HomeTaliyaha Ciidamada Booliska oo shaaca ka qaaday inay Gacanta ku hayaan Ciddii...

Taliyaha Ciidamada Booliska oo shaaca ka qaaday inay Gacanta ku hayaan Ciddii geysatay Falkii lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah shalay gacanta ugu dhigeen Ciddii geysatay falkii lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Durraan, ka dib markii ay gacan weyn ka heleen Odayaasha eedaysanaha oo u soo gacan-geliyey.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska oo shalay shir-jara’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in Ciidamada Boolisku ay si weyn uga hawl-galeen baadhista kiiskaas kuna guulaysteen inay gacanta ku dhigaan iyaga oo taageero ka helaya odayaal iyo muwaadiniin kale kuwaas oo uu sheegay inay k hawl-galeen soo qabashada dadkii falka geystay isla markaana markii ay u qanceeb ciidanka booliska u soo gacan-geliyey eedaysanaha.

blankTaliye Cabdilaahi Fadal Iimaan isaga arrintan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Waxaan halkan idiinku sheegayaa inaanu arrin qaranka iyo bulshadda Somaliland-ba ay naga sugayeen natiijadeedda oo si guul ah noogu dhammaatay. Arrintaasi oo ah falkii isku day dilka ahaa ee lagu dhaawacay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/Rashiid Maxamed Maxamuud (Duraan) 11-kii bishan. Tan iyo markii falkani dhacay waxa Ciidanka Boolisku ay ku jireen baadhis dheer oo aad iyo aad u miisaaman oo ay kiiskan ku hayeen xuuraan badan iyo dabo-gal si ay xaqiiqadda dhabta ah u helaan. Waxaan idiin sheegayaa inaanay ciidanka Boolisku aanay ka weecan raadkii ay bilowgiiba heleen.” Taliyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Baadhis dheer ka dib markii Ciidanka Boolisku ku qancay cidii falkaasi gashay horena waxa noogu xidhnaa dad sideed qof ah oo ku eedeysnaa inay falkaasi ku lug lahaayeen. waxaanu markiiba la xidhiidhnay odayaal laba dhinac ah iyo dad kale oo muwaadiniin ah, waxaanay ka hawl-galeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaasi geysatay. Nasiib wanaag maanta oo bisha June tahay 26 waxa markii aanu arrintaasi u bandhignay ku qancay oo noo soo gacan geliyay odayaal laba dhinac ah oo ah kuwii eedeysanahaasi.”

Gen. Cabdilaahi Fadal waxa uu sheegay in falka lagula kacay guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa uu xidhiidh la lahaa kiiska Rashiinkii Musuq-maasuqa ee uu gacanta ku hayey, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Falkaasi Guddoomiyihii Maxkamadda lagu dhaawacay oo la xidhiidha kiiskii uu baadhayay ee la xidhiidhay raashinkii la musuqmaasuqay, sidaasi darteed waxaanu idiin sheegaynaa inaanu gacanta ku hayno cidii falkaasi geysatay oo aanu aqoonsanay.”

Taliyaha Ciidanka Boolisku wuxuu u mahad celiyay isla markaana si weyn u bogaadiyay ciidanka Booliska ee ka hawl-galay kiiskaas iyo Odayaasha ku qancay inay u soo gacan-geliyaan cidda falka geysatay. “Waxa kale oo aan ammaan halkan uga soo jeedinayaa odayaashii markii aanu ubandhignay arrintan ku qancay isla markaana gacanta nooga soo geliyay cidii falkaasi fulisay. Guddoomiyaha la dhaawacay waa masuul qaran. Waxaan iyagana u mahad celinayaa odayaashii dhibanaha ee nagu kalsoonaaday ee sugay baadhistii aanu wadnay waana tallaabo ku dayasho mudan dadweynaha Somaliland-na sidaasi oo kale inay yeelaan ayaan u soo jeedinayaa,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories