HomeTacaddiyada Haweenka loo geysto iyo Tirada Kufsi-wadareedyada oo Heerkii u Sarreeyey Ka...

Tacaddiyada Haweenka loo geysto iyo Tirada Kufsi-wadareedyada oo Heerkii u Sarreeyey Ka Gaadhay Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

KufsigaHargeysa (SLpost)- Madal lagu daah-furay olole ka dhan xakamaynta xad-gudubyada Haweenka lagula kaco oo todobaadkan  lagu qabtay Magaalada Hargeysa, isla markaana ay soo qaban-qaabisay  wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashanaysa dhawr Hay’adood Caalami iyo kuwo Maxali, ayaa lagu soo bandhigay tirada Tacaddiyada Kufsiga ah ee sannadkan gudihiisa loo geystay haweenka ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Ololahan oo bilaabmay 25-kii bishan oo ah maalin Qaramada Midoobay u astaysay Xuska Tacaddiyada Haweenka loo geystay, isla markaana socon doona ilaa 10-ka bisha December ee sanadkan,  ayaa ka soconaya dhammaan Goboladda dalka oo dhan, sida ay xafladaasi kaga dhawaaqeen Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda UNFPA oo Ololahan gacan ka geysanaysaa.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada somaliland Maxamuud Axmed Garaad, ayaa furay Ololaha Maalinta dhawrista xuquuqda Haweenka “Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa dhamaan ilaalinta Xuquuqda Mawaadiniinta dalka u dhashay, sidaasi darteed wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadu waxay bilaabaysaa 16 Maalmood la sameynayo Olole ka dhan Tacadiyada Haweenka lagula kaco”ayuu yidhi Wasiir Garaad.

“Tacadiyada Haweenka lagula kaco tusaale ahaan waxa Hargeysa ka dhacay 221 Kiis oo Kufsi ah sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan 2013-ka laga soo bilaabo bishii Janaury illaa September, sida ay tilmaamayso xogta Baahi koobka Cisbitaalka Hargeysa, iyadoo ay tiradaasi tahay inta la soo xidhay oo kaliya, balse aanu rumaysanahay inay tiradu intaasi ka badan tahay, goboladda dalkeena oo dhanna arrintani waa mid ka jirta.

Xad-gudubyada lagula kaco haweenku waa mid ka hor imanaya qawaaniinta Somaliland iyo Shuruucda Caalamiga ah, Somaliland waxay ka mid tahay waddamada aqoonsan Maalinta joojinta xad-gudubyadaasi”ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiir Garaad. Wasiirka ayaa sidoo kale baaq uga diray munaasibadaasi shacbi weynaha Somaliland “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo ka wakiil ah Madaxweynaha Somaliland, kana duulayna xilka aanu qaranka u hayno, waxaan bulshada Reer Somaliland ugu baaqaynaa in laga wada qayb-qaato Ololaha lagu joojinayo Tacadiyada haweenka lagula kaco”ayuu yidhi.
Wasiir Garaad ayaa sidoo kale sheegay in Kufsigu dalka ku soo kordhay xiligii Dawladdii Siyaad Barre illaa dagaaladii sokeeye “Kufsigu berigii hore dalkeena kama dhici jirin, balse wuxuu ku soo kordhay wakhtigii Dawladdii Milateriga ahayd dalka ka talinaysay illaa wakhtigii Dagaaladii Sokeeye”.
Mawliid Cismaan oo ka socday Hay’adda UNFPA ayaa sheegay in sanad kasta Saddexdii Dumar ah ee Dunida guudkeeda ku nool mid ka mid ah lagula kaco tacadi, haddii ay tahay Kufsi, Jidh dil, iyo Maskax ahaan, waxaanu yidhi “Xad gudubyada ka dhanka ah Haweenku waa meel ka dhac . Saddexdii Dumar ah ee Dunida ku nool mid ka mid ah ayaa mar uun lagula kacaa xad-gudub , jidheed, maskaxeed ama wax kale oo tacadi ku ah”ayuu yidhi Sarkaalka u hadlay UNPA, waxaanu intaasi ku daray, “Lix Milyan oo Dumar ah ayaa ku nool dalalka ay wali ka dhacaan Xad-gudubyada lagula kaco Haweenku. In ka badan Milyan Haween ah oo dunida ku nool, ayaa la dhibaateysan xad gudubyada ay ka mid yihiin Gudniinka Fircooniga ah iyo Guurka Khasabka ahi, taasna haddii laga hawl-galo waxaan filaynaa in wax laga qaban karo. Qarrammadda Midoobay waxay saxeexday baaq ka dhan ah dhibaatooyinka Haweenka loo geysto, dalalka baaqaas saxeexayna Somaliland ayaa ka mid ah. Sidaasi darteed UNFPA, waxa naga go’an inaanu Somaliland kala sii shaqayno joojinta dhibaateynta Haweenka.”

Kufsiga ayaa ku inta badan lagula kaco dadka Jilicsan ee Haweenka ah, waana mid ku soo badanaya Somaliland, sida ay sheegtay Luul oo ka mid ah Sarkaalka hogaaminaya Ololaha 16 Maalmood soconaya ee lagu joojinayo Tacadiyada “Tacadiga waxa lagula kacaa dadka jilicsan, gaar ahaan Haweenka, Gabdhaha, Kufsiguna waa mid ku soo badanaya dalkeena, sidaasi darteed waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo”ayay tidhi.

Wasiirka Dhalinyarrada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo ka hadlay mawduuca ku saabsan Kufsiga iyo Tacadiyada kale ee Haweenka lagula kaco, ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi, waxaanu ku taliyay in qofkii lagu qabto dhagax lagu dilo iyo inaan Haweenka la qabo raggoodu Jid-dil u geysan.”Kufsiga iyo dhibaatooyinka kale dumarka lagula kacaa waa arrin ka soo horjeeda dhaqankeena iyo diinteena Suuban, markaa waxa loo baahan yahay inaan dumarka la dilin, Ninkii lagu qabto Kufsina aan Maxkamad lala sugin ee halkiisa lagu dilo,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in Tacadiga Haweenku Diiniyan Xaaraan yahay, isla markaana Diinta Islaamku xuquuq dhamaystiran Haweenka siisay, taas oo banaynaysa inay shaqaystaan, Hanti yeeshaan, isla markaana ixtiraam mudanyihiin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories