HomeTaliyaha Booliska oo shaqadii ka eryay, kuwo cusub-na u magaacabay Saldhigyada Hargeysa

Taliyaha Booliska oo shaqadii ka eryay, kuwo cusub-na u magaacabay Saldhigyada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa shaqada ka fadhiisiyay taliyeyaasha iyo ku-xigeenadooda inta badan saldhigyada magaalada Hargeysa.

blankSiday tibaaxeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo xalay uu helay Wargeyska Ogaal, Taliyaha Booliska Somaliland, waxa uu shaqada ka fadhiisiyay Taliyeyaasha iyo Ku-xigeenada Saldhigyada magaalada qaarkood. Warku wuxuu sheegay in Qaybta Bari-ga Hargeysa oo ka kooban Saldhigyada New Hargeysa, Sheekh Nuur, Daloodho iyo Maxamuud Haybe lagu hagaajiyay amarka bedelaada taliyeyaasha iyo ku-xigeenadooda oo qoraal ah. Sidoo kalena Qaybta Galbeedka saldhigyada shaqada laga fadhiisiyay taliyeyaasha iyo ku-xigeenadooda waa Saldhigga Dhexe, Saldhigga Iftin iyo Saldhigga Kood-buur.

Siday ilo-wareedyadani sheegeen saraakiisha xilalkoodii waayay, waxa qaar ka mid ah loo magacaabay meelo kale, hase yeeshee, intooda badani waxa lagu wadaa inay noqonayaan xil-sugayaal. Isla markaana saraakiisha cusub ee shaqada ka bedelaya kuwa shaqada laga fadhiisiyay ayuu Taliyaha Boolisku iyagana magaacabay, kuwaasoo magacyadoodu la sheegay inay ku lifaaqan yihiin kuwa xilalkooda laga qaaday.

 Inkasta oo aanu warku kala cadayn, waxay ilo-wareedyadani tibaaxeen in sidoo kale iyagana isbedel lagu samayn doono qaybaha iyo hogaanada Booliska.

Ma jiro war rasmiya oo la xidhiidha arrintan oo ka soo baxay Taliska Booliska, hase ahaatee, mar aanu xalay isku daynay inaanu wax ka waydiino Taliyaha Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, waxa uu si kooban ugu jawaabay, “Taasi waa shaqadayada gaarka noo ah ee maaha shaqadiina.”

Waa markii ugu horaysay ee uu Maxamed Saqadhi Dubad isbedel noocaas oo kale ah ku sameeyo saldhigyada booliska Hargeysa ilaa intii uu xilka hayay.

Somalilandpost08@gmail.com

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories