HomeTaiwan oo Somaliland ku caawinaysa 150,000 Xidhmooyin tallaalka Covid-19 ee Medigen

Taiwan oo Somaliland ku caawinaysa 150,000 Xidhmooyin tallaalka Covid-19 ee Medigen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Taiwan ayaa Salaasada maanta shaaca ka qaaday inay Somaliland ku caawinayso 150,000 Xidhmo oo talaalka cudurka Covid-19 ah, kaas oo qayb ka ah taageerada adeegyada caafimaadka ee dalkaasi siiyo Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda, mucaawimada talaalka Covid-19 ee Medigen oo lagu farsameeyey gudaha dalka Taiwan, ayaa lagu go’aamiyey heshiis ay Isniinta shalay wada-jir u wada saxeexeen Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo Wakiilka dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland Danjire Wu Chen-chi oo kulan ku yeeshay xafiiska wasiirka.

blankWar-saxaafadeedka oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa lagu sheegay in gargaarkan Caafimaad ku soo beegmayso xilli uu qaaradda Afrika fara-baas ku hayo nooca Covid-19 ee loo yaqaano Omricon.

Waxa uu war-saxaafadeedku intaas ku daray in wasaaradda Caafimaadka Somaliland dhawaan oggolaatay  tallaalka Medigen loo isticmaalo xaalad degdeg ah sababo la xidhiidha soo-laba kaclaynta cudurka iyo xaaladda adeegyada caafimaad ee jirta (Emergency Use Authorization).

Tallaalka Medigen ayaa ah ka kaliya ee lagu farsameeyey Taiwan, waxaana ansixiyey dowladda Taiwan oo 23-kii August ee sannadkan u oggolaatay muwaadiniinteeda inay qaataan tallaalkan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Warku waxa uu intaas ku daray inaanu jirin waddan kale oo Oggolaanshaha isticmaalka degdegga ah siiyay tallaalka Medigen. Haseyeeshee, waxa jira waddamo oggolaaday inay qaataan balse tijaabooyin iyo shaybaadh ku wada tallaalka Medigen, waxaana waddamadan ka mid ah Paraguay.

Sida war-saxaafadedka lagu sheegay tallaalka Medigen waxa qaatay isla markaana loo doortay in lagu daro Golaha caalamiga ah ee tijaabooyinka tallaalka ee loo yaqaano Solidarity Trial Vaccines oo ay aasaastay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dowladda Taiwan ayaa hore ugu caawisa Somaliland agabka lagaga gaashaanto Covid-19 iyo mishiinnada laga dhaliyo Oxygen-ta lagu xidho bukaannada xannuunkani asiibo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories