HomeTaliyeyaasha Ciidamada Somaliland oo ka hadlay Hawl-gallada ka socda Laascaanood

Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland oo ka hadlay Hawl-gallada ka socda Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliyeyaasha Ciidammada kala duwan ee Somaliland, ayaa si wada-jir ah uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood iyo hawl-gallada lagu tarxiilayo dadka ajaanibka ah oo ay sheegeen inuu yahay mid lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ay jecelyihiin shacabka reer Soomaaliya, isla markaana, umada reer Somaliland tahay umad lagu dhex noolaan karo, balse hawl-galkani yahay mid lagama maarmaan u noqday sugidda amniga Laascaanood.

“Waxaanu nahay umad uu dadku la noolaan karo, uu dhexgali karo, oo uu la ceeshi karo, inkastoonu kala tagnay laakiin anagu waanu jecelnahay shicibka reer Soomaaliya, dowlada uun baanu is haynaa. Arrintan waxa keenay halkan dilal  badan ayaa ka dhacay, rag badan oo hal door ah ayaa lagu laayey oo gaadhaya ilaa 86 qof ah oo rag iyo dumarba leh”,  ayuu yidhi Taani, waxaanu intaas raaciyey, “Anagoon cidna waxba yeelin oo dadka reer Baydhabo iyo dadka kale ee ajinabiga ahba xushamad iyo sharaf u hayna, waxaanu go’aan ku gaadhnay in ay si nabada ku baxaan. anaga oo aan cidna waxba yeelin”.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa xusay in dilalka qorshaysan ee sanadihii lasoo dhaafay lala beegsanayay haldoorka gobolka Sool ay shabahayeen dilalka ka dhaca Koonfurta Soomaaliya, sida darteedna, ay go’aan-sadeen in dadka aan reer Somaliland ahayni ay gobolka ka baxaan.

“Muddo tobaneeyo sanno ah magaalada Laascaanood waxa ka dhici jiray dilal qorshaysan, oo aan ka dhicin dalka intiisa kale, taas oo u egayd mashruucan ka socda Soomaaliya oo Somaliland ka nabad qabto, anaga oo amniga u xilsaaran waxa aanu go’aan sanay in aanu gobolka ka suulino kansarkaa dadkii haldoor ka ahaa laynaya,” ayuu yidhi Taliye Dabagale, waxaanu intaas raaciyey, “Hadii aanu amniga nahay waxaanu go’aansanay in wixii aan reer Somaliland ahayn, ay gobolka ka baxaan si aanu gunta u gaadhno, iyagoo nabad qabana ay dalalkoodii ku noqdaan”.

Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland Maxammed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa sheegay in waajibkoodu uu yahay in ay sugaan amniga gobolka, isla markaana, dadku si nabad ah ku ganacsan karaan, kuna noolaan karaan.

“Waajib kayagu waxa weeyaan in nabad lagu noolaado oo dilalkan la ogaado halka ay salka ku hayaan, ayuu waajib kayagu yahay, dadku in ay nabad ku seexdaan, baabuurtu nabad ku socoto, xoolohooda nabad ku iibsadaan weeyaan, in lasoo afjaro oo waxan la daba galo ayaanu iskugu nimid” ayuu yidhi Xiirane.

Magaalada Laascaanood waxa wali ka socda howlgal ay hogaaminayso xukuumada Somaliland, oo gobolka Sool lagaga tarxiilayo dadka aan reer Somaliland ahayn, ilaa iyo hada inta la hubo waxaa la mastaafuriyay 700 oo qof oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Dadkan ayaa ganacsi kala duwan ku leh deegaamo kale oo ka tirsan Somaliland.

https://www.youtube.com/watch?v=E8BgYxCVyJc

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories