HomeTaariikhda Webiga Niilka Iyo Dalalka Uu Maro - W/Q: Cali Cabdi Coomay

Taariikhda Webiga Niilka Iyo Dalalka Uu Maro – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cali Coomay
Cali Coomay

Webiga niilku waxa uu ka soo farcamaa  laba qaybood oo kala ah:

1.      Niilka Cad (White Nile)

2.      Niilka Buluugga ah (Blue Nile)

Niilka Cad (White Nile)

Niilka cadi wuxuu ka soo bilaabmaa dhawr meelood oo ay ka mid tahay buuraha silsilda ah ee dalka Ruwaanda, dhulka taaga ah ee Burundi, Harada figtooriya ee yugaandha, qaybo ka mid ah dhulka Tansaaniya iyo weliba meelo ka mid ah dalka Koongo. Webiga niilka cad waa webiga ugu biyaha badan uguna dheer. Wuxuu ku darsamaa harooyinka Albert iyo Edward markaasuu u soo dhaqaaqaa dhinacaa iyo dalka koonfurta suudaan. Markuu soo gaadho halkaasi waxa is-bedela xawaarihii uu ku socday, waxa ku yimaada hoos u dhac weyn. Wuxuu ku faafaa dhul balaadhan oo isku siman. Qaybo ka mid ah biyaha webigu waxay isu-bedelaan uumi waxayna la falgalaan hawada, marka dambana uumigu wuxuu noqdaa roob. Ka dib markuu ka gudbo dalka koonfurta suudaan wuxuu u dhaqaaqaa dalka Suudaan, markaasu ku darsamaa webiga buluuga ah (Blue Nile) meel u dhow caasimada khartuum, ka dib waxay noqdaan niilka weyn (Main Nile).

Niilka Buluugga ah (Blue Nile)

Niilka buluugga ahi wuxuu ka soo bilaabmaa harada Taana ee dalka itoobiya. Wuu ka biyo yar yahay niilka cad, oo sannadkii oo dhan waxa laga helaa biyo yar, mararka qaarkood waxa loogu yeedhaa webiga xagaaga. Sababta magacan loogu yeedho ayaa lagu sheegay inay tahay markuu soo galo wakhtiga xagaagu waxa soo dhaca dabaylo badan oo sababa in dhulka sare ee itoobiya ay roobab badani ka da’aan, ka dibna ay biyuhu ku shubmaan niilka buluuga ah, markaasay bataan biyaha webigu. Webigani wuxuu leeyahay magacyo badan, dhinaca itoobiya waxay u yaqanaan Abbai, halka carabtuna u taqaan Al Bahr Al-Azraq. Markuu soo dhaqaaqo ayuu soo maraa meelo dhawr ah ilaa uu ku darsamo niilka cad meel u dhow caasimada suudaan ee khartuum, intaasi ka dibna wuxuu noqdaa niilka weyn (main nile).

Webiga niilka buluuga ah iyo niilka cad dalalka ka faa’idaysta

Niilka buluuga ah waxa si laxaad leh biyihiisa uga faa’idaysta dalka masar. 60% ayaa lagu sheegaa inay biyahaasi gaadhaan dalka masar. dalka suudaan waxay si weyn uga faa’idaystaan laydhka oo 80% laydhka dalka suudaan waxay ka dhaliyaan biyaha webiga iyo weliba wax soo saarka beeraha saxaraha ka yaalla. Waxay ka beeraan cudbi, gallay, qamadi iyo khudaarta. Webiga niilka buluuga ah waxa ka faa’idaysta dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Masar. niilka buluuga ah biyahiisu waa ka khilaafka ka abuuray dalalka itoobiya iyo masar.

Niilka cad ( white nile)

Niilka cad waxa si weyn uga faa’idaysta biyihiisa dalalka Ruwaanda, Tansaaniya, yugaandha, koonfutrta Suudaan iyo Suudaan. Waxay uga faa’idaystaan beerista beeraha iyo ciida madow ee nafaqadu la socoto. Dalalkan qaarkood waxay ka beeraan cudbida oo ay adduunka u dhoofiyaan.

Dalalka uu maro webiga niilka weyni (main nile)

Markay isku darsamaan labada webi ee niilka buluuga ah iyo niilka cadi waxay gaadhaan dalka Masar ka dib waxay ku darsamaan badda midhitaraeenkan.

Dalalka uu maro : Koongo, Ruwaanda, Tansaaniya, yugaandha, koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Itoobiya.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories