HomeTacabiraye Maxaan Taray?! Q.1aad

Tacabiraye Maxaan Taray?! Q.1aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Aniga iyo saaxiibkay waxaanu ku dhalanay magaalo aad u balaadhan oo badanka dadka dagaa ay ganacsato yihiin. Waxaan kusoo kornay isla bandarkaas oo aanu wax barashada dugsiga hoose dhexe kaga baxnay, laakiin waxay wax kastaaba is badaleen markii wadankayagii ay dagaalo ka dheceen kadibna aniga iyo laba saaxiib oo aan leeyahay aanu wada socdaalnay si aanu u aadno dalalka yurub, si aanu uga shaqaysano ugana soo barano xirfad iyo xeelad hadba kii noo suurta gasha.

Inta aanan idiin bilaabin safarkayaga aanu dhul dheer ku dhex mari doono, aan idiinka sheekeeyo saaxiibkay iyo aniga dabeecadahayagu siday u kala duwanyihiin. Saaxiibkay waan jeclay oo markasta anaa caawiya laakiin isagu iigama abaal gudo, hadii aanu canaan iyo cay iiguba darin, mar kasta waxa uu dusha iga saaraa dhacdooyin qadarka eebe ku yimid aniguna waan iskaga dul qaataayoo waan iskala socdaa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaanu go,aansanay inaanu tacabirno (tahriibno) iyadoon cidna na ogayn, waxaanu u jihaysanay xagaa iyo dalka Ethiopia, kadibna anagoo lugaynayna dhamaantayo ayaanu waxaanu usoo galnay qolo jin ah oo meel xero ah dagan. Horraantii namay arag, anaguna waanu u dhawaanay laakiin se maanaa garanayn waxay ku hadlayeen, saaxiibkay baa mooday xabashi kadibna inta u kasoo baxay dhagaxii aanu ku dhuumanaynay ayuu is tusay jinkii. Kadibna inta ay qaylo ka yeedhay ayay nagula soo yaaciin hub gacmeed ay malahayga rabeen inay qudha nagaga jaraan, maanaa yaacin ee halkayagii baanu iskaga jirnay.

Nasiib wanaag namay diline inta ay xadhig nagu xidheen bay na saareen neef aan faras iyo dameer aanan u kala garanayn, kadibna waxay noola keceeb xarunta looga taliyo deegaankoodu oo uu suldaankoodiina jooga. Intii aanu dhexda kusii jirnay saaxiibkay intaa wuu I canaananayay, inkastoo uu isagu sabab u ahaa in nalasoo xidho, laakiin maan iloobin marna inaan dulqaad iyo wanaag aan kula dhaqmo. Intaanu dhexda kusii jirnay, markasta oo ay gaadho xiliga makhribka, ciidamada nasoo xidhay way naga qarsoomaan ilaa saacad ku dhawaad, kadibna waxaanu ka yar nasanaa qaylada faraha badan ee ay ciidankaasi ku gaardiyayaan ilaa inta ay dib usoo muuqanayaan.

Ku dhawaad laba sitimaan kadib ayaanu nimid buuralayda sare ee itoobiyo, waa dhul aad u qurux badan oo dhaxan aad u darani ka dhacayso, waxa mara wabiga niilka buluuga ah, markii aanu soo gaadhnay xaruntii taliska ciidamada nasoo xidhay, ayaa waxa amar lagu siiyay in ay nasii daayaan kadibna naloo geeyo boqorka jinka ah ee meesha xukuma. Aniga iyo saaxiibkay anagoo warwar naga maqnayn ayaanu meel gooni ah ku sugnay boqorkii nala ballansanaa, mar qudha ayaa waxa albaabka kaso baxay cimlaaq wayn oo ilaa toban mitir dhararkiisu yahay, waa uu madawyahay, hal il ayuu ku leeyahay sanka hoostiisa, carabkiisuna ku dhawaad saddex mitir wuu yahay. Argagax ayaa hadba meel u cararnay, laakiin wuxuu noo ishaaray inaanu fadhiisano kadibna ku dhawaad saacad ayuu hadlayay, inkastoonaa mar qudha fahmin waxa uu noo sheegayay, hadana wax kasta oo uu yidhaa si fiican baan u dhagaysanay.

Habeenkii markay gaadhay, ayay nasoo kexeeyeen askartii kadibna na keeneen meel ay ciyaar aad u fiican laga tumanayo, dumar qurux badan ay ka buuxaan, boqorkii aanu saaka la kulanayna uu halkaa soo fadhiyo isagoo sidii aanu saaka ku aragnay ka duwan. Kursi aad u dhalaalaya ayuu ku fadhiyaa, dab oog ah oo holcayana hortiisa ayuu ku shidanyahay. Waxaan meeshuu joognaba habiinka ayaa hadana dib naloogu celiyay meeshii aanu ku xidhnayn. Habeenkii oo dhan saaxiibkay wuu I canaanayay, laakiin marna ma ilaabin samirkaygii. Subaxdii markii cadceedu soo baxday, ayaa nin af Somali ku hadlaya noo yimid, kadibna waxa oo noo sheegay in aan  boqortooyadii jinka soo galnay isaguna uu yahay askarta mid ka mid ah, wuxuu noo sheegay in boqorku  labadayadaba na xujayn doono, hadii aan xujadiisaa furnana aanu xor noqon doono, oo hadba meeshii aanu rabno ciidanka boqorku na gayn doonaan.

“hawraarsan” ayaanu ugu jawaabnay, kadibna waxa naloo qaaday xagaa iyo qasriga looga taliya boqortooyadan Braashuu, oo ku dhawaad laba bilood qaadatay inaanu agaadhno, daal iyo gaajo nagama maqno, aakhirkii boqorkii ayaanu hor fadhiisanay oo maantana si kale u eeg, laakiin aad u qurux badan, kadibna wuu na xujeeyay. Talaw muxuu nagu xujeeyay?………………… la soco qaybta labaad

 

Qalinkii Sayid Balayah.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories