HomeTacsi: Marxuum Maxamed Xuseen Caabi

Tacsi: Marxuum Maxamed Xuseen Caabi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankALLe ha U Naxariistee waxa abaaro lixdii subaxnimo ee maanta 4/01/2012 ku   geeriyooday magaalada London U.K Maxuum Maxamed Xuseen Caabi oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Isbitaalka Hargeysa.

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa Xaaska Marxuumka Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo inantiisa Deeqa, ehelka, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba.
Waxaan kale oon tacsida u dirayaa Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Guud, hawl-wadeenadii SNM, Xukuumadda iyo Shacbiweynaha Somaliland.

Marxuumku wuxu ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee qurbaha wax barasho u baxda kuwii ugu horeeyey, isagoo lixdanaadkii ka mid noqday saraakiisha boliska deedna u wareegay dhanka dibloomaasiyadda iyo wasaaradda arrimaha debedda oo uu ka gaadhay Qusulka Somalida u fadhiyey Geneve.

Allaha U naxariistee Marxum Maxamed Xuseen Caabi waxaan la iloobeyn kaalintii uu ku lahaa halgankii SNM isagoo ahaa maamulaha xafiiska SNM ee London, qoraa aan ka nasan fidinta warka iyo barnaamajka SNM. Waxuu ahaa nin aad uga hawlgalay damista khilaafaadkii siyaasi ee halganka. Waxuu ahaa beel-daajiye nabaddoon ah, kuna dagaalama danta guud een hoos u eegin dan gaar ah iyo dheef maalmeed, naftii hure samafale ah oo jecel taakulinta miskiinka iyo danyarta.

Maxamed waxuu ahaa nin af-gaaban, bulshaawi dad jecel oo kaftan qabow oo hufan lagu xusuusto, nin aan yar iyo weyn cidna xanjiimeyn, ee qalbi furan iyo kalgacal ku qaabila ehel iyo asxaaba.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed waxuu xanuunka uu u dhintay haleeley isagoo gudanaaya xajka kal hor ilaa maantana uu u jiifay. Ehlo kheyr khaatumo wacan oo cabsida Alle aan ka il duufin ayuu ahaa ee waxaan Alle u baryayaa inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows, inagana dhammaan haynaga yeelo kuwa laasimno duco iyo samir.Amiin.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyha Madaxweynha Somaliland
Arrimaha Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

samotalis@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories