HomeTaliye ka tirsanaa Ciidanka Qaranka oo Qaramada Midoobay ku eedaysay inuu fududeeyey...

Taliye ka tirsanaa Ciidanka Qaranka oo Qaramada Midoobay ku eedaysay inuu fududeeyey Hub Al-Shabaab uga soo degay Xiis iyo Jawaabta uu ka bixiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ceerigaabo (SLpost)- Taliyahii hore ee Ciidanka Qaranka gobolka Sanaag Muuse Jaamac Delef, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedo lagu sheegay in xidhiidh ka dhexeeyo Maxamed Siciid Atom oo Al-Shabaab ka tirsan, kuna tilmaamay been-abuur ay faafiyeen Qolo uu sheegay inay ka soo jeedaan dhalasho ahaan dhinaca deegaannada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Saldhigga-3aad-2Warbixin Guddiga Qaramada Midoobay u qaabbilsan ilaalinta Cuna-qabataynta Hubka Soomaaliya iyo Eretria soo saareen badhtamahii sannadkii tegay ayay ku eedeeyeen Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag Muuse Jaamac Delef inuu aqal Ceerigaabo ku yaal dhigay Hub ka soo degay magaalada Xiis oo Al-shabaab lahayd, hase-yeeshee, Dalaf waxa uu beeniyey eedayntaas oo uu ku tilmaamay mid been-abuur ah, isla markaana waxa uu ku dooday inaanu wakhtigaas joogin magaalada Ceerigaabo.

Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa Taliyaha wax ka weydiiyey jiritaanka Xogahaas la baahiyey, waxaanu Taliyuhu kaga jawaabay; “Eedahaas waxa qoray dad ceebayn wada, ninka la sheegayo ee Maxamed Siciid Atom, saddex sannadood ka hor ayuu Koonfur tegay, inkastoo aasaaskii jabhaddii ka dagaallantay Mijayahan uu nala shaqeyn jiray. Xilligaas Al-Shabaab muu ahayn, anigana qolada Majeerteen ee halkaas joogta maaddama aan ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Sanaag, oo igula colloobay hawlahii aan kaga hortagayey dhaqdhaqaaqyadooda ayaa faafiyey, oo xitaa waxa ka hadlay Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.”

Mar uu Muuse Delef ka jawaabayey Hub la sheegay inuu sannadkii hore ka soo degay magaalo-xeebeedda Xiis ee gobolka Sanaag, oo Al-Shabaab lahayd, isaguna dhigay guri ku yaal magaaladda Ceerigaabo, sida lagu sheegay warbixinta, ayuu yidhi; “Warkaasi mid jir maaha, Hub Xiis ka soo degay ama aqal aan geeyey ma jiro, ninka la sheegay inaan xidhiidh leenahayna ma jiro. Xilliga ay sheegayaan inuu hubku soo degay ee January 2013, anigu ma joogin Ceerigaabo, intaan gobolka Sanaag joogay hub ayaa magaalada Xiis ka soo degay ma maqal.”

Sido kale, Dalaf oo ka jawaabayey  maaddaama oo xilliga laga soo beddelay Ceerigaabo ay ahayd  April, 20013, in wakhtiga hubku soo degay uu joogay Ceerigaabo, waxa uu yidhi; “January 2013, haddaan joogay, wax hub ah oo Xiis ka soo degay ma jiro. Sirdoonka iyo guud ahaan gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo halla weydiiyo. Waa sheeko dacaayad ah oo qolada Puntland abuureen, kuna doonayeen inay anniga igu maagaan.”

Mar la weydiiyey in Maxamed Siciid Atom hore uga tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, sida la sheegey, ayuu Dalaf gebi ahaanba beeniyey, waxaanu ku jawaabay; “Ciidanka Qaranka kamuu tirsanayn. Jabhad aannu taageeri jirnay oo Mijayahan ka dagaallami jirtay ayuu ka tirsanaa. Waan qirsanahay inaan taageernay Jabhaddii Mijayahan oo Somaliland ka tirsan ka dagaallamaysay, Berigaana waxaan isku haynay Macdan Puntland doonaysay inay ka qoddo deegaanka. Saddex sannadood Atom ma joogin Galgala, Koonfur ayuu ku maqan yahay.”

Muuse Jaamac Delef oo ka jawaabayey sida Somaliland uga diyaargaroobi karto halis kaga timaadda Malleeshiyaadka Al-Shabaab ee Buuraha Galgala, ayuu ku jawaabay; “Waa Suurtagal in Al-shabaab-ta lagu soo jebiyo Koonfur soo galaan Buuraha Galgala. Markaa, waa in Somaliland u diyaargarowdaa, oo wax layska weydiiyo. Ma aamminsani tabaha lagaga hortegi karo in Warbaahinta lagu qoro. Waa in guud ahaan Somaliland talo ka yeelato, qof kastoo talo ka bixin karana wax laga weydiiyo.”

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories