HomeTaliyaha Ciidanka Qaranka ee Aagga Bariga Sanaag Oo ka Waramay Sidii uu...

Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Aagga Bariga Sanaag Oo ka Waramay Sidii uu u Dhaawacmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Ceerigaabo(SLpost)- Taliyaha Aagga Bariga Sanaag Ee Ciidanka Qaranka
Gaashaanle-Gurey Cismaan Saalax ayaa wuxu xalay ka xog warramay
dhaawac shalayto kasoo gaadhey rasaas ku dhacday oo ilaa xilligan uu u
jiifo cusbitaalka guud ee Magaalada Badhan halkaasoo fadhigiisu yahay.
Isagoo taliyahani arrintaas ka hadlayana wuxu yidhi:

“Aniga iyo askar ilaaladayda ah oo wadanna baabuurkayga ayaa meel
jaamacadda iyo magaalada (Badhan) u dhexaysa waxa nagula kulmay
maammulaha jaamacadda Badhan iyo Nin Masri oo jaamacaddaas wax ka
dhiga, kolkii aannu isla taagneyna anigoo dhulka taagan waxa dhinaca
kale iska soo taagey niman dhawr dhallinyaro hubaysan oo wata baabuur
yar wejigoodana dhiillo ka muuqato waxayna la hadleen carabkii
kaddibna carabkii oo afcarbeed ku hadlaya ayaa kor u qayliyey waxana
islamarkiiba baabuurkii nimankaasi wateen kasoo boodey nin
dhallinyaradaas ka mid ah oo raba inuu carabka xoog kula dego, waxa
sidoo kale baabuurkaygii kasoo boodey laba askari waxana meeshii ka
dhashay buuq kaddibna waxa dhacday rasaas, anigana rasaastaas ayaa
naaska hoostiisa oo dhinaca wadnaha ah igaga dhacday aniguna halkii
baan ku dhacay nimankaas hubaysanina way carareen kaddibna
baabuurkaygii iyo askartii ayaa cusbitaalka I geeyey”.

Isagoo ka jawaabaya su’aal kusaabsanayd inuu aqoonsaday raggan
hubaysan ee soo weerarayna wuxu yidhi “Dad degaanka u dhashay ayay
ahaayeen ninka ugu horreeyey ee baabuurka kasoo boodeyna waxay walaalo
yihiin Maayorka Degmada Laasqoray”.

Isagoo ka jawaabayey su’aal kusaabsanayd sababta ka danbaysey in
raggani weerarka noocan ah kusoo qaadaan macallinkaas Masriga ahna
wuxu yidhi “Wallaahi ma garan karayo laakiin kolley rag soo diyaar
garoobey ayay ahaayeen”.

Isagoo ka jawaabaya su’aal kusaabsanayd in ay jirtey cid kale oo ku
lug lahayd falkan wuxu yidhi “Iyagu hal baabuur ayay ahaayeen rag iyo
gaadhi kalena suuqa ayuu ugu diyaarsanaayeen”.

Isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd rasaasta ku dhacday in
askartiisu riddey iyo in ragga weerarka soo qaaday rideenna wuxu yidhi
“Iyaga iyo askarta mid riddey ma caddayn karayo laakiin baadhis ayaa
socota”.

Ugu danbayntiina taliyahani wuxu ka dayriyey xaaladdiisa caafimaad
wuxuna sheegay inuu u baahan yahay dhakhtar weyn oo xaaladdiisa lagaga
baaraan dego isagoo sheegay xukuumadda Somaliland inuu ka filayo
arrintaas.

Si kastaba ha ahaatee taliyahan aagga Sanaag-bari ee Ciidanka Qaranka
ayaa ah mid ku suntan si hagar la’aan ah inuu naftiisa ugu huro wax
kasta oo qarannimada Somaliland wax u dhimi kara isagoo dhawr jeer oo
horena ay jireen dhaawacyo kasoo gaadhey hawl-gallo ciidan oo uu ku
guda jirey.

Dhinaca kalena xog warrankan taliyaha ayaa ah mid khilaafsan war
Wasiirka Gaashaandhgga Somaliland Axmed X. Cali (Cadami) shalay
warbaahinta qaarkeed siiyey isagoo sheegay wasiirku in taliyahani ku
dhaawacmay kala qabasho laba dhallinyaro ah oo dagaallamayey kaddibna
rasaasta ku dhacday ahayd mid si kama’ ah ka qaraxday askari
ilaaladiisa ka mid ahaa iyo weliba in xaaladdiisa caafimaad tahay mid
fudud oo halkaas (Badhan) lagaga daawayn karayo dhaawaca taliyahan soo
gaadhey.

 

 

Somalilandpost Office, 2015

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories