HomeTaliyaha Ciidanka Booliska Oo Digniin Adag U Jeediyay Dhalinyarrada Rabshadaha Wada

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Digniin Adag U Jeediyay Dhalinyarrada Rabshadaha Wada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo guuto C/laahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay  gacan adag  ku qaban doonaan dhallinyarrada rabshadaha ka sameeya magaaladda Hargeysa  xilliyada habeenkii oo muddooyinka dambe dib uu soo noqday.

Sareeyo guuto  Cabdilaahi Fadal ayaa sidan ka sheegay mar uu shalay  ka hadlayay tabobar uu soo xidhay  qaar kamid ah  ciidamada booliska,  waxaana uu tilmaamay in sharciga  lala tiigsan doono dhallinyarrada rabshad wadayaasha ah.

“Kooxaha dhallinyarrada ah ee rabshad wadeyaasha ah oo bari dhawayto ciidamada boolisku tallaabo adag ka qaaday oo  ayaamo dhawayd qaarkood soo noqdeen waxa halkan uga digayaa in gacan bir ah  lagu qaban doono sharcigana  lala tiigsan doono,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland waxa uu isla shalay tababar u soo xidhay qaar ka mida ciidamada booliska oo muddo lagu carbinayay xerada ciidamada birmadka ee magaallada Hargeysa. “Waa dufcadii saddexaad ee tababarro qaata marka laga reebo dufcad iyagu ka tirsan ciidanka asluubta oo halkan iyagana tababar ku qaatay maaha qorshe ku koobanaanaya ciidamada booliska ee caasimadda Hargeysa waxa noo qorshaysan in dhammaan ciidamada booliska tababaro u furmo,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha Boolisku  waxa uu u soo jeediyay ciidamadan dhamaystay tababarka in xidhiidh la yeeshaan bulshada Somaliland waxaanu  yidhi  “Bulshadda reer Somaliland ee sida fiican inoola shaqaysa waa in aad la yeelataan  xidhiidh dhow oo wada shaqayneed,  waayo adigoo waajibkaaga qaranimo qabsanaya waxa loo baahan yahay in qofka  muwaadinka ah haddii uu yahay ka dambiga galay in aanu kaa dareemin riix-riix.”

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories