HomeTabashooyin ka dhashay Saami-qaybsiga Beelaha ee Xukuumadda Cabdiweli Gaas oo Abuurtay Duufaanno...

Tabashooyin ka dhashay Saami-qaybsiga Beelaha ee Xukuumadda Cabdiweli Gaas oo Abuurtay Duufaanno Siyaasadeed oo Mucaaradad ka abuuray Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Garowe (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo todobaad uun laga yar markii uu xilka la wareegay, ayaa durba maamulkiisu la kowsaday duufaanno mucaaradeed oo kaga furmay qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan deegaannadaas oo saluugay saami qaybsiga ay ka heleen Golaha wasiirka xukuumaddiisa oo uu todobaadkan magacaabay.

BeelahaWaxa mar qudha cirka isku shareeray dhawaaqyada kala duwan oo ka soo yeedhaya qaar ka mid ah  Beelaha ku midoobay maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo ku cabanaya inaanay xukuumadda Cabdiweli Gaas ka helin saamiyadii ay ka ku lahaayeen xukuumadihii isaga ka horeeyey. Waxgaradka, cuqaasha iyo  aqoonyahanka beesha Tanade (Leel-kase), ayaa kulan ay shalay magaalada Garoowe ku yeesheen waxay kasoo saareen qodobbo dhowr ah oo ku aaddan magacaabista xukuumadda cusub ee Puntland.

Kulankan oo intii uu socday khudbado kala duwan laga jeediyey waxaa markii uu soo gaba gaboobay laga soo saaray bayaan lix qodob ka koobnaa oo ay ku saxiixnaayeen in ka badan boqol qof oo isimo, aqoonyahan, culumaa’uddiin, dhallinyaro iyo haween isugu jirey.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ay beeshaasi markii hore taageero u haysay hoggaanka cusub ee Puntland balse hadda ay ka sugayaan in uu ka soo jawaabo cabashadiisa, iyada oo sida lagu xusay bayaankan saamiga beesha Tanade laga siiyey golaha wasiirrada cusub ee Puntland yahay mid aan u qalmin maadaama ay beeshu tahay mid baaxad weyn ku leh dhammaan deegaanada Puntland.

Tabashada ka dhalatay saami-qaybsiga dawladda Puntland kuma koobna oo kaliya beeshan, waxase si isdaba joog ah cabashooyin ay mucaaradad ku ladhantahay u soo jeedinaya beelaha kala duwan ee maamulka Puntland ku nool, kuwaasi oo qaarkood ku eedaynayaan madaxweyne GAAS in uu Golaha wasiirada ka buuxiyey cid aan inta badan ka soo jeedin beelaha dega maamulkaasi, sida xubnaha ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag oo sida ay ku doodayaan aan waxba u soo kordhinayn Maamulkiisa.

 Si kastaba ha ahaatee marka la eego xilligii doorashada ee laba todobaad ka hor sida ay shacabka Puntland u soo dhaweeyeen iyo sida ay hada durba uga qayliyeen, waxa soo if-baxaya dhaliilo iyo saluug laga tirsanayo maamulka Cabdiweli Gaas, kuwaas oo la odhan karo waxa ay hordhac u yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories