HomeTaliyaha Booliska Somaliland oo beeniyey warar la faafiyey, Bulshadana digniin u diray

Taliyaha Booliska Somaliland oo beeniyey warar la faafiyey, Bulshadana digniin u diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa been-abuur ku tilmaamay warar lagu sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen rag laga shakiyey iyo hub ay siteen, waxaanu digniin u jeediyey dadka caadaystay faafintooda.

blankTaliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay War lagu sheegay inuu ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland oo si weyn baraha bulshada u dhexmarayey maanta, kaas oo lagu sheegay in Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ay 48 saacadood ee la soo dhaafay qabteen 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo lala beegsanayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo inay sidoo kale qabteen hub iyo walxaha qarxa.

Warkan ayaa lagu faafiyey Page Facebook ah oo ku magacaaban Ciidanka Booliska Somaliland, haseyeeshee, waxa uu taliyuhu xaqiijiyey inuu boggaasi yahay been-abuur, dhowaanna uu bulshada la wadaagi doona ciwaannada saxda ah ee Ciidanka Booliska.

Taliye Dabagale oo khadka telefoonka ugu warramay Weriye Maxamuud Walaaleeye oo jiritaanka arrintan wax ka weydiiyey, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warkaas oo uu yahay been-abuur, waxaanu bulshada uga digay faafinta wararka malo-awaal ah ee la xidhiidha Ciidanka.

“Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog oo la xidhiidha Ciidanka Booliiska, mana jiro tacsi Taliyaha Booliisku diray, isla markaana waxaanan u sheegayaa inaan dhowaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciidanka Booliiska JSL oo shirkada Facebook xaqiijisay.” Sidaas ayuu Taliyuhu u sheegay Weriye Maxamuud Walaaleeye.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories