HomeTaliyaha Guud ee Booliska oo Digniin u Jeediyey Dhalinyarada Rabshadaha Sameeya iyo...

Taliyaha Guud ee Booliska oo Digniin u Jeediyey Dhalinyarada Rabshadaha Sameeya iyo Waalidiintood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa digniin u diray dhalinyaro uu sheegay in koox -koox isugu laayaan xilliyada habeenkii xaafadaha Magaalada Hargeysa, kuwaas oo sida uu sheegay ciidamada ammaanku raacdo ugu jiraan soo qabashadooda.

Cabdilaahi Fadal IimaanTaliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo caawa u warramay warbaahinta dawladda, ayaa ka dalbaday waalidiinta inay ka warbayaan carruurtooda oo uu sheegay inay ciidamada boolisku amar u haystaan qab-qabashada dhallinyarada halista ku ah xaaladda ammaanka. “Waxaan idinla socodsiinayaa in ayaamahan danbe magaalada Hargeysa ay ka bilaabmeen dhallinyaro oo kooxo-kooxo isku dilaya kuwaas oo ciidanka boolisku aad uga hawl-galay isla markaana uu gacan bir ah ku qaban doono dhallinyaradaasi oo beryahan danbe xaafadaha qaarkood wareeriyay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku. Taliye Fadal waxa uu hadalkiisa intaas ku daray, “Ciidanka boolisku wuu ku hawl jiraa qaar badana hore ayaanu u qabanay sharcigaa la horgeeyay oo ay maxkamadaha kala duwani ganaax lacageed iyo xadhigba isugu dareen.”

Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu u digay waalidiinta iyo dhalinyarada, “Waxaan halkan uga soo jeedinayaa in ciidanka boolisku gacanta ugu adag ku qaban doonaan oo sharciga la horgayn doono. Waxaan waalidinta u soo jeedinayaa ama bulshada Somaliland gaar ahaan caasimadda in cid kasta oo waalid ah ubadkooda gacan bira ku qabtaan. Ciidanka booliskana gacan ku siiyaan kana warqabaan ubadkooda halka uu jiro. Dhalinyaradaasi dadka qaar waxa ay u gaysteen dil nafeed iy mid hantiyeedba ciidanka boolisku wuu ku hawlan yahay hawlgal kaasina waxa uu socon doonaa si joogta.

Waxaanan horgayn doonaa sharciga, waxaana lagu qaban doonaa gacan adag si ay uga waantoobaan, waalidiintana waxaan u soo jeedinayaa inay u badkooda ka war hayaan haddii iskuul jiro iyo haddii uu meel kale jiro. Cidii falkaas lagu qabtana aanay ha dhawto ka daba iman. Sharciga la horgayn doonaa,”ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories