HomeTahriibku waa aafo Qaran oo aan cidna lagu dhaliili kareeyn, sideese loo...

Tahriibku waa aafo Qaran oo aan cidna lagu dhaliili kareeyn, sideese loo yareeyn karaa – W/Q: Xasan Waraaba-cadde

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

hassan AbdallaTahriibtu waa aafo qaran oo ku habsatay dalkeena waa aafo qaran oo dhalinyartii hablo iyo inamaba qulqulayaan waa aafo qaran oo ka mid noqotay in loo tacabiro qurbaha gaar ahaan wadamada reer Galbeedka ah.

Waxaan marwalba akhristaa kana naxaa runtii in siyaasiyiintu  aay ka dhigteen dhaliil hadba ku wajahan xukuumadda joogta loogana dhigo in xukuumada laga   tahriibayo laakiin arinku sidaa waa ka duwanyahay sideey aniga ila tahay.

Tahriibku manta waxa uu gaaray heer uu ganacsi noqday wuxuu  saameeyay qooysaskii danyarta ahaa iyo qooysaskii awood dhaqaale lahaaba ,waxuu saameeyay ardaydii jaamacadaha dhiganayay kuwii dugsiyadda sare dhiganayay kuwii isboortiga ahaa kuwii suuqa ka shaqeeysanayay iyo kuwii degmooyinka  joogay  .

Hadaba waxaan dadka waaweeyn ee siyaasiyiinta ah ee wadankan la doonayo in uu gaaro ictiraaf u jiheen lahaa ayaa halkii la doonayay in laga midaaysnaado xal u helida ama loo yareeyn  lahaa aafadaa qaran cid gaara ku tuuraya.

Qisaan xasuustay aan u soo joogay sanadihii bilawgii todabaataneeyadii anigoo iskuulka ku socda ayaan ku habsaami jiray dad badan oo ka yimid Hargeisa ama iyo Burco oo safaf dhaadheer ugu jira qaadashada Paasabor aay ugu haajiraan Sacuudiga waxaay goobtu ahaayd Halkii Fiyooraha ee taleex u dhaweeyd raxan raxan ayeey u safnaayeen  waxaa loo fududeeyay passboorkii cimro ayeey sii qaadan jireen halkaaseey  u shaqo tagi jireen.

Manta waa sidii oo kale waxaay isku biimaaynayaan sidii aay u gali lahaayeen Europe ama wadamada reer Galbeedka ah dhalinteenii waxaanad moodaa in aalada Facebooga uu qaaybweeyn ka qaadanaayso tahriibta oo xataa inta la sii socdo iyo kadiba lagu wada xariiro qof waliba saaxiibadii kale uu hiyi kaciyo tahriibkuna sii laba laabmo.

Tusaale inan dhalinyaro ah oo tahriibay oo Maalta Jooga hadda walina xero ku jira ayaa faceboogiisa ku qoray waxaan joogaa oon ku noolahay Norway saaxiibadii waxaay la yaabeen mudadaas gaaban sida uu ku gaaray Norway  halkaasi waxaa ka dhashay in ayagiina tahriibaan waa aafo.

Wxaan xal u arkaa anigu.

In aan qofna lagu eedeeyn maadaama qofwalba aay saamaaysay lagana yeesho talo guud muxaafid iyo mucaaridba ,wadaad iyo waranlaba wacygalin fiicana dalka laga abaabulo ,waxaase ugu muhiimsan in dhalinyarta loo abaabulo siminaaro wacyigalineed  lana dhiso garoomo aay ku cayaaraan iyo sortiska oo si cilmiyeeysan loo habeeyo  tartamada shoolaadka ,Jaamacadaha iyo wixii la mida .

Xukuumada Waxaa ku waajib ah in aay la timaado qorshe ku salaaysan sidii wax looga qaban lahaa aafadaas mucaaridkuna uu wax kastoo talo ah aay ka geeystaan aafadan dalkeena la soo gudboonaatay waxaanan kula talin lahaa in xoog la saaro.

1-In la cidhib tiro dadka ka ganacsada qaabka tahriibka ee isku xidhan lana dhabarjaro.

2.In aay ku dadaalaan shaqo abuur lana soo celiyo habkii shaqada qaranka markaay dhalintu ka baxaan dugsiyadda sare si wadaniyada aay u dareemaan una bartaan waana arin caalami ah oo wadan walba uu ku dhaqmo.

3-Qurba joogu waa in  had iyo goor sharaxaan iftiimiyaana waxyaabaha ka horeeya dhalinteena iyo dhibaatooyinka  manta yaala qurbaha.

Ugu dambeeyntii waa masuuliyad ina wada saran sidii loo cidhib tiri lahaa aafadan ina hortaala sidaa daraadeed waxaa inaga reeban in loo aaneeyo cidgaara in aay ka masuultahay  aafadaas qaran dhalinyaraduna inshaa alaahu aaminaan wadankooda hooyo.

Allaa mahad leh

Hassan Waraabacadde

Oslo  Norway

Hassanabdalla5@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories