HomeTaliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo ka warramay Xaqiiqada Dagaalkii Buuhoodle, Sababta Dhalisay...

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo ka warramay Xaqiiqada Dagaalkii Buuhoodle, Sababta Dhalisay Dagaalka, Cidda Dagaalantay, Hanjabaadna uu u jeeday Cadowga Jamhuuriyadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 02 February, 2012 (SLpost)- Taliyaha Guud ee ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Jeneral Maxamed ayaa ka warramay sababaha uu ku bilaabmay dagaalkii ka qarxay magaalada Buuhoodle isla markaana meesha ka saaray inay ciidamada Qaranka ay si toos ah ugu lug lahaayeen dagaalksaas.

Taliyuhu waxa uu iftiimiyay sababta ay u baaqatay xuskii loo samayn jiray munaasibadan, taas oo uu ku tilmaamay in xeer milateri jidaynayo in taliyaha ciidanka qaranku haddii aanay mudada xil hayntiisu gaadhin Lix bilood ka warami Karin ciidanka qaranka waxaanu xusay inay jiraan fadhiisimo badan oo aanu soo marin mudadii koobnayd ee uu xilka taliye-nimo ee ciidanka qaranka hayay isagoo intaas ku daray in sannadka soo socda ay weynayn doonaan munaasibada aasaaska ciidanka qaranka, waxaanu farriin hambalyo ah u diray dhammaan ciidamada Qaranka iyo xaasaskooda. “Maadaama ay maanta tahay sannad-guuradii sagaal iyo tobnaad ee aasaaska ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa ciidamada jamhuuriyadda Somaliland, carruurahooda iyo xaasaskooda. Illaahay waxaan uga barayayaa inuu cimri dherer iyo bash-bash sannadka cusub ay ku noolaadaan, qaranka dadka reer Somaliland-na mid taas la mid ah ayaan u dirayaa dhammaan gobollada Somaliland, haddy Sool tahay, hadday Buuhoodle tahay, hadday tahay Sanaag, hadday tahay Togdheer, Hadday Tahay Hargeysa, Hadday Tahay Awdal, hadday tahay Salal, intaba waxaan Illaahay idiinka barayayaa inaad nabad-galyo ku noolaataan.”

blankTaliyuhu mar uu ka hadlayay dagaaladii ka dhacay dhawaan deegaanka Buuhoodle waxa uu sheegay  in shaqaaqadii dagaal ee ka dhacday Buuhoodle  uu sababay  dagaal Ooge ka  yimi dhinaca degmada Taleex oo  halkaasi yimi, isla markaana ummada deegaankaasi  ugu baaqay dagaal uu ku doonayo in qalalaase iyo xasilooni daro uu ka abuuro deegaan nabdoon.

 “Waxaan ka hadlayaa shaqaaqadii ka dhacday gobolka Buuhoodle. Anigu siyaasad ma gelinayo oo runtu sida ay ahayd ayaan idiin sheegayaa. Shaqaaqadu waxay bilaabantay Khamiistan maanta ah Khamiisteedii. Sida aad la socotaan waxa magaaladaas tagay nin fidno wade ah oo dalka maalmahanba ku wareegayay, Taleex buu ka yimi ninkaasi. Umadda reer Somaliland ee halkaa ku sugan waxa uu ugu baaqayey inay dagaalamaaan oo wax xorayn la yidhaahdo oo aan jirin ayuu faafinayey. Caafimaadka umadda wax umuu qaban, tacliinta wax umuu qaban, noloshooda kale daryeel umuu sidin, isagu dibadaha ayuu ku nool yahay, carruurtiisiina jaamacadaha ayey ku jiraan. Markaa dadka sidaas ku nool oo waxaas oo dhami ka maqan yihiin oo dawladda Somaliland dedaal ugu jirtay, ee ciidamadu dedaalka ugu jireen, ayuu isku dayay inuu umadda kiciyo oo wax aan suurto-gal ahayn ugu baaqo, ayuu yidhi Taliye Jidhif.

Taliyuhu isaga oo ka hadlaya natiijadii ay xukuumaddu ka filaysay shirkii lagu qabtay magaalada Taleex iyo wixii ka soo baxay sidii ay ukala fogaayeen, waxa uu yidhi, “Umadda reer Somaliland beelaha ku nooli way shiraan oo wixii ay tabanayaan iyo khaladaadka dhexdooda ah ayey ka shiraan mana yidhaahdaa Somaliland baanu ka baxnay. Kii ugu dambeeyey waxa qabsaday reer Berbera oo may odhan Somaliland baanu ka baxaynaa ee waxa ay lahaayeen waddanka waxaas halaga hagaajiyo. Somaliland waxay moodaysay in shirkaas ay beesha dhulbahante danahooda khaaska ah kaga tashanayaan maadaama ay gogol nabadeed taallo, wixii ay halkaas ku gooayaanna ay la iman doonaan gogosha nabadeed ee madaxweynuhu fidiyey, May yeelin oo waa la ogaa wixii ka soo baxay. Waxa taas ka sii darayan, waxay ku baaqeen dagaal.”

Taliye Jidhif oo ka warramaya sidii uu ku bilaabmay dagaalka ka dhacay degmada Buuhoodle iyo cidda markii ugu horreysay dagaalantay waxa uu sheegay in markii ugu horreysay ay isku qabteen dadka deegaanku inuu Cali Khaliif Galaydh soo galo magaalada, isaga oo arrintan ka warramayana waxa uu yidhi, “Maalintii uu ninkaasi Buuhoodle yimi, dadka halkaas ku nooli waxay isu qabteen laba siyood. Qolo tidhi ninkan innaga daaya waxba inooma sido aan dagaal ahayne, qolana waxay yidhaahdeen wuu imanayaa. Horta dagaalka la sheegayaa wuxuu dhexmaray qolada Somaliland taageersanayd iyo qolada isaga doonaysay. Sagaalkii buu dagaalkaasi bilaabmay. Labadii markii ay ahayd ayaan anigu cutub ka mid ah cutubyada ciidamada Somaliland aan idhi dhex gala oo kala badbaadiya dadkan haseyeeshee, runtu sida ay tahay, waxaanu taageernay dhinacii Somaliland taageersanaa ee lahaa ninkan naga daaya. Dhaawaca iyo dhimashada ciidanka Qaranka wuxuu ku yimi badbaadinta dadka reer Buuhoodle ee taageerayaasha reer Somaliland ah ayaanu taageernay.”

General Maxamed Xasan Jidhif waxa been abuur ku tilmaamay in baabuur la sheegay in ciidamada qaranka laga qabsaday aanu ahayn sida loo buun-buuniyey, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Haddii aad aragteen gaadhi TV-yada lala wareegayo, gaadhigaasna runta ayaan ka sheegayaa. Wuxuu ahaa gaadhi weyn oo xambuul ah ayuu ahaa. Ciidamo Somaliland ah ayaa ku sugnaa Buuhoodle way ila soo hadleen, waxaanay igu yidhaahdeen go’doon ayaannu nahay ee raashin noo soo dir. Dabadeed gaadhigaas ayaan raashin u saaray waxaana dhexda ka qabsatay qoladii kale ee nabad-diidka ahayd intii aanu gaadhin ciidankayagii, markaa gaadhigaasna xaqiiqadiisu caynkaas ayey ahayd.”

Mar uu ka hadlayay siyaabaha  ay saxaafaddu wax uga qoreen dagaalkaasi , wuxuu  xusay  in warbaahintu ay habab kala duwan wax uga qoreen, kuwaas oo qaarkood ay xaqiiqada rasmiga ah marin habaabiyeen isagoo u soo jeediyay warbaahintu inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ummadana ay u gudbiyaan xaqiiqada  dhabta ah iyo siday wax u dhaceen.

 “Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaan leenahay yaan la idin kicin, ciidanka Qaranka waxaad kalsooni ku qabtaan boqolkiiba 99 inuu idin difaaco, inaad seexataan, inaad ganacsigiina wadataan, inaad hurdo fiican seexataan, annaga ayaa soo jeedna ee idinkuna ha soo jeedina. Waxaan leeyahay, wax dhibaato ah oo aanu annagu hadda haynaana oo naga hor yimi ma jirin.”

Taliyaha Ciidamada Qaranku waxa uu gabo gabadii casdeeyay in ciidanka  qaranku ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii jiidaha kala duwan ee gobolada bariga Somaliland isla markaana aanay jirin awood dib uga soo riixi karta goobaha ay ku sugan yihiin. “Waxaanu ka baqaynaan ma jirto, qaranka Somaliland ciidankiisa ayaa masuuliyaddiisa qaadaya inay si fiican u noolaadaan, horumarka la wado. Wax naga hor iman kara oo aan ka baqaynaa oo aan Illaahay ahayn ma jiraan, cid kastaa wax ha sheegato, Moorgan kastaa ha soo hadlo,” ayuu yidhi Taliye Jidhif.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories