HomeTaiwan oo $200 Milyan ku maalgelinaya Lithuania oo Cadaadis kala kulmay Shiinaha...

Taiwan oo $200 Milyan ku maalgelinaya Lithuania oo Cadaadis kala kulmay Shiinaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Dalka Taiwan ayaa Arbacadii shalay shaaciyey inay $200 Milyan ku maalgelinayso Wershadaha dalka Lithuania si kor loogu qaado xidhiidhka ganacsi ee ay la leedahay, waxaana ujeeddada maalgelishan lagu tilmaamay inuu jawaab u yahay cadaadis dalka Shiinuhu ku hayo waddankan yar oo ku yaalla gobolka Baltic ee qaaradda Yurub.

Dowladda Lithuania joojisay saxeexa heshiis ay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha kula galayso dhismaha Biriishka ugu weyn dalkaas oo loo samaynayo jidadka tareennada, waxaana go’aanka dowladda lagu sifeeyey mid lagu ilaalinayo “danaha amniga qaranka,” sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay afhayeenka raysal-wasaaraha dalkaas.

blankDalka Lithuania ayaa cadaadis xooggan kala kulmey Shiinaha oo ku andacoonaya in Taiwan tahay qayb ka mid ah dalkooda, waxaanu cadaadiska Shiinuhu salka ku hayaa kaddib markii Lithuania oggolaatay in Taiwan xafiis dibloomaasi ka furato caasimadda Vilnius.

Wakiillada Taiwan ku leedahay caalamka ayaa xafiisyadooda ku magacaaban yihiin magaca Caasimadda dalkaas ee Taipei, marka laga reebo Somaliland oo xafiiska wakiilkoodu ku magacaaban yahay magaca dalkaas ee Taiwan.

Lithuania oo ka mid ahaan jiray Jamhuuriyadihii ku midaysnaa Midowgii Soofiyeeti ee burburay, ayaa noqday waddanka labaad ee Taiwan ka furato xafiis dibloomasiyeed wata oo magaca Taiwan.

Shiinaha ayaa dib ugu yeedhay safiirkii u fadhiyey Lithuania, taas oo hoos u dhigtay xidhiidhkii dibloomasiyeed ee ka dhexeeyay, isagoo Shiinuhu joojiyey dhammaan badeecadaha lagu farsameeyo gudaha dalka Lithuania.

Dalka Maraykanka ayaa taageeray go’aanka dowladda Lithuania xidhiidhka kula samaysay Taiwan.

Afhayeen Khamiista maanta u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, ayaa cambaareeyey taageerada Maraykanka u muujiyey dalka Lithuania oo uu ku eedeeyey inay ka soo horjeedaan midnimada dalweynaha Shiinaha.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa kaga hadlay cadaadiska Shiinaha ee Lithuania shir jaraa’id oo ay magaalada Washignton si wadajir ah ugu qabteen Wasiirka Arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock, waxaanay labada masuul kulankooda ku ballan-qaadeen inay ka hortagi doonaan tallaabada uu Shiinuhu qaaday oo ay ku tilmaameen Cabsi-gelin diblomasiyeed.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu sheegay in Maraykanka iyo waddanka ugu dhaqaalaha badan Yurub ee Germany ku heshiiyeen inay si wada-jir ah uga hortagaan saamaynta Shiinaha oo ay sheegeen inuu khatar muuqata ku yahay Qiyamka guud ee ay wadaagaan, shuruucda iyo heshiisyada u dhexeeya ee horseedka u ah horumarka iyo xoriyadda caalamka.

“Waxaanu walaac ka qabnaa isku dayga dowladda Shiinuhu ugu cagajugleynayo Lithuania. Shiinuhu wuxuu ku qasbayaa shirkadaha Yurub iyo Mareykanka inay kala doortaan joojinta isticmaalka alaabooyinka lagu farsameeyo Lithuania ama ay luminayaan fursadaha suuqa Shiinaha, sababtoo ah Lithuania waxay dooratay inay kor uqaaddo iskaashiga Taiwan,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Dhaqaalaha dalka Lithuania oo ku dhisan dhoofinta allaabooyin ay gudaha dalkaas ku farsameeyaan boqolaal shirkadood oo wax-soo-saarkooda u dhoofiya dalka Shiinaha.

Wakiilka Dalka Taiwan u fadhiya Lithuania, Eric Huang, ayaa sheegay in qorshaha maalgeshigan laga hirgelinayo Sanduuqa Horumarinta Qaranka ee Taiwan oo taageero ka helaya Bangiga Dhexe

“Sida ugu dhaqsaha badan ayaanu u aasaasaynaa sanduuqan maalgeshi, waxaananu rejaynaynaa inaanu  sannadkan gudihiisa heli doono natiijooin wax ku-ool,” sidaas ayuu yidhi wakiilka Taiwan.

Dalka Taiwan oo ka jawaabaya xayiraadda Shiinuhu saaray Dalka Lithuania, ayaa oggolaaday inay dekedahooda ku soo xidhaan 120 Maraakiibta badeecadaha oo laga soo celiyey suuqyada Shiinaha.Taiwan ayaa sheegtay inay suuqyada dalkooda u oggolaan doonaan badeecadaha lagu farsameeyo Lithuania.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories