HomeTaliska Ciidanka Booliska oo Ka hadlay Xadhigga Bushaaro Baanday iyo Warar Laga...

Taliska Ciidanka Booliska oo Ka hadlay Xadhigga Bushaaro Baanday iyo Warar Laga Baahiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan tahay Gabadh Weriye ah oo dhawaan lagu xidhay magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale xilli ay dhinaca dalka Ethiopia ka soo tallaabaysay.

Weriye Bushaaro Baanday oo xilligan ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, ayaa sida ay baraha bulshada lagu faafiyey waxa ay tacaddiyo kala kulantay ciidanka Booliska, balse waxa warkaas waxa waxba kama jiraan ku tilmaamay Taliska ciidanka Booliska oo faahfaahin ka bixiyey hawl-galkii ay Ciidamadu ku qabteen.

Taliska Boolisku wuxuu sheegay inaanu jirin jidh-dil Ciidanku u geystay gabadha weriyaha ah oo ay ku tilmaameen Eedayne loo haysto dambi lagu soo eedeeyey isla markaana ay xilligan tahay gar-suge kiiskeedu Maxkamadda ku jiro.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Booliska, ayaa u qornaa sidan:- “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu halkan ka beeninayaa wararka waxba kama jiraana oo Saacaddihii u dambeeyay baraha bulshada lagu baahiyay , taasi Ciidanka Booliska JSL lagu sheegay ina jidh dil u gaysteen Eedaysane Bushaare Baanday.

Ciidanka Boolisku markuu Eedaysanahan soo qabtay Markiiba waxuu degdeg u horgeeyay Maxkamadda , waxaanay gar-suge ku tahay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa.
Taliska Ciidanku waxuu shacabweynaha JSL la wadaagayaa ina Maxbuusada cidii u baahataa booqan karto , Mana jirto wax dhibaato ah oo loo gaystay.

Haddaba Waxaannu cadaynaynaa ina warkaasi waxba ka jirin, tahayna dacaayado lagu dilaayo sumcada Ciidanka sharafta leh ee habeen iyo Maalin u adeegaaya shacabweynaha JSL .

Ugu dambeyn Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu u soo jeedinayaa Cid kasta Oo warar been abuur ah bulshada ku jaah wareerisaa in ay ka waantoobaan, Waxaanan sidoo kale la soconaa Shakhsiyaadka ku hawlan khalkhal gelinta iyo wararka been abuurka ah taas oo hadii ay ka waantoobi waayaan laga qaadi doono Talaabo Adag Oo sharciya.” Sidaas ayaa lagu yidhi waar-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Weriye Bushaaro Baande oo inta badan dhaliisha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa ka mid ah tiro suxufiyiin dibad-meer ah oo xukuumadda Somaliland fal-dambiyeedyo la xidhiidha khal-khal gelin amni iyo kicin dadweyne.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories