HomeTaliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay DIL Maanta Ka Dhacay Hargeysa

Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay DIL Maanta Ka Dhacay Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay Ciidaanka booliska ku guuleysteen gacan ku-dhigista laba nin oo maanta duhurnimadii xaafadda October Hargeysa ku dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Mahad Asad Cabdi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo u warramay Wariye Mustafe Jannaale, waxa uu tafaasiil ka bixiyey dil ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo talaabadii ay qaadeen Ciidaanka boolisku.

“Maanta abaaro 2:00-duhurnimo Xaafada loo yaqaano AKTOOBER ama Ex-Libaaxyada waxa ka  dhacay dil loo geystey Marxuum la odhan jirey Mahad Asad Cabdi oo da’adiisu ahayd 21-jir, marka hore waxaan ka tacsiyadeynayaa qoyskoodii oo waxaan leeyahay ILAAHAY samir iyo iimaan ha idinka siiyo markaasi,” ayuu yidhi taliyuhu.

taliye fadal“Labadii nin ee geystey dilkaasi waa la qabtey,kadib markii Ciidanka boolisku hawlgal balaadhan sameeyeen ayey ku guuleysteen, waana ILAAHAY mahaddii mar haddii aanu gacanta ku soo dhignay labadii nin ee loo tuhunsan yahay inay geysteen dilkaasi, baadhitaankiina wuu ku socda labada nin”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal, waxaanu ku bogaadiyey hawlgalkan Ciidaankii iyo saaraakiisha booliska Somaliland ee gacanta ku soo dhigey eedeysanayaashan dilka geystey iyo weliba sida ay Ciidaanku hadh iyo habeen heeganka ugu jiraan inay umadooda amaankeeda ilaaliyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa waxa uu fariin u direy dhalinyaro uu ku sheegay inay koox koox u dagaalamaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dhalinyarada had iyo jeer u dagaalanta kooxaha ayaa waxaan halkan uga dirayaa fariin ah waa inay ka waantoobaan, ciddii ka waantoobi weydana waxay Ciidanka booliska Somaliland ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan”.

Taliye Fadal mar uu la hadlayey shacab-weynaha reer Somaliland waxa uu ka codsaday inay la shaqeeyaan oo ay gacan siiyaan Ciidanka booliska, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga soo jeedinayaa dadweynaha reer Somaliland sidii ay horeba ula shaqeyn jireen Ciidaanka booliska ay ula shaqeeyaan oo ay si fiicana ula shaqeeyaan baabuurta ootto ootada si uu amnigoodi u sugnaado.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories