HomeTaliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo Aas Qaran loo sameeyey (SAWIRRO)

Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo Aas Qaran loo sameeyey (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyey xabaalaha Masallaha ee Duleedka Koonfureed ee caasimadda.

blankAaska Marxuumka waxa ka qayb-galay madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, Madaxda Saddexda Xisbi Qaran, Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Qaybaha Bulshada ee kala duwan.

Ugu horrayn qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka oo hadallo kooban ka jeediyey goobta Aaska, ayaa marxuumka  Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxana ay tacsi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo ciidanka Booliska ee uu taliyahooda ahaa.

Guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii uu marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan ka baxay iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxana ay ku dheeraadeen doorkii uu ku lahaa dhismaha nabadda.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo xabaasha dusheeda ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu marxuumku kamid ahaa bud-bigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntooda, isaga oo wasiirku tacsi u diray ciidamada Booliska iyo ehelladii uu marxuumku ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum Cabdilaahi Fadal uu noloshiisa u huray hirgelinta nabadda iyo dhismaha ciidamada Booliska Somaliland, “Ninkaasi intii uu noolaa qaranka uun buu u shaqaynayey, soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Somaliland maalintii la Aas aasay ilaa iyo maanta waxan u malaynayaa nabadgelyada nin la mid ah mooyaane nin uga badsaday dhisiddeeda iyo ilaalinteeda inaanu jirin, sarkaal hoose ayuu kasoo bilaabay iyada oo aannu xabsi jirin, ilaa maanta uu ciidanka dhan ee uu sarreeye gaaska ka ahaa ka dhismay, intaas oo taliye oo soo shaqaysayna hawlgelinta ayuun buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah u xusay sifooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Marxuumku lahaa waqtiyadii uu shaqada ku jirey, waxana uu yidhi, “Telefoonkiisu ma damaynin, ma seexanayn, ma nasanayn oo nabadgelyada uun buu u taagnaa hadh iyo habeen, Ilaahayna wuu ka abaalmarin doonaa, Taariikh ifka oo wanaagsan oo halgan uu dalkiisa dhisayna wuu leeyahay.”

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories