HomeTaliyaha Booliska oo ka hadlay isbarbardhig lagu sameeyey dirayska Askartii ka soo...

Taliyaha Booliska oo ka hadlay isbarbardhig lagu sameeyey dirayska Askartii ka soo baxay Mandheera iyo kuwa Somalia, una Digay Gaadiidleyda iyo ganacsta Iibisa Rashka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay Dirayska ay ku labisan-yihiin Ciidamadii dhawaan ka soo baxay Dugsiga Tobabarka Degmada Mandheera, kaas oo la ba-bar dhigay kuwa ay ku lebbisan yihiin Ciidamada Booliska Somalia waxaanu sheegay in aanu u eekayn Dirayskaasi, isla markaana aanu u dhaweyn.

blankTaliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Iimaan Fadal waxa kale oo uu ka hadlay hawl-galo ay fuliyeen Ciidanada Boolisku, kuwaas oo ay ku soo qab-qabteen Mukhadaraad iyo dadkii watay, waxaanu tilmaamay in sharciga la hor-gayn doono. Waxaanu sidoo kale digiin u diray dhalinyrada Rashka ku qarixiya guddaha Magaaladda kuwaas oo uu sheegay in tallaabo laga qaadi-doono ganacsatada ka iibiya.
Taliyaha Boolisku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa. Ugu horayn Taliyaha oo ka hadlaya hawl-galadii ay fuliyeen ee ay ku qab-qabteen Mukhadaraadka, waxa uu yidhi, “Booliska Somaliland waxa uu ku jiraa hawl-galladiisii lagu xoojinayey ammaanka, waxaanu hawl-galladii ugu dambeeyay Ciidanka Boolisku ku qabtay Mukhadaraad Khamri samays ah iyo waxyaabo kale oo laga samaynayey, muddo dheer ayuu Ciidanka Boolisku arrintaas daba socday, waxaanu ku guulaystay in labadii eedaysane ee samaynayey ay gacanta ku dhigaan. Waxa kale oo aanu hawl-gal ballaadhan xalay (Habeen hore) ka galnay Xaafadda Daami, Ciidanka Boolisku waxay ku guulaysteen dhawr goobood oo Mukhadaraadka lagu iibiyo, waxaanay ka soo dhabteen 14 Qof oo dhamaantood wax Sakhraansan iyo wax Caagado lagu soo qabtay, kuwaas oo Sharciga la horgayn doono.”

Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal waxa kale oo uu digiin u diray dhalinyarada rashka ku qarxiya magaaladda, “Waxa kale oo muhiimadda ugu weyn ee aan idinku yeedhay tahay madaama oo ay Ciiddii soo dhawdahay oo kala badhkii bisha Ramadaan maanta (shalay) la dhaafay dhibaataa soo kordhay. Dhibaatadaasi waxa weeyaan bahalka rashka la yidhaahdo oo  bulshada reer Somaliland aan halkan uga soo jeedinayo nimanka dhalinyarada ahaa ay dadka ama masaajidada hortooda ama dumarka-ba ay ku qarxinayaan, waxaan u soo jeedinayaa in arrintaas dadka ganacsatada ahi ka waantoobaan oo dadka aan xil-kaska ahayn ee ay ka iibinayaan aanay ka iibin ciddii lagu helana tallaabo sharci ah laga qaadi-doono, waayo arrintaa Rashku khatarteeda leedahay, waxa laga yaaba in Gabadh Xaamilo ah ay ku qarxiyaan oo dhibaato ka timaaddo, Masaajidna ay Xalay (habeen hore) cawayskii Albaabada u dhigeen,” ayuu yidhi Taliye Fadal isaga oo hadalkiisa intaas ku daray, “Waxaan uga digayaa bulshada reer Somaliland inay ka feejig-naadaan oo ciddii waxyaabahaas samaynaysa ay ciidanka booliska gacanta u soo galiyaan. Waxa kale oo hawl-gallada gobolka Togdheer habeen hore lagu qabtay shan jirkaan oo kharmi ah iyo cidii wadatay, hawl-galadaasina waa mid joogto ah.”

Taliyuhu wuxuu digniin adag u diray dirawaladda baabuurta ee galaaftay nolosha nafo badan isagoo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi,  “Waxa kale oo aan u digayaa dadweynaha gaadiidlayda kala duwan iyada oo muddooyinkan dambe shilalku bateen, taas oo ay ugu wacan tahay xawaare dheeraad ah (High-Speed), taas oo ay dadbadani nafahoodii ku waayeen. Waxa aan u soo jeedinayaa Darawaliinta Gaadiidka kala duwan inay u socdaan si caadi ah, cidii falalka noocaas ah lagu helo iyada oo xawli ku socota in tallaabo adag laga qaadi-doono.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories