HomeTaliska Ciidanka Asluubta Somaliland oo Jawaabay Eedaymo loogu jeediyey inay Hay’ado Caalami...

Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland oo Jawaabay Eedaymo loogu jeediyey inay Hay’ado Caalami ah oo Faro-gelin ku haya kiisaska Maxaabiista Dilalka u Xukuman

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

xasanHargeysa (SLpost)- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Gaashaanle Sare Xasan Cali Cawad (Xasan Cali-dheere), ayaa sheegay inaanay jirin hay’ado lacago ku bixiya, xukuumaddana cadaadis ku saara inay fuliso xukunnada Dilka ah ee ay xabsiyada ugu jiraan Maxaabiista fal-dambiyeedyada dilalka ah geystay.

Taliye ku-xigeenka Asluubta Somaliland oo daba-socda eedaymo Xubno ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ugu jeediyeen Xukuumadda inay cadaadis iyo ololeyaal ay kala kulanto hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan UNDP, waxa uu ka war-bixiyey heerarka kala duwan ee ay maraan xukunnada dadka ku eedaysan iyo kuwa loo xukumay falalka dilka ah.

Gaashaanle Sare Xasan Cali-dheere oo maanta warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay Xukunnada Maxaabiista dilalka u xidhan maraan maxkamadaha derejooyinkoodu kala duwan yihiin, balse ugu dambayn ay fulinta xukunkaasi ka go’do Dadka uu la dhashay marxuumka la dilay.

“Waxa aan doonayaa inaan bayaamiyo arrin wasiirka Cadaaladduna hore uga dhawaajiyey oo ah dadka qaarkood oo aaminsan Dadka Dambiga geysta gaar ahaan dilka waxa lagu naaxiyaa xabsiyada, taas oo u muuqata in lagu durayo wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka. Diinteenna Islaamku waxay jidaysay saddex qodob oo ah in la saamaxo, in diyo la qaato iyo in la dilo.

Qofku dil ha geysto, laakiin xuquuq buu leeyahay, wuxuu marayaa Maxkamadaha kala hooseeya, waanu dheeraan karaa kiisku, laakiin sida ay dadku caadeysteen ee ay yidhaahdaan ha loo dilo, waxa ku lumaysa xuquuq, cidbaa awooddeeda leh, Maxkamadda iyo Sharciga ayuu marayaa. Marka u dambeysa, waxa ay ku dambaynaysaa Cidda Diyada leh iyadoo Xeerkii Ciqaabtuna jiro,” ayuu yidhi Gaashaanle Sare Xasan Cali-dheere, waxaanu intaas ku daray, “Waxa inta badan la yidhaahdaa Hay’ad baa lacag bixisa oo dadka lama dilo. Dadka dilka geystay ee aanu xabsiyada ku hayno, hay’ad lacag ka bixisaa ma jirto. Raashinka, Dawada, Biyaha iyo Wax kasta oo leeyahay Maxbuus Somaliland u xidhan dawladda ayaa bixisa oo miisaaniyadda ayay ku jirtaa.”

Dhinaca kale, waxa uu ka warbixiyey xaaladda Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka, waxaanu yidhi, “Ta kale ee odhanaysa qofka Xoriyaddiisa laga qaaday oo xidhani meel buu ku raaxaystaa, waa hadal aanay waxba ka jirin. Haddii wax kasta laguu dhameeyo oo lagu siiyo oo albaabka dusha lagaaga xidho, qofka xidhan ayaa garanaya xoriyaddu waxa ay tahay. Midda kale, haddii Berigii hore qofka xabsiga lagu dhex ciqaabi jiray, waa meel immika dadka lagu saxo, waxaanu doonaynaa inuu qofku bulshada ku soo noqdo isaga oo caafimaad-qaba oo wax bartay, bulshadii uu ka tagay isagoo dambiile ah inuu ku soo noqdo isagoo wax ku soo kordhin kara oo bartay farsamo uu ku shaqaysan karo, waana mid ay nagu bogaadiyeen dadka iyo hay’adaha Xuquuqda bani’aadamka ka shaqeeya.”

Taliyuhu waxa uu sheegay inay isbeddel la taaban karo ku sameeyeen xaaladda Xabsiyada dalka iyo maxaabiista ku jirta iyo wada-shaqaynta ay wasaaradda Cadaaladdu la leedahay hay’adaha  xuquuqal iinsaanka oo uu sheegay inay u ogolaadaan xaqiiqo-raadinta xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jirta Xabsiyada kala duwan ee dalka waxaanu yidhi, “Hay’aduna waxay naga caawiyaan qalabkii uu ku shaqo tagi lahaa qofka wax la baray markuu bulshadiisa ku noqdo. Immika, Xabsiyada dalka haddaad booqato, gaar ahaan xabsiga Mandheera, maxaabiistu waxay gaadheen heer nin waliba uu samaysto sariirtii uu ku seexan lahaa oo cidiba dhulka ma seexato immika.

Waxaanu kordhinnay garyaqaannada ka hawl-gala wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, gaar ahaan ciidanka Asluubta, taasina waxa ay suurto-galisay inaanay cadaalad-darro xabsiyada ka dhicin, garyaqaannadaas shaqadooduna waxay tahay inay mar walba xabsiyada booqdaan.”

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu yidhi, “Dawladdan uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Siilaanyo ka hor, waxa dhici jirtay Guddiga Nabad-gelyada  ayaa waraaq yar ku geyn jiray qofka Xabsiyada sannad ama laba sanno oo qaarbaa lagu illaawi jiray oo aanu annagu ugu nimi oo ka saarnay, maanta ma dhacdo. Sharci-yaqaanada iyo Cid kasta oo Xuquuqal-iinsaanka caalamka waanu u fasaxnay xabsiyada inay booqdaan.”

Ugu dambayntii, waxa uu mahad-naq u jeediyey Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta iyo Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebta, kuwaas oo sida uu sheegay qayb weyn ka qaadata dhaqan-celinta maxaabiista. “Waxa nala shaqeeya Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo muxaaradarooyin ka jeediya Xabsiyada. Waxaan u mahad-naqayaa wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo xabsiyada keenay Kutubtii, noola suurta-geliyey wacyigelinta masaajidka Cali-Mataan iyo Rusheeye in Maxaabiistu dhegaysato wakhtiyada ay socdaan,” ayuu yidhi Gaashaanle Sare Xasan Cali.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories