HomeTaliyaha Laanta Socdaalka Oo Cabasho Ka Muujiyay Miisaaniyadooda Oo Ku Yar

Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Cabasho Ka Muujiyay Miisaaniyadooda Oo Ku Yar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland  Gaashaanle sare  Maxamed Cali Yuusuf,    oo ay wehelinayeen  saraakiil ka tirsan hay’adda laanta socdaalka  ayaa ka  war-bixiyay  hawl-galo ay  maalmihii u danbeeyay ciidamadda socdaalku     ka wadeen guud ahaanba  dalka. Kuwaasi oo ay ku qab-qabanayeen dadka soo galootiga ah ee sharci daradda dalka ku jooga.

Gaashaanle sare  Maxamed Cali Yuusuf, oo shalay kulan xog-waraysi ah ay xafiiskoodda  kula yeesheen guddi hoosaadka joogtadda ee golaha  Guurtidda, waxa uu sheegay  in hawl-galadaasi  ay ciidamadda laanta socdaalku ku soo ururinayeen  282 qof oo ka mid ah  dadka aan Somaliland  u dhalan ee sharci daradda ku soo galay  oo ay ka soo qab-qabteen goboladda kala duwan ee dalka.

“Mudaddii dheerayd ee dadka soo Galootiga ah shacabku ka  qaylinaayeen waanu la socaonay, laakiin waxaanu hubinaynay sidii aanu uga hawl gali lahayn. Maalintii ugu horaysay waxaanu soo qab-qabanay oo aanu dibada dhignay 191 qof, shalay (doraad) Hargeysa oo keliya waxaanu gacanta ku dhignay 91 qof. Haddii ay soo noqdaana wixii aanu ka yeeli lahayn meel bay noo taalaan” ayuu yidhi Gaashaanle sare  Maxamed Cali Yuusuf.

 

Maxamed Cali Yuusuf, waxa kale oo  uu sheegay in  ciidamadda  laanta socdaalku ay dedaal badan  u galeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen waxyaabo badan oo shacabka dhibaato weyn ku hayay, isla markaana  ay ku guulaysteen in ay  talaabooyin wax ku ool ah ka qaadeen waxyaabahaasi.

isagoo arrintaasi  ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxyaabaha  ugu daran ee aanu qabanay wax ka mid ah  12 Gabdhood  oo jidhkooda ka ganacsada, kuwaasi  oo laga keenay koonfurta  Soomaaliya,  oo ka  soo degay madaarka Berbera.  Gabdhahaas oo gacan ka xaq darani wadatay dhammaantood waxaanu helnay waalidiintood oo dib ayaanu ugu celinay.”

 

Waxaanu intaasi ku daray “Dhawaan waxa kale oo aanu qabanay 9 carruur ah oo dalka Yemen lagala soo baxsaday, carruurtaasina waxaanu u celinay waalidiintoodii dhalay. Sidoo kale waxaanu dalka ka qabanay dadka lacagaha been abuurka ah sameeya, kuwaas oo ka yimid  dalka Nigeria,  dib  ayaanuna u mastaafurinay markii ay xadhigoodii dhamaysteen.

Waxa kale oo aanu dalka ka qabanay dadka Kiiniyaanka ah ee ku shaqaysta Computer-rada beenta ah ee yidhaahda  dhakhaatiir baanu nahay. Sidoo kale waxaanu qabanay 320 baasaboor oo been abuur ah, la rabayna in si sharci darro ah dalka loogaga baxo”ayuu yidhi taliyuhu.

taliyaha laanta socdaalku waxa uu si kooban uga waramay asaaskii laanta socdaalka iyo marxaladihii kala duwanaa ay soo martay, isagoo sidoo kalena faahfaahin ka bixiyay ciidamadda laanta socdaalka iyo sida ay u shaqeeyaan iyo meelaha ay ka hawl-galaan.

Waxaanu  sheegay in tirada iyo tayada ciidanka laanta socdaalku ay korayaan, caqabahada haystana ay ka mid tahay miisaaniyada oo ku yar, loona baahanyahay in kor loo qaado miisaaniyadooda.   Waxaanu  yidhi “Ciidanka laanta socdaalka Somaliland waa muraayada dalka. Qofkastoo madaarada dalka ka soo degaana waxa uu ka arkayaa haybada dawladnimada. Madaaradeena waxa yaala oo lagaga hawl gala qalabkii akhriyaayay baasaaboorada. Laanta socdaalka waxa la asaasay sannadkii 1991-kii waxaana ay si rasmi ah u hawl galeen sannadkii 1992-kii, xeerka uu ku dhisan yahayna waxa goleyaashu meel mariyeen sannadkii 1995-kii. Laanyta socdaalku waxay hoos tagtaa wasaaradda arrimaha gudaha.

Ciidanka laanta socdaalku waxa uu ka hawl gala dhamaan gobolada dalka, goobaha uu sida gaarka uga hawl galona waxa ka mida Lawyacado, Wajaale, madaarka Hargeysa, madaarka Berbera iyo badda. intaas oo gooboodba waxa noo yaala qalab qofkastoo dalka soo galay xogtiisa eega oo kaydiy, una soo gudbiya xarunta dhexe taasina waxay keentay in qofku meelkasta oo uu dalka ka soo galo in aanu si fudud ku aragno”.

Waxaanu intaasi ku daray  “Heerkaasna waxa laanta socdaalka la gaadhisiiyay shantii sanno ee u dambeeyay.  Waxa noo qabsoomay dhismeyaal  cusub oo aanu ka dhisanay, dhamaan xarumaha aanu ku hawl galo oo kii ugu dambeeyay yahay ka Lawya-cado oo dhammaad ku dhaw. Gaadiidku waxa uu ahaa 3 gaadhi, hadana waxaanu leenahay 21. Shan sanno ka hor tiradda  shaqaalaha laanta socdaaku waxay ahaayeen 60 qof oo kaliya, hadana waxay marayaan in ka badan 300. Ciidanka laanta socdaalku waxa uu ka hawl galaa xuduud ah 1200-km, oo aynu la leenahay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Goobaha ay ciidamadu sida joogtada ah uga hawl galaan ee xuduudaha waxa ka mida, Lawya-cado, Xariirad, Boorama, Goraya-cawl, Wajaale, Allaybaday, Geed-balaadh, Faro-weyne, Baligudable, Ina-guuxa, Duruqsi, iyo Bali-dhiig. Intaas oo gooboodna in aanu ka shaqayno waxa noo sahlay tayada ciidanka iyoaqoonta ay leeyihiin.” ayuu yidhi  gaashaanle sare  Maxamed Cali Yuusuf.

Dhinaca kale, gudoomiyaha guddida joogtada ah  ee golaha Guurtidda Md. Muxumed Aw Axmed,  ayaa  masuuliyiinta laanta socdaalka ku amaanay talaabadii ay ka qaadeen dadka soo galootiga ah ee dalka sharcidarada ku jooga.

Waxaanu  yidhi “Waxaanu kaaga mahad ceinaynaa warbixinta qiimaha leh ee aad naga siisay laanta socdaalka ee masuulka ka tahay, sidoo kale waxaanu aad idiinku bogaadinaynaa hawl aad berhanba hayseen, goleyaashuna in badan ka hadli jireen.  kuwaas oo ah dadka sharci darada dalku ku jooga ee aad dalka ka saarayseen.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories