HomeTahriibayaal Soomaali ah oo Doonyihii ay Saarnaayeen la la’yahay iyo Tirada Qaar...

Tahriibayaal Soomaali ah oo Doonyihii ay Saarnaayeen la la’yahay iyo Tirada Qaar kale oo Doonyihii ay Saarnaayeen La Badbaadiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Saddex doonyood oo ay saarnayeen Tahriibayaal Afrikaan ah ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah oo ka soo kala jeeda Somaliland, Somaliya iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa lagu la’yahay Badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Doonyahan oo todobaadkii hore dhammaadkiisii ka baxay Xeebaha dalka Liibiya isla markaana ay saarnaayeen tahriibeyaal tiro badan, ayaa wararka aanu ka helayno dalka Liibiya ku sheegeen tirada Soomaalida Doonyahaas Saarneyd in ka badan 200 oo qof, iyada oo xilligan lagu jiro bad-xidhan maadaama lagu jiro xilli xagaaga oo dabaylo ba’ani ka dhacaan Badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa Woqooyiga Afrika iyo Koonfurta Qaaradda Yurub.

migranti_a_LampedusaMarka laga yimaaddo Saddexda Doonyood ee la sheegay in la la’ yahay, waxa habeen hore jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga ku xidhatay Dooni siddey 159 Qof oo ay ku jiro ilme yar oo ku dhex-dhashay doonta, kuwaas oo ay badbaadiyeen Ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga.

Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa magacyada dhowr iyo Afartan qof oo ka mid ah 200 ee qof, in kasta aanay suurto-galin inaanu helno deegaamada ay u dhasheen dadkani.

1- Nasra Cabdillaahi Cabdi, 2- Fartuun Xasan, 3- Cabdilaahi Xasan,  4- Faarax (lama hayo magaca oo dhameystiran), 5- Nasteexo Nuur Xassan, 6- Xasan Mowliid Cismaan Jees-bile, 7- Aadan Cabdiqaadir Aadan, 8- Xasan Wali Fanteeye, 9- Sabriin Yaasiin, 10- Ilkacase (lama hayo magaca saxda ah), 11-Saleemaan Sabriye, 12- Najax Cabdilahi, 13- Xasan Furre, 14- Sacdiya Ilyaas Cabdi, 15- Salaad Yuusuf, 16- Saabir C/naasir Xaji, 17- Xaaji  (Lama hayo magaca oo dhameystiran), 18- Fartuun Xasan Xuseen, 19- Cabdillaahi Dhagey,  20- Suleekha Cabdiqaadir Cabdi, 21- Nafiisa C/xaafid Ilyaas, 22- Sabriin Salaad Xaashi, 23- Fadumo …. (Bilan), 24- Mascuud Axmed, 25- C/fataax Nuur, 26- Maxamed Xasan Xuseen, 27- Saleeban Faysal, 28- Faarax Cabdillaahi Cabdi, 29- Mukhtaar Muse, 30- Xuseein Maxamed Xassan, 31- Sacdiya Nuur Farax, 32- Fatxiya (Lama hayo magaca oo dhameystiran), 33- Fanax (Lama haayo magaca oo dhameystiran), 34- Siciid Cabdiqaadir, 35- Anwar Faarax, 36- Yoonis Salaad Xaaji, 37- Salmaan Xasan, 38- Cabdirisaaq Maxamed, 39- Cabdiraxmaan Maxamed, 40- Xuseen Bare Ismaaciil, 41- Xasan Axmed Tuure, 42- Naciima Cabdi Faarax, 43- Maryan Cali Xuseen, 44- Faarax Cali, 45- Xasan Sheekh Ibraahin.

Dhanka kale, sida lagu baahiyey warbaahinta dalka Talyaaniga, Ciidamada ilaalada Xeebaha ee dalkaas, ayaa habeennimadii Arbacada iyo Khamiista ee todobaadkii hore bad-baadiyey la bad-badiyey 600 oo tahriibayaal Afrikaan ah kuwaas oo muddo Afar maalmood ah ku dhex-jiray Badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories