HomeTababarihii Xulka Gobolka Saaxil iyo 15 Ciyaartooy Oo Is Casilay Iyo Sababaha...

Tababarihii Xulka Gobolka Saaxil iyo 15 Ciyaartooy Oo Is Casilay Iyo Sababaha Ku Dhaliyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost) – Tababarihii xulka kubadda cagta ee gobolka Saaxil, Mr. Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa shaaca ka qaaday inuu gabi-ahaanba iska casilay xilkii tababarenimo ee gobolka Saaxil, ka dib markii sida uu sheegay uu dhibaatooyin badan kala kulmay Badhasaabka Gobolka iyo isku-duwaha ciyaaraha Saaxil.

 

 

 

Tababare Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur), ayaa xulka gobolka Saaxil u hoggaamiyay inay u soo gudbaan tartanka ciyaaraha gobolladda ee  siddeed dhammaadka  (quarter final)-ka oo maalmaha soo socda  ka bilaabmi doona garoonka kubadda cagta ee  Magaaladda Hargeysa.

 

 

 

Tababaraha xulka Gobolka Saaxil oo galabta u warramayay Cumar Maxamed Faarax oo ka tirsan Dawan, waxa uu sheegay in isaga iyo 15 ciyaartoy oo ka tirsan xulkiisii ay gabi ahaanba iska casileen xulka kubadda cagta Saaxil.

 

 

 

“Waxaan Caddaynayaa inaan maanta iska casilay tabobarenimaddii xulka Gobolka Saaxil oo aan si weyn oo daacadnimo leh u carbiyay oo aan ku guulaystay inay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka ciyaaraha gobollada ama sideed dhammaadka, hase yeeshee aan xilkaa iska casilay markii ay dhibaatooyin badan iyo wada shaqayn la’aan aan kala kulmay Badhasaabka Gobolka iyo Isku-duwaha ciyaaraha gobolka Saaxil,”ayuu yidhi Tababare Shakuur.

 

 

 

Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur)  oo ka hadlayay asbaabaha  iscasilaadiisa dhaliyay waxa uu yidhi “Waxa kale oo iscasilaadaydan igu weheliya 15 ciyaartoy oo 11 aan ka kaxeeyay Magaaladda Hargeysa iyo  4 ciyaar-yahan oo aanu ka keenay degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, maamulka gobolku xataa waxay garan waayeen inay na weydiiyaan xaalladda ciyaartoy naga dhaawacmay oo aan jeebadayda ka daweeyay. Taasina waa arrin aanan marnaba filaynin. Waxa kale oo ay nagu hayeen faro-gelin kala duwan oo aan xul ahaan u wanaagsanayn .”

 

 

 

Tababare Shakuur waxa uu ka mid ahaa ciyaar-yahanadii waaweynaa ee gobolkii Waqooyi  galbeed xilligii Soomaaliya. Waxa uu tartankii ciyaaraha gobollada ee kan ka horeeyay ahaa macalinka xulka kubadda cagta ee Daad-madheedh, waxaanu soo gaadhsiiyay  wareega afar dhammaadka (Semi-final)-ka.

Iscasilaada tababarahan iyo ciyaartoygiisu waxay caqabad  ku noqonayaan  xulka Kubbadda cagta Saaxil oo sannadihii u dambeeyay oo dhan ku hadhi jiray wareega koowaad, hase yeeshee sannadkan sameeyay horumar balaadhan.

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories