HomeTaliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo beeniyey inay Malleeshiyo ONLF ahi oo...

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo beeniyey inay Malleeshiyo ONLF ahi oo ka soo degeen Xeebaha Galbeedka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Taliyaha Ilaalada Xeebaha

Hargeysa, 20 February, 2012 (SLpost)- Taliyaha ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw- Cismaan, ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayay in xeebta galbeedka Somaliland ay ka soo degeen maleeshiyo ka tirsan jabhadda ONLF, warkaasi oo uu daabacay Wargeyska Madaxa banaan ee OGAAL.

Taliyaha ciidammadda ilaaladda xeebaha Somaliland wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Taliyaha oo ka hadlayay warkaasi wuxuu yidhi “Waxaan idiinku yeedhay inaan beeniyo oo aan caddeeyo war ku soo baxay Wargeyska Ogaal maanta 20/02/2012-ka oo sheegaya in ciidammo ONLF ahi ay ka soo degeen xeebta Galbeedka Somaliland ee Bulo-caddo oo ay yidhaahdeen meeshii ay berigii hore ka soo degeen lafteedii ayay ka soo degeen. Warkaasi waa mid aan sal iyo raad-toona lahayn. Warkaasi waa war fool xun oo badheedh ah oo ku xumayn ah oo nusqaan ah oo aan meel laga keenay aanu jirin. Waa war nusqaaminaya hawl-galadda ciidammadda ilaaladda xeebaha  iyo ciidamadda qaranka oo taakuleeya  oo baddaha ilaaliya.”

Gen. Axmed Aw-Cismaan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waa war nusqaaminaya dawladda Somaliland ee heeganka u ah ilaalinta baddaheena iyo dhawrida dawladaha aynu jaarka nahay ee aynu wada shaqaynta amniga iyo ganacsigaba leenahay waa war culayskiisa leh oo xumaantiisa leh. Waa war wargeyskaasi oo qudhi qoray. Gacanta ayaa lagu hayaa inankii qoray ee masuuliyadda warkaasi qoray. Inankii warkaasi qoray ciidammadda ammaanka ayaa baadhaya oo gacanta ku haya.”

Taliyaha ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland waxa uu sheegay inay ciidammadda ilaaladda xeebuhu ay ku sugan yihiin heeganna kaga jiraan dhammaan xeebaha Somaliland oo dhan.

“Ciiddamadda ilaaladda xeebuhu waxay degan yihiin dhammaan xeebaha Somaliland illaa Bulo-caddo waana laga tabaabushaystay, waxaana kaalmeeya ciidammadda qaranka, xeebta Somaliland meel laga soo galaa ma jirto waana xeeb ilaashan, sidaasi ayaanan warkaasi ku beenaynayaa,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Gen . Axmed Aw-Cismaan oo la weydiiyay inuu jiray tuhuno hore loo qabay oo la xidhiidhay in kooxo ONLF ahi ku soo wajahan yihiin xeebaha Somaliland, waxaanu yidhi “Marka hore war ayaanu helay waanu ka diyaar-garownay, gobolka oo dhan ayaa heegan ka galay. Jabuuti ayaa arrintan xataa heegan ka gashay anagaa heegan ka galay waana wax la wada ogsoonaa oo la iska ilaalinayay wax allaale iyo wax soo degayna may jirin. Waxaanu u qaadanay war badheedh loo sameeyay.”

Taliyaha ciidammadda ilaaladda xeebaha oo la weydiiyay inuu jiray markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah oo lagu afduubay xeebaha dalka Cumaan, waxaanu yidhi “Markabka waanu maqalay waxa la yidhi xeebta Cumaan ayaa lagu  afduubay ayaa la yidhi nin  budhcad badeed ah oo isku urursanayay meelahaasi  Boosaaso shishadeedda ayaa afduubay baa la yidhi. Illaa imikana markabkaasi wuu maqan yahay meel aanu hawl gal ka samayn karnana ma aha ee waa xeebta Cumaan.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories