkiga ee Saldhig-goodu yahay Muqdisho uu Mr. Bootaan kala shaqayn doono dhinaca Sirdoonka.

Gesta kale Jeneraal Botaan ayaa xilligan deggan magaalada Ankara ee wadankaasi Turkiga, Tan iyo markii la magacabayna, waxa uu dhawr jeer socdaalo ku tagay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaliya.

Jeneraal Jaamac Bootaan oo ahaa Taliyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Ciidamada Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu xilkaasi Taliyanimo hayey ku dhawaad Sagaal Sanno, waxana xilkaasi u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxweynaha haatan Talada haya ee Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu ka qaaday Generaal Jaamac M. Bootaan, Xilkii Taliyaha Sirdoonka JSL March 28, 2019-kii oo wakhtigan ay ka soo wareegtay muddo Sannad Iyo dhawr Maalmood.

Muddada Sannadka ah ee uu Taliyuhu ka sii maqnaa, waxa kale oo wararku sheegayaan inuu dhowr Guri ka iibsaday Dalka Turkiga, ugu dambeyna halkaasi uu u raray qoyskiisa, waxaana la sheegay in dowladda Ankara u oggolaatay Jeneraal Jaamac iyo qoyskiisaba inay qaataan Dhalashada Dalkaasi Turkiga.

 

Cabdicasiis Daahir

cabdicasiis247@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories