HomeTaliyaha Ciidanka Booliska oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Gobolka SOOL iyo...

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Gobolka SOOL iyo Go’aamo Cusub Oo laga soo saaray Ilaalinta Ammaanka Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay ciidanka Booliska Gobolka SOOL gacanta ku soo dhigeen laba qof oo loo tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka hal qof iyo dhaawacyo qof kale loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal oo warbaahinta la hadlay kaddib kulan uu galabka Xerada Birmadka ee Hargeysa kula yeeshay Taliyayaasha Saldhigyada, Saraakiisha Ciidamada Booliska, Hogaamada iyo dablayaasha, waxa kale oo uu ka hadlay ammaro cusub oo la xidhiidha xadhigga dhalinyarada kooxaha isku-dila iyo kuwa dadka jid-gooyada u gala xilliyada habeenkii, isaga oo sheegay inay Ciidan-boolis ahaan bilaabeen hawl-gal loogu magac-daray GUUSHA oo lagu dabar-jarayo falalka amni-darrada ah ee dhalinyaradu xilliyadii habeenkii ka geysato xaafadaha caasimadda.

Cabdilaahi Fadal Iimaan“Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska, Hogaamada ciidamada, Saraakiisha kale,Taliyayaasha saldhigyada iyo Dablayda, Waxaan idiin xaqiijinayaa inay nabadgelyada Somaliland iyo ta Caasimadu-ba inay wanaagsan tahay, dhacdooyin way dhacaan, laakin nabadgelyada guud waxaynu ku jirnaa Al-xamdulilaahi Rabil Caalamiin oo waxaynu uga mahad-celinaynaa ILAAHAY iyo bulshada reer Somaliland oo gacan weyn na siisa.”

Mar uu ka hadlayay Taliyuhu dhalinyaro ay ciidamadu soo qabqabteen iyo kuwo xun ku dhacay ayaa waxa uu yidhi, “Waxaan halkan uga caddeynayaa bulshada reer Somaliland waxa had iyo goor la sheegaa kooxo dhalinyaro ah,oo isku dilaya koox-koox, kuwaas oo bulshada u geysta dhibaatooyin naf iyo maalba ah. Waxaan idiin sheegayaa in 24-kii sacadood ee u danbeeyey in Ciidanka booliska ee Caasimadu ay gacanta ku dhigeen 64-dhalinyaro ah, 25-ka mid ahna waxa lagu xukumay 5-bilood oo xadhiga (Shan bilood oo Xadhiga), annaga oo uga mahad-celinaynaa Xero-ilaalinta iyo Maxkamadda sidii degdega ahayd ee ay xukunkaasi u fuliyeen”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dhalinyarada fidmo wadayaasha ah ee kooxaha u dagaalama waa dhaqan aad u xun, oo bulshada ku xun, oo sharciga ku xun oo Diinta ku xun la yimi.Waxaan halkan ka caddeynayaa inaanay jiri doonin inan danbe oo xadhig loo iibinayo ama la ganaaxayo.oo qofku marka uu xumaanta geysto xabsiga ayuu ku qaadan doonaa, waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa oo la mida Tuugta waaweyn oo qaarkood ku jiraan kuwaa la xukumay, iyo mukhaadaraadka iyo wax kasta oo nabadgelyada khatar ku ah inay ciidanka boolisku ay u yihiin dal jirayaal, naftooda u hurey habeen iyo maalinba u soo jeeda oo heegan u ah ammaana waan u soo jeedinayaa Ciidanka booliska ee Caasimada iyo guud ahaan Ciidanka Booliska Jamhuurida Somaliland oo heegan u ah ilaalinta nafta iyo maalka.”

Taliye Cabdilaahi waxa uu ku dhawaaqay inay Ciidanka Booliska Somaliland ay bilaabeen hawlgalo culus, waxaanu yidhi,“Hawlgalkan aanu galayno imika waxaan u bixiyay hawlgalkii “GUUSHA” mana joogsanayo oo habeen iyo maalinba ma kala laha, Subax malaha, Saq-dhexe malaha uu soconayaa.

Waxaanan halkan digniin adag ka siinayaa Waalidiinta dhalay dhalinyaradaa haddii inankaa dhalinyarada ah ee Ciidanka boolisku yaqaano, ee ay bulshadu taqaano ee caadeysta ah haddii isaga la waayo meelkasta ha qabtee, waalidkiiba u xidhan oo u qoolan, waayo waalidku ma joogayo haddii ay wax ku dhacaan oo wax loo geysto… Meelaha Giimamka lagu ciyaaro ee loo aqoonsado inay nabadgelyada khatar ku yihiin waa la xidhayaa, Diiniyan ma wanaagsana, oo Caruurta ayuu akhlaaqda ka xumeynayaa, oo sharcigii ayay khilaafayaan, cidkasta oo lagu arko wax ka baxsan sharciga dawliga iyo Diinta Islaamka-ba ciidanka boolisku gacan bira ayay ku qabanayaan, waanan uga digayaa qolyaha Tiifiyada gaar ahaan meelaha Giimamka lagu ciyaaro.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories