HomeTaiwan oo Dhakhaatiir Caafimaad u soo diraysa Somaliland

Taiwan oo Dhakhaatiir Caafimaad u soo diraysa Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somaliland iyo Taiwan oo kala Saxeexday Heshiis Iskaashi oo khuseeya Adeegyada Caafimaadka

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Taiwan, ayaa dhakhaatiir Caafimaad u soo diraysa Jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay heshiis iskaashi oo dhexmaray labada dowladood.

Qorshaha dowladda Taiwan ku soo dirayso Dhakhaatiirta ayaa qayb ka ah heshiis is-kaashi oo Arbacadii shalay ay si wada-jir ah qalinka ugu duugeen Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan iyo Safiirka Dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland.

somaliland iyo TaiwanWar-murtiyeed ka soo baxay heshiiska labada dowladood, ayaa lagu sheegay in dhakhaatiirta Caafimaad ee Dowladda Taiwan ka hawl-gali doonaan Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa si ay tabobarro aqoontooda kor loogu qaadayo u siiyaan hawl-wadeennada caafimaadka, iyadoo la filayo inay qayb laxaad leh ka qaataan horumarinta adeegyada Caafimaadka ee dalka.

War-murtiyeedka lagu xusin wakhtiga rasmi ah ee ay Somaliland soo gaadhi doonaan Dhakhaatiirta Caafimaad ee ka imanaya dalka Taiwan.

“Heshiiskani wuxuu dowladda aanu saaxiibka nahay ee Somaliland fursad u siinayaa inay horumar ka sameeyeen awoodda wax-qabad ee adeegyada caafimaadka bulshada loo fidiyo,” waxa sidaas lagu sheegay qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan Joseph Wu, ayaa sheegay in Iskaashiga adeegyada Caafimaadku udub-dhexaad u yahay Xidhiidhka labada waddan, isagoo sheegay in dowladda Taiwan hore u bilowday barnaamij lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka kaddib markii ay labada waddan kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo lagu kor loogu qaadayo xidhiidhka labada dowladdood sannadkii 2020-kii.

Kulanka shalay ka qabsoomay magaalada Hargeysa ee labada waddan ku kala saxeexdeen heshiiska iskaashi ee dhinaca caafimaadka, waxa goob-joog ka ahaa wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Bade, Wasiirka Arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu oo hab maqal iyo Muuqaal ah kaga qayb-galay Kulanka iyo Saraakiil ka kala socday labada waddan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.et

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories