HomeTaliyihii hore ee Ciidamada Booliska oo cambaareeyey Falka dadka lagu dilay Jawaabna...

Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska oo cambaareeyey Falka dadka lagu dilay Jawaabna u jeediyey madax-dhaqameed reer Awdal ah oo Muuse Biixi eedeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)– Suldaan Cilmi Rooble Furre, Taliyihii hore ee Ciidamada booliska Somaliland, ayaa soo jeediyey baaq nabadeed ku aaddan falkii dhawaan dadka lagu laayey isla markaana tacsi u diray qoyskii, ehliyaddii iyo dhammaan shacabka Somaliland ee ay ka baxeen.

blank
Suldaan Cilmi Rooble Furre

Suldaanku waxa uu baaqiisan u diray deegaannada ay ka soo kala jeedaan dadka la laayey iyo kuwa wax dilay, waxaanu ku booriyey dadka dhibaatadu soo gaadhay inaanay wax tallaabo ah qaadin inta baadhitaanku socdo ee xukuumaddu ku dabo jirto gacan ku-dhiiglayaasha iyo ciddii ku lug lahayd falkaas, iyada oo taasi, sida uu sheegay, ay daawo u tahay walaalnimada, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada Somaliland.

“Sidaan wada ognahay madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed (Siilaanyo) ,isagoo aad uga tiiraanyaysan Dhacdadaasi xun ee lama filaanka ah, waxa uu ka soo saaray amar ciidan la siiyo kii sida  aan aaminsanahay ugu cuslaa, taasoo salka ku haysay in hawl kasta oo ay ku kacayso gacanta lagu soo dhigo dhagarqabayaashi dikaasi geystay caddaaladdana la horkeenno,” ayuu yidhi Suldaan Furre.

Suldaan Cilmi Rooble Furreh waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhinaca loo tirinayo eedaha falkaasi inay gacan buuxda ku siiyaan ciidamada baadhista wada si xal dhakhso ah loo helo.

Suldaan Furre waxa uu geesta kale hadal aan meesha le’ekeyn  ku tilmaaamay hadal ka soo yeedhay Suldaan Aaleebaan cali, kuna soo baxay mid ka mid ah wargeysyada dalka kaasi oo uu ku sheegay in dhibaatada dhacday uu qayb ku leeyahay Muuse Biixi Cabdi oo ah guddomiyaha Xisbul-xaakimka talada dalka haya,  oo isagu baaqii ugu horreeyey ee lagu canbaaraynayo ka soo saaray dhacdadaasi foosha xumayd isla markaana ku guubaabinayay inay dhakhso wax uga qabato cid kasta oo ay khusayso arritaasi.

“Waxaan Suldaanka odhan lahaa walaal waxaa fiican in madaxda dalka Laga dhawro weedhaha xanafta leh ee aanay waxba ka jirin, maadaama aan nahay odayaashii iyo madax dhaqameedkii bulshada kana fogaanno,” ayuu yidhi Taliyihii hore ee ciidamada booliska Somaliland.

Isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu yidhi, “Waayo, waxaaan ka war qabnaa inuu hore iyo danbaysaba Muuse Biixi qayb weyn ku lahaa nabad ka aslaaxinta beelaha walaalaha ah ee deeegaanadaasi, wax badan-na ka soo shaqeeyay. Waa shakhsi aan runtii aaminsanahay inaanu jirin albaab aan wanaaag ahayn oo uu kasoo gali karo. waxayna tahay in la ilaaliyo xushmadda iyo karaamada madaxda dalka.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories