HomeTaliyaha Booliska oo Ka hadlay Weerar Xalay Askar ka tirsan Ciidanka Boolisku...

Taliyaha Booliska oo Ka hadlay Weerar Xalay Askar ka tirsan Ciidanka Boolisku u geysteen Xarunta Wargeyska Hubaal iyo Baadhitaanno ku Socda Cidda soo Maleegtay Dhacdadan Ugubka ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay dhacdo xalay niman Hubaysan ku weerareen Xarunta Wargeyska Madaxa Banaan ee Hubaal, kuwaas oo weerarkooda lagu xidhiidhiyey masuuliyiin dawladda ka tirsan.

Taliyaha Boolisku waxa uu xaqiijiyay  in labaas ee weeraray geystay ka tirsanaayeen ciidanka Booliska, isla markaana sharciga la horgeyn doono mid ka mid ah labada Nin oo isla xalayba ay hawl-wadeennada Wargeysku gacanta ku dhigeen, kii kale ee baxsadayna ay gacan-ku-dhigistiisa ku daba jiraan.

Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi,  “Xalay markii abbaaro 12:00-kii habeennimo uu Booliska soo gaadhay warka sheegaya in xarunta Wargeyska Hubaal la weeraray ninkii ay shaqaalaha Wargeysku qabteen waa  la soo qaaday oo waxay Boolisku ku soo xidheen Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.”

taliye fadalTaliye Fadal waxa uu sheegay inay ciidammadu ku daba jiraan kuna hawlan yihiin soo-qabashada Ninka baxsaday,  isla markana baadhitaan lagu wado ninka xidhan iyo cidda ka dambaysa hawl-gakooda, wuxuuna sheegay isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey cidda ka danbaysay weerarkaa oo masuul Madaxtooyada Somaliland ka shaqeeya lagu xidhiidhiyey, in  aanu ka hordhacayn natiijada baadhitaanka ka soo bixi doonta, balse waxa uu meesha ka saaray in Masuuliyiin madaxtooyada Somaliland ka tirsani ka dambeeyeen abaabulka weerarka lagu qaaday xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in baadhitaanka Boolisku wadaan natiijada kasoo baxda lagu ogaan karo oo keliya cidda ka danbaysa weerarkaa, waxaanu xaqiijiyey in ninka la hayo ka tirsan yahay ciidanka booliska, “Qof Booliska ka tirsani dembi wuu geli karaa, laakiin su’aashu waxay tahay maxaa laga qabtay? Waxaan idiin sheegayaa in labada nin ee falkaa weerarka ah ku qaaday xarunta Wargeyska mid ka mid ah gacanta lagu hayo, waana la baadhayaa. Ninka baxsadayna ciidanku way ku daba-jiraan oo gacantaa lagu hayaa baadhistiisa,” ayuu yidhi taliyuhu, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Ma jirto Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo ka dambaysay, manay ahayn in qolada Wargeysku baadhista ka hor-dhacaan, aniguna baadhitaanka socda ka hor-dhici maayo. Waxa dhacay waa kiis, kiiskaana baadhistiisii baa gacanta lagu hayaa, si caadi ah oo dhammaystiranna waa loo baadhayaa.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories